Xildhibaan Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Xaabsade oo maanta loo duuliyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Sabti, Abriil 21, 2012 (MMG)- Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa waxaa maanta diyaarad ay leedahay dowladda Itoobiya ka qaadday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyagoo loo qaaday magaalada Addis Ababa.

Inkastoo aan war laga hayn sababta keentay in diyaarad ay Itoobiya leedahay ay u duuliso labadan xildhibaan magaalada Addis Ababa ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay rabto in Madaxweynaha Soomaaliya uu markaan noqdo nin DIGIL IYO MIRIFLE ah Iyo in ay kala hadli doonaan ciidamadooda ku sugan gobolka Baydhabo.

Mudane Xaabsade ayaa wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminayay ciidamada DKMG ah ee gacanta ka helayay kuwa Itoobiya markii bishii Feberaayo ee sanadkan lagala wareegayay xoogagga Al-shabaab degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan 100 ka tirsan ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaasoo hordhac u ah 2,500 oo askari oo loo qoondeeyay inay ka howlgalaan gobollada Bay iyo Bakool.

Saraakiisha Itoobiya ee Baydhabo ku sugan iyo kuwa Soomaalida ah ayaan weli ka hadlin xildhibaanada u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo uu safarkooda kusoo beegmayo xilli uu ra’iisul waasaraha Itoobiya sheegay inuu kala baxayo ciidamadiisa dalka Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa waxaa magaalada Addis Ababa booqday madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif isagoo ka dalbaday dowladda Itoobiya inay gacan ka geysato sidii Soomaaliya looga saari lahaa Xarakada Al-shabaab oo weli dhul ballaaran ka talisa.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Xaabsade oo Addis Ababa Kula Kulmay Raysul Wasaaraha Ethiopia iyo Warar Iskhilaafsan oo ka Soo Baxaya Safarkooda (Warbixin)

Muqdisho Sunday, April 22nd, 2012 (MMG) – Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya socdaal magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ay ku joogaan Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo mar ahaan jiray gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ka dib markii Sabtidii shalay diyaarad gaar ah ay ka qaaday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Labada xildhibaan oo beryahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa gelinkii dambe waxay garoonka magaalada Baydhabo ka qaaday diyaarad yar oo ay leedahay dawlada Ethiopia taasoo u qaaday magaalada Addis Ababa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada xildhibaan maanta kulan la qaateen saraakiisha wadanka Ethiopia oo uu ku jiro raysul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi iyadoo aan la heyn faahfaahin buuxda waxa ay ka wada hadleen, sida ay sheegayaan xubno ku dhow xildhibaanada oo aan rabin la magacaabo.

Socdaalka aan horey loo ogeyn ee ay labada xildhibaan ku tageen Ethiopia ayaa yimid iyadoo magaalada Baydhabo uu ka socday olole uu hormuud ka ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasoo lagu doonayey in lagu yagleelo maamul goboleed loogu magacdaray ‘Koonfur Galbeed’. Shariif Xasan iyo xildhibaanada aaday Addis Ababa ayaa isku diidanaa qaabka loo sameynayo maamul goboleedka cusub.

Xildhibaan Xaabsade iyo Sheekh Aadan Madoobe oo horey uga wada tirsanaa kooxdii hubeysneyd ee RRA oo beri ka talin jirtay magaalada Baydhabo ayaa si weyn u mucaaraday siyaasadda Shariif Xasan uu ku doonayo inuu ugu xuubsiibto maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaana loo badinayaa inkhilaafka Shariif iyo labada xildhibaan darteed loogu yeeray Xaabsade iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Dawlada KMG Soomaaliya ayaan ka hadlin illaa hadda socdaalka labada xildhibaan ku joogaan Ethiopia iyo qorshaha sameynta maamul goboleedka la isku haysto.

Shariif Xasan oo tan iyo markii xilka baarlamaanka laga xayuubiyey ku mashquulsanaa sameynta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho isagoo sida uu wariyaasha u sheegayna ka yimid Nairobi.

Ilo wareedyo ayaa Raxanreeb u sheegay in Shariif Xasan ay Nairobi isku arkeen Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo sheegta madaxweynaha Aazaniya oo ku magacaaban gobolada Jubbooyinka hase yeeshee fadhigiisu yahay Nairobi.

Kulanka Shariif Xasan iyo Gaandi ayaa lagu sooqaaday arinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo Shariif Xasan rabo in Prof. Gaandi ku soo biro laakiin ma cadda in Gaandi taasi ku qancay iyo in kale.

Dhanka kale dhaqdhaqaaqyadan ayaa yimid xilli raysul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi toddobaadkii hore uu shaaciyey in ciidamadiisu uu ka qaadanayo gobolada Soomaaliya waqti dhow iyadoo ciidamada AMISOM oo hadda qaar hordhac ah Baydhabo ka joogaan ay kala wareegi doonaan gobolada Baay iyo Bakool.

Posted on April 22, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: