Puntland oo sheegtay ineysan jirin cid iska hortaagi karta ka qeyb galka wadahadalka dhexmari doona DKMG iyo Somaliland

21.04.2012 – Wasiirka iskaashiga caalamiga maamulka Puntland ayaa si adag uga jawaabay hadalka ka soo yeeray maamulka Somaliland oo ahaa ineysan ka qeyb galeyn wadahadalka ay la furayaan DKMG ah hadii aan xubnaha ka tirsan Puntland laga saarin guddga DKMG ah metelaya.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin cid u diidi karta ka qeyb galka wadahalka lagu wado inuu dhexmaro dowladda KMG iyo maamulka Somaliland, wuxuuna intaasi ku daray inay qeyb ka yihiin wadahal kasta oo ay yeelanayso dowladda KMG.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Puntland ay ka mid tahay tiirarka ugu waaweyn ee ay ku taagantahay dowladda KMG Soomaaliya, isla markaasa aysan jirin cid ka horistaagi karta inay qeyb ka noqdaan wadahalkaasi iyo wadahadakl kasta oo dowladu ay ka qeyb galeyso.

“Somaliland markii horeba daacad kama aheyn wadahadalka ay la fureyso dowlada KMG ah waxayna raadinayeen marmarsiiyo ay arintan ku fashiliyaan Puntlanda waa qeyb muhiim ah oo ka tirsan dowlada KMG ah weyna ka qeyb galeysaa wadahadalka” ayuu yiri Wasiirka iskaashiga caalamiga maamulka Puntland.

Ing, Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah madaxda muraaradka Somaliland ayaa sheegay in dowlada KMG aysan madax banaaneyn kana amar qaadato maamulka Puntland, wuxuuna sheegay in taasi ay caedeyn u tahay xubnaha ka tirsan Puntland ee lagu soo daray guddiga DKMG ah u metelaya wadahadalka oo uu horey amar ugu bixiyey ayuu yiri madaxweyne Faroole.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu ka baxayo wadahadaldii uu la furilahaa dowladda KMG Soomaaliya ka dib markii sida ay sheegeen Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku soo daray Guddigiisa labo nin oo ka soo jeeda Somaliland, balse ka tirsan maamulka Puntland taasoo aysan sheegeen ineysan u cuntameyn.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sheegay in sababta ay wada hadalkaas uga baxeen tahay xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee uu Shariifku Guddiga ku soo daray, wuxuuna intaasi ku daray inaysan marnaba la hadleynin dowladda KMG inta ay xubnahaasi ku jiraan Guddiga wada-xaajoodka ee ka socda dowladda KMG.

“Anaga Soomaaliya dowladda KMG ayaana u naqaanaa, mana aqbaleyno in maamul goboleed lagu soo daro wadahalka, wax wada xaajood ahna ahna la geli meyno dowlad 10-madaxweyne leh, Soomaaliya waxaa la hadleynaa marka ay hal madaxweyne yeeshan, waayo dhinac waa ka soo hadlaya Shariif Sheekh Axmed, dhinaca kalena waxaa ka soo hadlaya C/raxmaan Faroole” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Maxamed.

Posted on April 21, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: