Puntland oo lagu eedeeyey iney Airporka Gaalkacyo ku xanibtay samafalayaal ajnabi ah oo ku soo jeeday Galmudug

22.04.2012 – Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Galmudug State Abshir Diini Cawaale ayaa sheegay in ciidamada maamulka Puntland ay ku xanibeen garoonka dayuuradaha magaalada Gaalkacyo samafalayaal u shaqeeya heyaddaha samafalka qaarkood oo ku soo jeeday dhinaca maamulkooda uu taliyo ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Abshir Diini Cawaale waxaa uu intaa ku daray in ciidamada Puntland ay dadkaas samafalayaasha ee ka soo degay garoonka Gaalkacyo si xun ula dhaqmeen kana qaateen dokumentiyadii ay wateen sida baasaboorada iyo qalab kale oo ay lahaayeen.

“Ciidamada maamulka Puntland ee jooga garoonka dayuuradaha Gaalkacyo waxay manta halkaas ku xanibeen samafalayaal ajnabi ah ka dib markii ogaadeen in dhinaca maamulka Galmudug ay ku soo jeedaan, waxayna ka qaateen waraaqahooda aqoonsiga iyo qalab kale oo ay wateen taasna waa wax laga xumaado” ayuu intaa ku daray Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Galmudug State Abshir Diini Cawaale.’

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Galmudug State Abshir Diini Cawaale waxaa uu intaa ku daray in maamulkiisu uu qaadi doono talaabo uusan sheegin nooca ay tahay haddii dadkaas ajaaniibta ah ee ku soo jeeday dhinacooda aan laga soo fasaxin garoonka dayuuradaha magaalada Gaalkacyo oo maamulka Puntland uu gacanta ku hayo.

Ma jiro war jawaab u ah eedeeyntan oo ka soo baxday maamulka Puntland hase ahaatee labada maamul ayaa waxaa ka dhexeeya xafiiltan iyo loolan dhinaca awooda ah oo ku saabsan magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda, kaasoo dhowr jeer oo hore isku bedelay dagaalo gacan ka hadal ah oo labada dhinac dhexmaray.

Posted on April 22, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: