Maxaa hortaagan in Digil iyo Mirifle ay samaystaan Maamul goboleed?

Guud ahaan ummaddaha caalamku ayaa waxay soo mareen marxalado kala gedisan oo ku aadan noloshooda iyo weliba jiritaankooda iyadoo sidoo kalena ay marwalba noloshoodu la jaan qaadaysay garaadkooda aqooneed iyo kan waaya aragnimo sidoo kale ayaa ummadda Soomaaliyeedna waxay ahayd ummad ummaddaha caalamka la wadaagta sifahaas aan kor kusoo sheegnay iyadoo weliba intaa u dheerayd waaya aragnimo gaar ah oo ay ka dhaxashay waayahii kala gedisnaa ee ay sida gaarka ah usoo martay.

Hadaba inagoo ka tusqaadayno waayihii lasoo maray ayaa waxaa ay taariikhda ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan tan Digil iyo Mirifle laga dheehan karaa hab maamuleedkii ay ummaddu lahayd ka hor soo galitaankii isticmaarka dalka Soomaaliyeed kaasi oo runtii u dhigma nidaamka caalamiga ah ee hada jira loona yaqaano federalism-ada oo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay kaga dhaqnayd geyiga Soomaaliyeed ay lahayd xuduud beeleed,xeer iyo hogaan bulsho kaasi oo maarayn jiray guud ahaa hab maamulka beesha iyo weliba beelaha kale ee ay ood wadaagta ahaayeen.

Soo galitaankii isticmaarka dalka oo wajiyo badan iyo waqtiyo kala gedisanba lahaa ayaa waxay keentay in uu burburo nidaamkii ay lahaayeen ummadda Soomaaliyeed guud ahaan Digil iyo Mirifle si gaar ah isla markaana uu isticmaarkii dul dhigay nidaamkiisii isticmaariga ahaa isagoo sidoo kalena burburiyay nidaamyadii ay ummaddu lahayd sida Saldanadihii jiray iyo guud ahaan xeerarkii u yaalay isagoo welibana ku bedelay nidaamkiisa ku dhisnaa qaybi oo xukun

Qowmiyada Digil iyo Mirifle oo iyadu ahayd qowmiyadii ugu weynayd uguna balaarnayd degenaydna dhulka ugu barwaaqada badan guud ahaan geyiga Soomaaliyeed ayaa waxa uu isticmaarku u bareeray inuu si gaar ah u burburiyo iyada oo uu weliba u kaashaday burburintooda beelo kale oo Soomaaliyeed waxay ahayd nasiib daro aan loo meel dayan in ruux Soomaali ah dilkiisa iyo dibindaabayntiisu uu isticmaarku u adeegsado Soomaali kale

Waxaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed gaar ahaan dhulweynihii Digil iyo Mirifle kabilowday kacdoon shacbi oo gumaysi diid ahaa bilowgii dagaalkii labaad ee aduunka iyadoo ugu dambayna ay kacdoonadaasi shacbiga ahaa isu rogeen xisbiyo Siyaasadeed bilowgii afartameeyada iyadoo xisbiyadii aas-aasmay xiligaasina ay hormuud ka ahaayeen Digil iyo Mirifle waa taariikh cad oo aan cidi daah saari karin kaalinta Digil iyo Mirifle ee xisbigii SYL kolkii hadafkiisii ay leexsadeen koox Soomaali ah balse u adeega isticmaarkii Talyaaniga ayaa hadaba Qowmiyada Digil iyo Mirifle waxay dib u go’aansatay inay dhisato xisbi u adeega dadka iyo dalka Digil iyo Mirifle HSDM maadaama xisbigii hore SYL uu gacanta u galay koox gumaysi kal kaal ahaa.

Xisbigii HSDM ayaa waxa uu u istaagay ka xoraynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed gumaystihii cadaa ee Talyaaniga iyo Rajciyadii kabaha u qaadaysay ee Soomaalida ahaa kuna midaysnaa SYL waxa uu hardan siyaasadee iyo mid qabyaaladeed socdaba ugu danbayn waxaa lasoo gaaray xilli caalamka uu garto in Soomaalida lasiiyo xoriyadeeda lagana dulqaado gumaystihii cadaa ee Talyaaniga

Xisbigii siyaasadeed ee HSDM isagoo gudanaaya waajibkiisa qaran-nimo iyo mida dadnimo waxa uu soo bandhigay shuruudo sedex ah oo ay dadka iyo dalka Soomaaliyeedba ay ku hantaan maamulkooda xoriyada ka dib sedexdaas shardina waxay kala ahaayeen

1-In la qoro dastuur ka hor xoriyada aftina loo qaado.

2-Nidaamka maamulka dalka in dib loogu celiyo hanaankii maamul ee ay ummaddu lahayd ka hor soo galitaankii isticmaarka dalka Soomaaliyeed kaasi oo ahaa Fedraal

3-Maadaama isticmaarkii Talyaanigu aanu ummadda u tababarin hanashada maamulka dalka in dib loo dhigo xoriyada oo dadka la baro hab maamulka xafiisyada kaalintaasina ay qaadato Qaramada midoobay

Qodobadan sedexda ah waxay wadno qabad ku noqdeen kooxdii gumaysi kalkaalka ahaa ee ku midaysnaa SYL oo iyagu arkayay xiligaas in maamulka ummadda ay ku takri falaan isla markaana aan lala xisaabtamin oo welibana lagu wada noolaado sharci la’aan isdhex-yaac iyo weliba boobis la boobo hantida guud ee Qarameed taasi oo ugu danbayna dhacday ka dib kolkii la tixgelin waayay soo jeedintii xisbiga HSDM

Waxaa la qaatay xoriyad aan loo bislayn waxaa lagu degdegay midnimo aan loo meel dayan Koonfur iyo Waqooyi waxaa bilowday is xulufaysi ku dhisan hayb qabyaaladeed ilaa lays gaaro inuu warku ku soo ururo inta madaxa madow in Majeerteen siyaasadii ku dhisnayd musuqana soconweyday wax ka badan sagaal sanadood kadibna kadaroo dibi dhal hogaankii ay wadiwaayeen Coppy-gii Talyaanigu ayaa waxaa kala wareegay koox Milatariga ah oo iyagu laftoodu aanay wax badan dhaamin waaba hadayan ka liidane Coppy-gii Talyaaniga e

Kooxdii Milatarigu oo iyagu qaab Qabiil isu urursaday una abaabulnaa ayaa hadana ka munaafiqeeyay qabiilkii oo waxay ku dhawaaqeen in Qabiilkii ay isticmaali jireen kooxdii iyaga ka horaysay ee Coppy-gii Talyaanigu ay iyagu duugeen duugis ay duugaan Milatarigu qabiil dhaafee waxaa maalin cad Muqdisho dhexdeeda la isugu ugaarsaday qaab qabiileed dhamaadkii xiligii Miratariga waxaana si aan horay loo arag uu xaalku gaaray ilaa Muqdisho laga waayo labaatan jir daarood ah xitaa lab iyo dhedig mid u dhexeeyaba ha ahaadee

Waxaa la dhex dabaashay dagaal sokeeye waxaa loo kala baxay Qabiil qabiil waxaa dib looga wada laabtay caasimadii lagu midaysnaa ee Muqdisho oo waxaa ka dhacday “Qatifoo qoryahaaga guro”oo reer walba waxay maciin bideen inay dib ugu noqdaan dhulkii ay horay uga soo hayaameen shacabka Digil iyo Mirifle sida Soomaalida kale ayaa iyaguna intii horay u soo haajirtay dib u noqosho door biday waxayna markiiba abaabul u galeen samaynta maamul goboleed ay iyagu leeyihiin maadaama ay horayba u ogaayeen wadadaasi inay tahay tan kaliya ee ay Soomaalidu ku kala badbaadi karto waxay dhisteen maamul goboleed ay u dhanyihiin ha yeeshee maamul goboleedkoodii ma noqon mid la jaanqaada marxalada uu dalku ku jiray oo ahayd ninkii xoog leh ayaa xaajo u toosta oo maamulkii ay dhisteen Digil iyo Mirifle waxaa si aan gabaad lahayn maalin cad u soo weeraray kooxdii USC gaar ahaan garabkii uu horboodayay Caydiid waxaana sidaasi ku dumay rajadii yaray ee dib ugu soo noqotay ummadda ku dhowaad 50 sano

Ma noqon mabda’an xalaasha ah ee Fedraalku mid ay si fudud uga fuqaan ummadda Digil iyo Mirifle waxayna halkoodii kasii wadeen u olalayntii nidaamkan Fedraalka ilaa ay gaarsiiyaan in Soomaalidu 90%ay ogolaato in nidaamkan fedraalka uu yahay nidaamka kaliya ee waafiqi kara qaab nololeedka Soomaalida isla markaana ay ku kala badbaadi karto

Waxaa sidaasi ku dhismay maamul goboleedka Puntland sidoo kale maamul goboleedka KoonfurGalbeed halka guud ahaan Soomaaliduna ay wada qaadatay 100% in nidaamka fedraalka uu yahay tubta qura ee ay Soomaali dib isugu soo noqon karto kol hadii dastuurkii dalka lagu xusay nidaamka laysla qaatay inuu yahay fedraal waxaa bilowday in qaybwalba oo bulshada ka mid ihi ay samaysato maamul goboleed inkastoo qaarkood ay yihiin iska Hobala hidooy oo bar bilow iyo dhamaad aan midna lahayn

Hadaba iyadoo aan wada ognahay halgankii dheeraa ee ay Qowmiyada Digil iyo Mirifle ay usoo gashay nidaamkan Fedraalka inuu ka hirgalo Soomaaliya ayaa waxaa hadana maanta oo nidaamkii laysla qaatay in aanay Digil iyo Mirifle lahayn maamul goboleed hadaba waa iga su’aale maxaa hortaagan in ay yeeshaan Digil iyo Mirifle maamul goboleed?

Runtii ma dhib badna in su’aashan loo helo jawaab waafi ah balse waxaa aad u dhibaato badan inay qaatan dadka su’aashan baadi goobka ugu jira jawaabteeda ee Digil iyo Miriflaha ah sida uu ruux walba uu garan karo waxaa jira qaacidooyin mar walba sal u ah shayga ladoonayo in la mucjizo bixiyo oo waa halka ay carabi ka tiraahdo”hadii lahelo sababta cajaacibka waa buraayaa”oo hadaan si kale u dhigana waxaa jira Xaq iyo Xuquuq oo ah in aadan helayn xaqaaqa ilaa xuquuqdii laguugu lahaa lagaa helo waxaana intaasoo tusaalayn ah ula jeedaa in guud ahaan shacabka Digil iyo Mirifle si gaar ah madaxda ismagacawda ee horboodaysa intuba waxay gabeen xuquuqdii uu ku lahaa dhulkooda oo ahayd inay difaacaan sidaas daraadeedna ayan ka dhisan karin maamul goboleed gudaha dhulkooda maadaama ay iyaguba ku degan yihiin si Obosiibo ah kol hadii masiibo intaa la’egi ay ku habsatay ummaddani waxaa hadana wax layska weydiin karaa Sidee looga bixin karaa?Inkasta oo lagu kala gedisnaan karo fikradaha ku aadan wadooyinka dhibtan looga bixi karo ayaa waxaan isleeyahay waxaa ugu dhow Ummadda oo garata Ummad-nimadeeda soona ceshata sharafteeda ilaashatana midnimadeeda sidaasina ku hesha hogaan xalaal ah oo aqoon siyaasadeed iyo xirfad maamul intuba leh miiska soo saara xaqooda kana bixiya xuquuqda lagu yeesho

Gabagebadii iyo gunaanadkii waxaa la joogaa waqtigii Digil iyo Mirifle uu samaysan lahaa maamul goboleed metela guud ahaan ummadda Digil iyo Mirifle isla markaana ay hor kacaan siyaasada Soomaaliya maadaama sedexdii qodob ee aas-aaska u ahaa xisbigii Digil iyo Mirifle ee HSDM 70 sano ka dib ay maanta fahmeen beelihii kale ee Soomaaliyeed qodobadaasi oo kala ahaa Dastuur looqoro dalka aftina loo qaado,Nidaamka Fedraalka inuu noqdo udub dhexaadka siyaasada dalka iyo abuurista kaadiriin hanan kara maamulka intuba weli ilaa iyo maanta 70 sano kadib waa ay taagan yihiin xalna kama sokeeyo ilaa si xalaal ah loo qaato qodobadaas sedexda ah ee aan iska indho iyo dhegaba tiraynay ku dhowaad Qarni.

Posted on April 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: