Halkee Mareysaa Siyaasada Shiikh Shariif iyo Cabdiweli Gaas (Warbixi Dheer)

Faafin: Moment Media Group: Sunday, April 22, 2012

4-tii bishan April 2012 waxaa qarax weyn ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaala kaas oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin iyo dad rayid ah. Qaraxaasi markii uu dhacay wixii ka dambeeyey waxaa bilowday isqabqabsi u dhexeeya dowladda federaalka, iyadoo durba ay bilaabatay tuhun ku aadan, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ahaa mid ay sahleen ama ay fududeeyeen xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyadoo la doonayey in lagu qaarjiyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya ayaa haddana warar aanu helayno waxay sheegayaan in xiligaasi wixii ka dambeeyey Ra’isul Wasaaraha ammaankiisa si aad ah loo adkeeyey.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Sheekh SHariif Sheekh Axmed ayaa markiiba wuxuu qaraxaasi mas’uuliyadiisa dusha uga tuuray Wasaaradda Warfaafinta, hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta ayaa isna sheegay in wasaaradiisa aysan wax shuqul ah ku laheyn ammaanka goobta lagu qabanayey xafladda, isla markaana ay wargeliyeen laamaha ammaanka, iyadoo Dowladda Federaalka ay u saartay guddi soo baara ciddii ka dambeysay qaraxaasi ayaa haddana aan laheyn xog dhab ah oo ku saabsan qaraxaasi, iyadoo maalintii doraad ahayd qaraxaasi loo qabtay ilaa iyo lix ruux oo ka tirsan Ilaaladda Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdulaahi Cabdulle Magan Boot oo ka soo jeeda Gobalka Gedo iyo xildhibaano kale oo iyana ka soo jeeda isla gobalka Gedo ayaa waxa uu sheegay in lixda xubnood ee la xiray si qalad ah loo xiray iyagoo sheegay in si hayb sooc ah loo xiray dadkaasi wuxuuna Xildhibaan Boot carabka ku adkeeyey haddii aan si deg deg ah loo siideyn dadkaasi ay arrintu cirka isku shareeri doonto.

Qaraxaan ayaa waxa uu keenay tuhun aad u weyn iyadoo haatan la sheegay in ay bilaabatay in ay yaraatay wadashaqeyntii u dhexeysay mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda KMG, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyadoo 12-kii April oo la doonayey in la qabto Maalinta Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gebi ahaanba la baajiyey xafladdii loo qaban lahaa, sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa waxa ay qorsheynayaan in ammaanka madaxda sare ee Dowladda KMG iyaga keliya ay ku koobnaadaan meeshana laga saaro ilaaladda Soomaalida ah ee la socda mas’uuliyiinta Dowladda maadaama la tuhunsan yahay qaar ka mid ah ilaaladda Ra’isul Wasaaraha in ay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay Tiyaatarka.

“Waxay Dowladda Federaalka soo marey Qaraxyo fara badan kuwaas oo la doonayey in Xubno sare oo Dowladda lagu khaarijyo bal fiiri yaa dabagaley Qaraxyadii la doonayey in lagu khaariyo Cabdulaahi Yuusuf, Cali Maxamed Geedi, iyo kuwii ka dhacay Shaamo, Muna , Hargaha iyo Saamaha, iyo kuwo kale oo ciidaa ka badan marka cid loo raacdey ma jirto marka maxaa loo buun buuninayaa kii Tiyaatarka aniga waxaa qabaa in laga leeyahay ujeedo Siyaasadeed waayo meeshaa looga hari lahaa waxaana aamin sanahay in ay ka dambeeyaan Buunbuuninta qaraxa Tiyaaterka Dowlado Shisheeye iyo dad dani Siyaasadeed ka leh marka inta aysan meel Xun lana gelin halaga haro maadaama ay sheegteen Xarakada Alshabaab”ayuu yiri Xildhibaan diidey in magaciisa la sheego

Dhinaca kale waxaa weli muuqanaya Khilaafka u dhaxeeyea Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaasoo ka bilowdey Qaraxii Tiyaatarka.

Ka dib waxa soo baxay warar sheegaya in dhawaan ay isku khilaafeen labadaan Masuul Magacaabisti Guddiyadii dhexdhexaadin ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland waxaa Raiisul Wasaaraha uu diyaarsadey Liiska Gudiyadii wada hadalka hase yeeshee waxaa durbadiiba Guddigii magacaabey Madaxweynaha taasoo uu si weyn ugu caroodey Raiisul Wasaaraha, waxaana dhacadey in Cabdiweli isagana uu guddigaas ka daba tuuro laba xubnood oo ka socda Maamulka Pundland waxaana arrinaan ka caroodey maamulka Soomaliland oo sheegey in ay qaadacayaan wada hadalkii ay lahaayeen Dowladda Federaalka.

Waxaa sidoo kale iyana Madaxweynaha iyo Raiisull Wasaaraha isku qabsadeen Xubnaha magacyada ka qaybgalaya Ansaxinta Dastuurka waxayna labada Masuul ay mid weliba diyaarsadeen liisas mid weliba u gooni ah.

Sidoo kale waxaa hadana Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha isku qabsadeen halka lagu qabanayo Shirka lagu ansaxinayao Dasuurka, waxaana Madaxweynaha uu diyaasadey Xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska iyadoo Raiisul Wasaaraha uu diyaasadey Xarunta Xalane isagoo ku doodaya in ay ka nabadgelyo Roon tahay Gaadiidka Booliiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa kasoo horjeestay Dastuurka Cusub ee maamulka Puntland, madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in Dastuurka Puntland uu yahay mid qilaafaya dastuurka Dowladda KMG soomaaliya taasina uu ku tilmaamay in ay caqabad ku noqoneyso isla saan-qaadka bulshada iyo maamulada soomaaliweyn.

Madaxweynaha ayaa Dastuurkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid cadeyneysa Gooni isku taag maamulka Puntland arrintaasina ay fadeexo ku noqon karto dowladda KMG soomaaliya oo uu ku sheegay in haatani ay talada dalka gacanta ku heyso, madaxweynaha ayaa ku baaqay in waxbadan laga badalo Dastuurka Puntland islamar ahaantana dib loo ansaxiyo.

Hadalka madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa imaanaya xili Dowladda KMG ay ku mashquulsantahay xal u helida mideynta Siyaasiyiinta iyo Bulshada Somaliland oo iyagu lagu wado in ay qeyb ka noqdaan dowladda KMG oo talada dalka haysa, ma jirto hadal rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland kaasoo ku aadan hadalka uu ka dhawaajiyay madaxweynaha walow wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayan in mudanayaal ka socda maamulka Puntland ay madaxweynaha iyo golaha wasiirada ay kulan kula qaadan doonaan magaalada muqdisho iyaga oo la filaayo in dastuurkaasi ay hor dhigi doonaan islamar ahaanta u jeedada dastuurka ay uga warbixin doonaan.

Ugu danbeyntii madaxweynaha oo horay ugu qanacsanaa Dastuurka Puntland ayaa waxa iminka soo baxaaya hadalo ku aadan dastuurkaasi waxaana la sheegaya in dastuurkaasi ay qaadacen qaar katirsan Beelaha halkaasi kasoo jeeda.

Haddii aan dib u milicsano Dastuurka Puntland waxaa u qorayaa in Puntland tahay dowlad madaxbanaan sida ku cad Dastuurka,haddii aan soo qaadano qodobo faro badan wax aad arkeeysaa sida wax loo qoray in aay tahay teeyda anaa leh taadana kula lehi.

Kheeyraadka dabiiciga qodobka 53 aad waxaa lagu sheegay:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. (Puntland Somali ayaa leh khayraadkeedana  Somali ayaa leh.)

2. “Dawladda” Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga Khayraadkeeda dabiiciga ah. (Dowlada dhexe awoodeeda in Gobol sheegtaa waa qalad.)

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta Shirkado waddani iyo Ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.(Teeyda anaa leh taadana kula lehi sow maaha?)

4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.

5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Maamulka Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.

Qodobada qaar waa kuwa laga naxo sida: Qodobka 1-aad: Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.(Micnaha Dowlad goboleed maaha ee waa Dowlad?)

Dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland. (ma Qabiil baa jinsiyada maxeey tahay sow Somali maaha ma Ethiopian baa??)

2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland.

Waxaa ugu darnaa uguna foosha xumaa iswaafijinta dastuurka Puntland iyo dastuurka Federaalka ee Somaliya sida aay u dhigeen,haddii aad aqriso waa wax umada aay ku ah ceeb iyo xishood dari iyo jahli aad ugu fog,waxaa ku qornaa sidaan

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno sharci iyo

Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan dastuurka puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka. 2.Inta lagu dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan

Barnaamijka cusub ee uu wato C/weli waa mid laga dhaxlay C/aahi Yusuf oo aanan biyo lagu dhaqin,waxaa umada aay la yaaban tahay hab-dhaqanka r/wasaare C/weli oo aad mararka qaar is leedahay sow ninka ma xishooda miyaa ??? haddii uusan waaleeyn waa xishoon lahaa ,dib u aqri maqaalka magaciisu yahay Proff C/weli maxaa u wehliya aqoontiisa 1,2,3,

Waxaas oo idil waxaa maleegay Mahiga.Faroole  iyo C/weli oo u adeegaya danaha Puntland, geeridii C/aahi waxaa aay dhashay in siyaasad cusub uu abuuro C/weli kuna hoydo Gaalkacayo si uu u mideeyo Gaagaab,Faroole iyo Cabdillaahi Siciid Samatar oo ahaa ragii isku haysaty dhaqangelinta dastuurka Puntland iyo xiliga kala guurka Puntland.

Waxaa xaqiiq ah in C/weli bixiyay 20 Malyan oo Dollar si loo xaliya siyaasada Puntlandlaguna midoobo ujeedada danaha fog ee C/weli ka leeyahay dib u dhiska Puntland,Gaagaab maxaa aamusiyay ???

Waxaad mooda in dhana uu ugu ololeeynayo dastuurka qabyo Qoraalka si loo asixiyo dhanka kalena Puntland uu u diray wasiiro Dowlada Federaalka ka mid ah si loo soo ansaxiyo,odoyada Puntland oo dhawaan iman doona Muqdisho waxaa aay wadaan olole ah in  loo  codeeyo dastuurka qabyo qoraalka halka umada inteeda kale aayan ka warqabin danaha fog ee Puntland ka leedahay u codeeynta dastuurka qabyo Qoraalka.

Somaliland iyo Puntland dastuur ayeey leeyihiin umada inteeda kale maxaa u diiday dastuur u gaar ah maxaase loogu qasbaayaa in aay ansixiyaan dastuurka qabyo Qoraalka ah???  Shariif waxaa jirtay xili uu carfayay oo la lahaa shariif waa  amiir iwm maantase waa urayaa sabbabta oo ah waxaa uu ka fogaaday cadaalada umada Somali waxaana uu hog dheer ku riday rajadii dib u soo celinta Qarankii Somali.

Sh.Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Somalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi,waxaa hubaal ah in shariif uusan aqrin dastuurka Puntland iyo midka qabyo Qoraalka ah, Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.

Isku soo duuboo haddii uu sii socdo Khilaafkaan waxay keeni kartaa in ay yimaadaan Caqabo fara badan oo ku aadan Dastuurka iyo RoadMap-ka waxayna siyaasiyiinta qaar ay ku andacoonayaan in is qab qabsigaan ay ka dambeyso ujeedo siyaasdadeed oo ay ku macneeyeen in uu yimaado muddo kororsi kale oo hal sanno ah.

Posted on April 22, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: