Beesha Habar Gidir oo Gaadacday Dastuurka Cusub Ee Somaliya (Daawo Sawirada)

Apr 24, 2012 – Kulan ballaaran oo ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqooyahanno, Saraakiil iyo Ururada Haweenka ee beesha Habar-gidir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo kullaankaasi diiradda lagu saaray Masiirka Beeshaasi, iyagoo ka wada hadlay arrimaha Dastuurka iyo sidii Maamul ay ku mideysan yihiin beeshaasi gobolada dhexe ee dalka.

Gudoomiyaha beesha Habar-gidir Abuukar Ganey oo isna kullankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in kullankaani uu ka horeeyay kullamo kale kuwaasi oo looga hadlayay doorka siyaasadeed ee beesha Habar-gidir kaga aaddan dowlad wanaagga.

Xuseen Jaamac Kadiye oo ka mid ahaa Odayaashaasi ayaa waxa uu Madashada shirka ka aqriyay Warsaxaafadeed dhowr qodob ka koobna oo ka turjumayay sida beeshaasi ay ugu go’antahay inay ka horyimaadaan guud ahaan Dastuurka cusub ee la doonayo in dhawaan lagu ansixiyo Magaalada Muqdisho.

Jen. Yuusuf Max’ed Indha-cadde oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in beesha Habar-gidir Maamul ay u wada dhan yihiin yeelato, isagoo tilmaamay in dhawaan lagu dhawaaqi doono guddi isku dhaf ah oo Maamul deg deg ah u sameeya gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Diiriye Maxamed Guure oo ka mid ahaa xogheyntii shirka Asmara sanado ka hor ee lagu soo dhisay isbaheysigii kala jabay ee dib u xoreynta, kana mid ah qurba joogta Soomaaliyed ayaa isna sheegay in beesha H/gidir loo baahan yahay iney la jaanqaado siyaaasada dalka ka jirta, waxna la qeybsato beelaha kale ee Soomaaliyeed

Indha Cadde oo shaaca ka qaaday inuusan waxba ka jirin Dastuurka cusub ee dalka loo-sameeyay

General Indha Cadde ayaa wuxuu waxba kama jiraan uu ku tilmaamay Dastuurka Qabyo Qoraalka ee loo-sameeyay dalka Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inuu si weyn uga hor imaanaayo Diinta Islaamka. General Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Somaliya, oo Saxaafadda la-hadlay ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dastuurka Qabyo Qoraalka uu yahay mid aanu waxba ka jirin. Wuxuu sheegay in Dastuurkaan uu yahay mid ay sameeyeen dad Ajnabi ah, isla-markaana wuxuu sheegay in qodobada ku jira qaarkood ay yihiin kuwo aanu waafaqsaneyn Diinta Islaamka, oo ka hor imaanaaya. Wuxuu xusay in wax walba oo kahor imaanaaya Diinta Islaamka ay yihiin wax aanu waxba ka jirin, oo weliba aan soconeyn, maadaama uu sheegay in Ummada Soomaaliyeed ay yihiin dad Muslimiin ah, aas aaska Dastuurkuna uu ku saleysan yahay Diinta Islaamka. Sidoo kale wuxuu shacabka Somaliyeed uu ugu baaqay inay il gaar ah u lahaadaan Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo uu sheegay in uu yahay mid aanu waxba ka jirin, lana doonaayo in Ummada Somaliyeed la’iska horkeeno. General Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Somaliya, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in uu isagu uu dareen xasaasi ah uu ka qabo Dastuurkaan.

Posted on April 25, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: