Madaxweyne Siilaanyo oo Magaalada Hargeysa kula kulmay Augustine Mahiga

Hargeysa 21-April-2012 (MMG) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Augustine Mahiga oo booqasho laba meelmood ah ku yimid dalka.

Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu iman-jiray Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Madaxweynuhu kaga warbixiyey kulankan Arrimo la xidhiidha nabad-gelyada iyo taageerada ay xukuumadiisu ka doonayso beesha caalamka inay ka taageerto adkaynta iyo kobcinta hawlaha nabad-gelyo ee dalka ka socda iyadoo la tixgelinayo khataraha, xasilooni daradu keento ee ka jira mandaqada geeska afrika.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka waramay hawlaha fidinta Dimu-quraadiyadda ee Dalka ka socda iyo Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacaan sanadkan.

Waxaanu si gaar ah madaxweynuhu tilmaamay in kala saaridii ururada siyaasada ay imika u gudbeen mar xaladii ugu danbaysay oo ah inay ka qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka oo ay u soo baxeen 6 urur oo cusub iyo 3dii xisbi qaran ee hore u jiray.

Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramadada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa isna ku dheeraaday sida ay beesha caalamka iyo xog-hayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaaba ay ugu faraxsan yihiin guulaha wax ku oolka ah ee ay Somaliland ka soo hoysay dhinacyada nabad-gelyada, Dimuquraadiyadda, dawlad wanaaga, la dagaalanka Budhcad badeeda iyo wax ka qabashada nabad-gelyo darada ka aloosan geeska afrika.

Waxaanu ka waramay sida ay beesha caalamku diyaarka ugu tahay inay laban-laabto wada shaqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso Somaliland oo caalamku u arko inay tusaale wanaagsan u noqon karto Geeska afrika.

Ugu dambayntii waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, oo ah mid waxku ool ah.

Moment Media Group

Posted on April 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: