Xidigta Kubada Koleyga Soomaaliyeed Oo ka Soo Dhex Muuqatay Ciyaaraha K/Koleyga

19 April, 2012 (MMG) – Waxa toddobaadkan warbaahinta dalka Maraykanka laga hadal hayaa Cayaartoy Soomaali ah, oo cayaarta kubadda kolayga Gabdhaha, taas oo hadda ka mid noqotay kooxaha heerka koobaad ee kubadda Kolayga ee horayaalka ee dalka Mareykanka (WNBA).

Wararka ayaa sheegaya in gabadhan oo lagu magacaabo Farxiyo Cali oo 20-sano jir, waxa ay kooxda hadda ay u cayaarto ee Los Angeles Sparks kaga soo biirtay naadiga kale ee Frisco Brno ee Jamhuuriyadda Czech.

Iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee lagu arko cayaaraha WNBA- gabdhaha ee dalka Maraykanka oo ay ka cayaareyso gabar Soomaaliyeed. Cayaaraha NBA-da wiilasha iyo gabdhaha waa kuwa aad looga xiiseeyo dalka Maraykanka.

Cayaartoyda Kubadda Koleyga ee Wiilasha iyo Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay heer ka gaartay kubadda Kolayga oo ay guulo ka soo hoyisay, laakin wixi ka dambeeyay buburkii dalka waxa cayaaraha Soomaaliya ay ahaayeen kuwa uun magaca la geeyo dalalka loo baxo.

Sidoo kale waxa jira wiilal kubadda cagta cayaara oo heer fiican ka gaaray kuwaas oo u cayaara kooxaha heerarka kowaad ee Yurub ama Asia.

Moment Media Group

Posted on April 23, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: