Ma Dhabaa In Xubnaha Golaha Amaanka Ay Ka Biyo Diideen Liis La Horkeenay?

21 April, 2012 (MMG) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in maalmaha fooda nagu soo haya lagu wado in la soo saaro liis ka kooban 20-25 xubnood oo u badan mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya kuwaasoo lagu eedeynayo inay ka mid ahaayeen raggii riday Shariif Xasan Sheekh Aadan, inkastoo Golaha Amaanka ee UN-ka ay ka biyo diideen in Liiskaan la meel mariyo.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in wakiilka UN-ka Mr Agustine Mahiiga uu ku guuleystay inuu ka dhaadhiciyo kooxda xiriirka Soomaaliya iney liiskan oo mudaba la waday diyaarintiisa ay ogoladaan, isla markaasna waxaa la sheegay in kadib markii todobaadkii hore magaalada Muqdisho booqasho ay ku yimaadeen wafdi ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kuwaasoo u kuurgalayey xaalada magaalada la hor dhigay liiskaan iney go’aan ka gaaraan.

Waxaa liiska lagu soo daray xubno cusub oo ka mid ah baarlamaanka kuwaasoo horey aan ugu jirin. Waxaana ujeedada dadkan cusub loogu soo daray ay tahay in la ciqaabo xubnaha ugu firfircoon baarlamaanka taageersan Madoobe Nuunow Maxamed ee ka hor yimid labada Shariif. Kooxda Mahiiga ayaa la sheegay iney ujeedada ugu weyn ay ololahaan u wadaan ay tahay sidii ay dhinac isaga dhigi lahaayeen kooxaha ku kacsan Shariif Xasan isla markaasna uu u soo xulo isagu odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle.

Beesha caalamka

Urur Goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga Europe oo hore isugu khilaafsanaa ciqaabaha lagu soo rogi karo iyo xubnaha lagu soo darayo – gaar ahaan shirkii kooxda ICG ee ka dhacay Djibouti bishii Febraayo ayaa la sheegayaa inay hadda isku waafaqeen in shaaca laga qaado liiska ugu dambeyn bishan dhamaadkeeda.

Beesha caalamka ayaa dooneysa in la dardargeliyo hawsha lagu beegsanayo dadka ugu firfircoon baarlamaanka maadaama ay soo dhowaatay waqtiga dhamaadka DKMG ah oo ku eg bisha August 2012.

Urur Goboleedka IGAD iyo Kooxda Xiriirka ee Arimaha Soomaaliya ee ICG (International Contact Group) ayaa tan iyo bishii Febraayo gacanta ku hayay liiska xubno ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya kuwaasoo lala doonayo in cunaqabateyn lagu soo rogo dhowaan.

Xubnahan oo ah mudanayaasha diidan Shariif Xasan ee raacsan Madoobe Nuunow Maxamed, waana kuwa beesha caalamka u bixisay qaswadayaasha ama “spoliers” ee lagu tilmaamay shirkii Kooxda Xiriirka ee ka dhacay dalka Djibouti bishii Febraayo kaasoo looga hadlay arimaha Soomaaliya, si gaar ahna loogu soo qaaday khilaafka weynaaday ee ka taagan baarlamaanka dhexdiisa.

Warbixitaan ayaa lagu sheegay in toddobaad ka hor intii aan la qaban shirkii London ee 23 Febraayo ka dhacay magaalada London uu socday wada hadal hoose oo ay lahaayeen xubnaha IGAD iyo Kooxda ICG iyadoo Shariif Xasan laftiisuna uu qeyb ka ahaa. Waxaana socday diyaarinta liis ay ku qoran yihiin xubnaha lala rabo in tallaabooyinka laga qaado.

Talaabooyinka la damacsan yahay in lagu soo rogo xubnaha loo bixiyey “qaswadayaasha” ayaa isugu jira xayiraad dhanka safarka ah, joojinta xisaabaadka ay ku leeyihiin bangiyada dibadda iyo in laga mamnuuco soo gelista baarlamaanka dambe ee [haddii ay suurowdo] la sameyn doono bisha June 2012..

Waxaa jirta in Kooxda ICG iyo IGAD isku fahmi waayeen tirada dadka lagu soo darayo liiska, waayo dhinacyada qaar ayaa raba in liiska aan la balaarin maadaama tirada baarlamaanka ee hadda diidan Shariif Xasan ay ku dhow yihiin 300 mudane sidaasi darteedna aysan macquul ahayn in aqlabiyada baarlamaanka [haddiiba la tixgelinayo] la beegsado. Taasi bedelkeedana kooxda ICG ayaa rabtay in si gaar ah loo beegsado xubnaha hogaanka iyo qabqablayaasha u ah xildhibaanada raacsan Madoobe Nuunow oo ay u bixiyeen “Ring Leaders” ama “horboodayaasha qabqablayaasha”.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxaha ICG & IGAD hadda talaabooyinkaasi oo dhan lagu soo koobay “digniin” oo kaliya in loo jeediyo xubnaha ku jira liiska ka dibna lagu dhaqaaqo beegsiga kuwa ka madax adeyga digniinta.

Moment Media Group

Posted on April 23, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: