“Waxaa na soo galay dastuur xoog & xayeysiin lagu wado sida alaab dhacday, waxaana hor boodaya dad ciil u qaba caasimada Soomaaliya ee Muqdisho”

“Waxaa na soo galay dastuur xoog & xayeysiin lagu wado sida alaab dhacday, waxaana hor boodaya dad ciil u qaba caasimada Soomaaliya ee Muqdisho”

25 April 2012 – Siyaasiyiinta Soomaalida ee qurba-joogta ayaa ka horyimid qorshaha cusub ee ku saabsan dastuurka Soomaaliya loo sameynayo, waxeey u arkaan  in dastuur macnihiisu yahay masiir ummaddeed, ayna tahay diyaarintiisa & meelmarintiisa in ay iska kaashadaan maskax-maalka Soomaalida, waxeey Soomaalida ku tilmaameen dad dagaalo sokeeye soo maray oo aan xal waafi ah ka gaarin dhibaatooyinkii kala gaaray, waxeey ku baaqeen  gogol dib u heshiisiineed oo ay Soomaalidu garwadeen ka tahay, waxeey ku tilmaameen kooxaha hor boodaya dastuurka cusub in ay yihiin kuwa ciil u qaba caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

“Soomaaliya waa u baahan tahay dastuur in loo sameeyo, waxaase ka horreeya dastuurka in marka hore Soomaali dib u heshiisiin dhammeystiran loo sameeyo, dadka loo xilsaarayo diyaarinta dastuurkana ay noqdaan dad ummadda Soomaaliyeed kalsooni ka haysta oo lagu aamini karo masiirkeeda, lagana soo xulay dhammaan deegaanada Soomaalida”  in qolo kasta oo isku dayda in ay dastuur beenaad ummadda u hoosaasiso in cawaaqibta ka timaada ay dhabarka u ridan doonto.

“Ummadda Soomaaliyeed dagaalo sokeeye ayey soo martay si kasta oo ay dagaaladaasi u dhaceen, dadkii Soomaaliyeed waxey noqdeen wax wadankii ka qaxay, oo tuulo u cararay, kuwa maciin biday qurbaha, Soomaali waxaa garwadeen u ahaa intii ay dhibaatadu ku jirtay dowlado ama shaqsiyaad aan ka tarjumi karin danta & maslaxada ummadda, waxaa la isku ogaa in dib u heshiisiin dhammeystiran loo sameeyo oo waxgaradka Soomaalidu ay abaabulaan sidii looga heshiin lahaa colaadihii dalka ka dhacay, labadii diin isku haysata in la heshiisiiyo, oo si sharciga islaamka & dhaqanka islaamka lagu kala saaro, markaa kadibna heshiis mideyn ah loo sameeyo” waxeey xuseen in Soomaalidu aaney sina ku kala maarmeyn oo ay yihiin dad ehel & askumo isku ah.

“Ma aynaan ogeyn cid soomaali uga wakiil ah dhinaca sharci u dejinta, dastuurkeedana mas’uulka ah, mar keliya ayaa waxaa na soo galaya dastuur sida daawo dhacday la xayeysiinayo meel la isugu yeerayna ma jirin, dastuur xoog & xayeysiin lagu wado sida alaab dhacdayna suurtagal ma ahan”   “Markaan araknay cidda dastuurkaasi hogaanka u haya waxaan xaqiiqdsanay in ay hor boodayaan dad ciil u qaba caasimadda Soomaaliya oo ay dhibeyso midnimada & wadajirka ummadda Soomaaliyeed”

Dastuurka Maamulka Puntland iyo Dastuurka Qabyo Qoraalka Waa Qayaano Qaran!

Akhristow ma Aqrisay Dastuurka Maamulka Puntland lagu asnixiyay mise ogtahay in Dastuurkaa uu yahay mid qayaano Qaran ku ah Midnimada Umada Soomaali?

Haddii aan dib u milicsano Dastuurka Puntland waxaa u qorayaa in Puntland tahay dowlad madaxbanaan sida ku cad Dastuurka,haddii aan soo qaadano qodobo faro badan wax aad arkeeysaa sida wax loo qoray in aay tahay teeyda anaa leh taadana kula lehi.

Kheeyraadka dabiiciga qodobka 53 aad waxaa lagu sheegay:

  • 1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. (Puntland Somali ayaa leh khayraadkeedana Somali ayaa leh.)
  • 2. “Dawladda” Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga Khayraadkeeda dabiiciga ah. (Dowlada dhexe awoodeeda in Gobol sheegtaa waa qalad.)
  • 3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta Shirkado waddani iyo Ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.(Teeyda anaa leh taadana kula lehi sow maaha?)
  • 4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.
  • 5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Maamulka Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.

Qodobada qaar waa kuwa laga naxo sida: Qodobka 1-aad: Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.(Micnaha Dowlad goboleed maaha ee waa Dowlad?)

Dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland. (ma Qabiil baa jinsiyada maxeey tahay sow Somali maaha ma Ethiopian baa??)

2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland.

Waxaa ugu darnaa uguna foosha xumaa iswaafijinta dastuurka Puntland iyo dastuurka Federaalka ee Somaliya sida aay u dhigeen,haddii aad aqriso waa wax umada aay ku ah ceeb iyo xishood dari iyo jahli aad ugu fog,waxaa ku qornaa sidaan

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno sharci iyo

Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan dastuurka puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka. 2.Inta lagu dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan

Barnaamijka cusub ee uu wato C/weli waa mid laga dhaxlay C/aahi Yusuf oo aanan biyo lagu dhaqin,waxaa umada aay la yaaban tahay hab-dhaqanka r/wasaare C/weli oo aad mararka qaar is leedahay sow ninka ma xishooda miyaa ??? haddii uu san waalneen waa xishoon lahaa, dib u aqri maqaalka magaciisu yahay:

prof._cabdiweli_maxaa_u_wehliya_aqoontiisa 1,2,3, 

Waxaas oo idil waxaa maleegay Mahiga.Faroole iyo C/weli oo u adeegaya danaha Puntland, geeridii C/aahi waxaa aay dhashay in siyaasad cusub uu abuuro C/weli kuna hoydo Gaalkacayo si uu u mideeyo Gaagaab,Faroole iyo Cabdillaahi Siciid Samatar oo ahaa ragii isku haysaty dhaqangelinta dastuurka Puntland iyo xiliga kala guurka Puntland.

Waxaa xaqiiq ah in C/weli bixiyay 20 Malyan oo Dollar si loo xaliya siyaasada Puntlandlaguna midoobo ujeedada danaha fog ee C/weli ka leeyahay dib u dhiska Puntland,Gaagaab maxaa aamusiyay ???

Waxaad mooda in dhana uu ugu ololeeynayo dastuurka qabyo Qoraalka si loo asixiyo dhanka kalena Puntland uu u diray wasiiro Dowlada Federaalka ka mid ah si loo soo ansaxiyo,odoyada Puntland oo dhawaan iman doona Muqdisho waxaa aay wadaan olole ah in loo codeeyo dastuurka qabyo qoraalka halka umada inteeda kale aayan ka warqabin danaha fog ee Puntland ka leedahay u codeeynta dastuurka qabyo Qoraalka.

Somaliland iyo Puntland dastuur ayeey leeyihiin umada inteeda kale maxaa u diiday dastuur u gaar ah maxaase loogu qasbaayaa in aay ansixiyaan dastuurka qabyo Qoraalka ah??? Shariif waxaa jirtay xili uu carfayay oo la lahaa shariif waa amiir iwm maantase waa urayaa sabbabta oo ah waxaa uu ka fogaaday cadaalada umada Somali waxaana uu hog dheer ku riday rajadii dib u soo celinta Qarankii Somali.

Sh.Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Somalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi,waxaa hubaal ah in shariif uusan aqrin dastuurka Puntland iyo midka qabyo Qoraalka ah, Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.

Halista Dastuurka Cusub ee Qabya qoraalka Somalia

(Moment Media Group) –Dastuurka cusub ee la doonayo in laga ansixiyo shirka wadatashiga Soomaaliya marka si degan loo akhriyo wuxuu halis ku yahay wadajirka iyo Cadaalada beelaha Soomaaliyeed.

Dastuurka oo saldhig looga dhigay 18-ka Gobol oo ay Soomaaliya ka koobneed ka hor xiligii dagaalada sokeeye dalka ka dhaceen, 18-kaas gobol oo aan ahayn gobolo markii horeba cadaalad lagu sameeyay, ama loo fiiriyey dhul ahaan ama dadka ku nool tiradooda, goboladaas oo qaarkood lagu magacaabay arin siyaasadeed oo ay xiligaa Dawladdii Milateriga Maxamed Siyaad Barre “Camalkiisa allaha ka waraabiyee” Dalka ka lahayd.

Dastuurka waxaa lagu cadeeyay in ugu yaraan labo Gobol oo buuxda kaliya ay noqon karaan Maamul/Dawlad Goboleedyada la rabo in dalka laga hergeliyo iyada oo aan cod laga qaadin shacabka Soomaaliyeed.

18-ka Gobol ee jiray xiliga Dawladii Hore ayaa haddii labo labo la isku saaro waxaa dalka ka soo baxaya ilaa 9 dawlad goboleed, Dawlad goboleed yada ka soo baxaya haddii Goboladaas sidaa la isku raaciyo ayaa si Cad ugu hor imaanaya heshiiska aan lagu wada qanacsaneyn ee 4.5 oo ay Soomaalidu ay sanadihii ugu danbeeyay wax ku qeybsanaysay.

Dastuurka cusub waxaa ku qoran in Magaaladda Muqdisho ka mid noqon karin maamul goboleedyadda ,loona sameeyn doono sharci gaara maadama sida lagu xusay dastuurka qabyada ay Muqdisho tahay Magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxaysa.
Muqdisho waxaa ku nool shacab qiyaas ahaan ka badan bulshada ku nool todobo gobol oo ka mida goboladda Somalia.

Dastuurka cusub wuxuu Xooga saaray in Goboladii 18-ka ahaa laga dhigo Saldhig iyada oo la og yahay in 18-kaas gobol dadka ku nool ay si aad ah u kala duwan yihiin.
Sida Xeeldheerayaasha qiimeeyay sheegeen Dastuurka cusub wuxuu abuurayaa colaad hor leh oo Soomaaliyeed isaga oo dhiirigelinaya Dawlad goboleedyo qabiileysan,
Waxaa la og yahay in gobolo aad u fara badan oo Soomaaliyeed ay wada degan yihiin qabaa”il aan siyaasadda isku raaci karin, qabiil kastana uu isku dayayo inuu qabaailka la degan meesha ka saaro.

Dastuurka sida uu hadda u qoran yahay hadii lagu ansixiyo waxaa ku dulmanaan doona Beelaha Hawiye, Dir, Digil iyo Mirifle , Beesha 5-aad iyo beelo ka mid ah Beelaha Daarood.

Danta ugu weyn waxey ugu Jirtaa Maamulka Puntland oo isagu ugu yaraan haysta Dawlad goboleed la jaan qaadi kara Dastuurka qabyada sida Gobolka Bari, Gobolka Nugaal, Qeyb Mudug ah iyo qeyb sanaag ah.

Maamulka Puntland waxaa hogaamiya beesha Majeerteen,iyada oo Beelaha tiro ahaan la” eg Beesha Majeerteen ama ka badan aysan u suurta galeynin iney helaan Dawlad goboleed iyaga metela, maadaama qabaa”ilka la eg ama ka badan Majeerteen aysan heli karin Labo gobol oo Nadiif ah,marka la raaco nidaamka 18 Gobol.
Beesha kaliya ee heli karta 2 gobol oo nadiif ah waa Digil iyo Mirfle, Gobolada Bay iyo Bakool, inkastoo beeshu wax ka degto gobolo kale, Haddana waxey noqonaysaa in dawladda lagu dhisi doono Dastuurkaas ay noqoto in Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Majeerteen ay isku miisaan yeeshaan iyaga oo aan isku miisaan ahayn nidaamka 4.5-ka iyo tiro ahaanba.

Beelaha tiro ahaan la eg ama ka badan Beesha Majeerteen oo aan heli doonin Dawlad goboleedyada Dastuurkaasi Xambaarsan yahay waxaa ka mid ah:-
Beelaha Abgaal, Habargidir, Xawaadle,Murursade , Mariixaan, Ogaadeen, Gaaljecel, Sheekhaal, Duduble, Leelkase, Warsengeli, Beelaha digil, Mirifle, Dhulbahante, Gudubiirse, Dir Koofur iyo beelo kale oo badan maadaama aysan jirin beel kaliya ee degan 2 gobol oo nadiif ah oo aan dad kale la degenayn.

Dastuurka cusub waxaa galaangal awood badan ku leh Beelaha qaar maadaama hayӇdda diyaarintiisa gacanta ugu weyn ku leh ee UNDP aysan shaqaalaha u shaqeeya aheyn meel Beelaha Soomaaliyeed u siman yihiin.

Dastuurka cusub iska daa inuu Xal u keeno Soomaaliye waxuu abuurayaa caqabad ay Soomaalidu isku haysato 50-ka sano oo soo socota.

Sida sharciyadda Caalamka ku qoran Dastuurka Dalka Soomaaliya loo sameeyay 1960-kii , waxaa la bedeli karaa marka cod laga qaado shacabka Soomaaliyeed.
Dhaqaalaha lagu bixinayo Dastuurka cusub oo Nairobi lagu diyaariyey waxaa dalka looga samayn karaa amaan iyo kala danbeyn,iyadoo kadib lagu qaban karo gudaha Somalia doorasha xora oo qof kasta u yahay xor inuu codkiisa dhiibto.
Soomaalida u qeybsan qabiil hoosaadyo ayaan ku heshiin karin Maamul Goboleedyo labo labo gobol isku raacsan kuna salaysan 18-kii gobol, waxaana xaqiiqo ah haddii dastuurkaan dalka sharci looga dhigo in dalka ay ka dhici doonto dagaalo sokeeye oo aan dhamaanin.

Waxa kaliya oo Soomaalidu xal ku heli karta ayaa ah, in amaankii la soo celiyo, markaas kadibna doorasho loo qabto umadda Soomaaliyeed, ama Degmo kasta oo Maamul samaysata la taageero markii amni guud la helana la dhiso dawlad dhexe oo metesha umadda soomaaliyeed oo ku timaada Doorasho xora.
Isku soo wada duube Dastuurka diyaarsan ee Nairobi lagu hayo oo ay tahay waxa shirarka wada tashiga lagu sheegay loo qabanayo oo lacagaha faraha badan loo bixinayo ,waxay wadaniyiinta Soomaaliyeed ugu magacdareen Baas abuur cusub .

Wasiirka Dastuurka oo qaab qabiil u difaacay dastuurka Puntland sheegayna kan qaranka Soomaliyeedna mid KMG ah

 Wasiirka Dastuurka Soomaliya deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland ayaa siweyn u difaacay dastuurka ay sameysatay Puntland xili madaxweynaha Soomaaliya uu ganafka ku dhuftay Dastuurka Puntlnad .

Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaliga ee DKMG Cabdiraxman Xoosh Jibril ayaa isagu qaab qabaiil ku doonayo xiligaan in la hoos yimaada Puntland madaama ayba ka horeeyaan dhan walba siyaasada dowlada Dhexe waxaana muuqata wasiirka Dastuurka Soomaaliya uu jira xiir hoose oo ka dheexya Faroole iyo isaga taana waxaa cadeen u ah dooda maanta uu ku taageeray mamaulka Puntland in uu la ogyahay sirta qarsoon ee laga leeyahay dastuurka cusub ee Soomaliya.

Aniga oo ah wasiirka Dastuurka ah waxba uma arko calanka iyo Dastuurka Puntland waxaana dooda maanta laga dareemayey in uu ahaa wasiirka Afhayeen ka socda Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya qabya uu yahay 8 sana doodiisa ay socon doonta taana waxay ka hor imaneysa in xiligaan la helo dowlad aan kumele gara aheyn madaama dastuurka lagu dhaqayo uu yahay mid kumele gaar ah.

Dhanka kale Dr Cali Khaliif kale oo dooda ka qeyb galay ayaa gashaanka u daruuray dastuurkaas qabyada ah isagoona sheegay in dan qaas ah laga leeyahay dad qaas ahna loogu shaqeynaya dasturka qabyada ah.

Puntland Ma Dowladbaa Mise Waa Maamul goboleed?

Moment Media Group | Dadka soomaaliyeed badidooda ayaa waxay is weydiinayaan su,aashan (Puntland ma Soomaaliya mise waa Dowlad gooniya ? haddaba annigoo og in dad badani xasaasiyad ka qaadayaan markay arkaan xaqiiqo ka waran iyo kala cadaynta arimaha laysku maandhaafsan yahay bal aan hoos ugu daadego.

Horta maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Bisayl iyo cayriin waxii u dhaxeeyaa waayacyacood „ waxay ujeedada maahmaahdani tahay in shaqsigu waxaa uu sheegayo uu kala cadeeyo ee aanu isku meeraalaysan sida neef muqlaysan oo ay reer Puntland ama ka dhawaajiyaan gooni isu taag siddaa walaalaha Somaliland ama ay ku daba faylaan Madaxdooda Dowlada KMG.

Puntland Ma Dowladbaa?

Markay madaxda Puntland hadlayaan waxaad arkaysaa calanka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ag babanayaa haddana waxaad arkaysaa haddana inaysan Puntland ahayn Maamul iyo Dowlad goboleed ka tirsan jamhuuriyada Soomaaliya sababtoo ah waxay baal gurayaan mar walba Dowladii dhexe iyaga oo aad moodo inay wax boobayaan ama wax lagala fakanayo oo kalsooni darro badan ka muuqato.

Dastuur beeleedka Puntland

Puntland waxaa hadda ay ansixisay Dastuur gacan ku rimisa sababtoo ah waxaan maqli jiray beel ka mida beelaha soomaaliya inay leedahay Xeer hore oo ay dejiyeen haddana la qoray oo la yidhaahdo (Xeer ……) Beeshan Soomaaliyeed ayaa xeerkeedani yahay mid u gaara oo dhexdeedana wax ku qaybsato beelaha kale ee walaalahoodna wax kula qaybsato haddaba Dastuurka Puntland saw maaha Xeer kaas la mida oo beel soomaaliyeed samaysatay saw lama odhan karo waa ( Xeer…..) dad baa ka xanaaqaya xaqiiqada aan xusayo balse ninkastaa waxuuu sheegto waa lagu suntaa annigu soomaali kama dhex saarin Puntland ee iyagaa iska dhex saraay haddaba waxuu noqonayaa xeerkii labaad ee beel soomaaliyeed samaysato marka magaca yaan laga qaldine ( xeerka Beeshii hore waxuu ahaa xeer ku salaysan dhaqanka iyo xeer hoosaadkooda beelleed) qoladan danbena waxay ku salayeen Xeer beeleedka cusub Sedbursi iyo siyaasada balse waa xeer ku kooban deegaan iyo beel walaalo ah oo isku ab iyo oday ahi degto oo aan cid kale tarixin.

Waxay samaysteen Astaan marreed ay ugu yeedheen Calan calanka ama Summada Puntland uma diidani awal horeba dhaqan soomaaligii beelaha soomaaliyeed way kala suntan jireen xoolaaha oo waa la yaqaanay xoolaha meeshaas daaqaya inay leeyihiin ( Beel heblaayo) waase xeer cusub in dadka la suntado waan arkay qaybo ka mida wadamada nala deriska ah sida Itoobiya iyo kenya iyo suudaan dadka waa la suntaa balse soomaalida sumad jidhka ma aysan samaysan ee Summado maryo ah ayay samaysteen lagana yaabee ugu danbayn in la gaaro in dadkana loo sameeyo sumad aadan weydiin ama ku kahdoomin qoladiisa oo wejiga kaga taal.

Aan u soo gudubno ujeedada qormadayda iyo su,aasha kor ku xusan Federaal xanuun la yidhaahdaa dadka badidooda jeexay oo dhex qaaday mana yaqaan cidda samaysata iyo qaabka loo samaysto, ( Hal booliya nirig xalaala ma dhasho) Maamul beel ku salaysan iyo abtirsiimo ma noqon karaa?! federaal jawaabta waxaan u dhaaafayaa qofka soomaaliga ah ee aqrisanaya ku sii tiigaali maayo halkan oo qormooyin hore ayaan qoray ka qorshaha federaalka oo ay ugu danbeysay (Fitnada Federaalka iyo Maamul Goboleedyadu Ma Guul la Gaadhaybaa Mise Waa Geeri iyo kala Guur Hor leh) waxaan u malaynayaa nin aan waxa soo socda garanin waxa joogana ma garto .lingaxan hoose ka aqriso..

http://somaliweekly.wordpress.com/2012/04/26/qoraagu-faaladan-wuxuu-u-bixiyeyfitnada-federaalka/#more-89

http://oodweynenews.com/articles/67686-maamul-goboleedyadu-ma-guul-la-gaadhaybaa-mise-waa-geeri-iyo-kala-guur-hor-lehby-cabdiraxiin-hilowle-galayr.html

Hadda ka hor ayaa wiil hooyadii kula talisay inuu neef geela u qalo oo aysan deriska iyo ehelladooda kale toona waxba ka siin ee inta saanta maqaarka haraga meel ka dalooliyo marba cad ama qayb uga soo gooyo oo ay halkaas ka dhuuqaan muddo wiilkii arintaas waa ka madax adaygay balse hooyadii waa ku adkaysatay isaga oo og waxa ka imanaya ayuu ka yeelay waxaa maalmo ka dib meeshii qabsatay Ur iyo Qadhmuun soo butaacaya Hooyadii wiilka ayaa qaylisay oo tidhi waa maxay wiilkaygiiyoow waxaa urayaa wiilkii meel fog jawaabta kama doonin ee waxuu yidhi waxaa urayaa waa Taladaadii hooyo!! Waxaan uga socdaa dadka soomaaliyeed ee laysku yidhaahdo Soomaalida koonfureed muddo ayay qaylinayeen war xaalka sidan halaga daayo war Puntland waa gobol soomaaliyeed yaan been laysu sheegin war beeshani ama ha goosato oo madaxbanaani haku dhawaaqdo ama dadka wax hala qabto hadda waxaad moodaa waxaa la yidhi ruuxii baxayaa indhahaa casaadee inay xaalkii u gudbay gediga kale oo damacii indhaha la`aa iyo qabyaaladii qaawanayd iyo hunguri xumadii loo gudbiyey in wax lagula qaybsado ama lagula xaajoodo Somaliland .

Heshiiska iyo wadahadalka labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland ayaa lagaga dhawaaqay shirkii london waxaana lagu koobay Somaliya iyo Somaliland balse wax qayb ah ama xubin ah kuma aysan lahayn Maamultuuleedyada sida Puntland , waxaa shirka lagu iclaamiyey inuu dhex maro Somaliland & Dowlada KMG oo magaca soomaaliyeed ka masuula iyo somaliland oo qadiyadeeda oo xadkeeda iyo intay xeeratay ka masuula ayaa bulshada caalamku u soo bandhigtay inay waxuun isku afgartaan Israac iyo Go`itaan kuu doonaba ha ahaadee oo lagu yidhi wada hadla waxna isku raaca mawqif midaysana noola kaalaya oo aydaan isku khilaafsanayn.

Maxaa dhacay haddaba waxaa dhex orday markiiba Odaygii Faroole oo af labadii yeedhay oo leh anniga wax layga weydiinayaa aniggaa arintaas taladeeda iga go`daa anigaa soomaaliya ka masuula weger Annaaniyad badanaa dadkii oo dhan ayaa yaabay waxaa lays weydiiyey war ninku muxuu isu maleeyay ileen maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd (Nin anni yidhi dad iska reeb ) Durtadiiba waxaa la gudo galay xulitaankii gudiyada labada dhinac ee gogolxaadhka wadahdalka labada dhinac waa Somaliland iyo Somalia markaasaa waxaa qoladii Soomaaliya soo xushay 7 xubnood Shan wasiir oo soomaali ah iyo laba wasiir oo puntland ah Weger iyo ka waasacan oo Puntland miyeysan soomaali ahayn? Weli waxaa taagan Su,aashii jawaabteeda shacabkaan u dhaafayaa

Haddaba Aqristoow adigu gar eexaad aan naqayn caadifadana iska ilaalinayaa Ama Somalia taageersanow ama Somaliland Ama Puntand oo haddana saw tan su,aashii soo noqotay Puntland miyeysan Soomaali ahayn?

Puntland Somali maaha waayo waxay leedahay calan gooniya Dastuur gooniya baarlamaan gooniya madaxweyne gooniya , waxaa haddana kaaga sii daran ee kama amar qaadato mana hoos tagto Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra,iisalwasaarihiisa oo Ra,iisalwasaaruhu saw 4.5 kuma Iman oo Puntland kama socdo maya Ra,iisalwasaaruhu lacala haddii Puntaland Soomaaliya ka mid noqoto ayuu meesha u sii joogaa waa boos celis ee ma metelo waayo hadduu metelo saw kumay kalsoonaadeen? Kaaga sii daran Puntland dhaqaalaha cashuurta dowlada dhexe ma bixiso kama qayb cid war u haysaana ma jirto waxaa soo gala iyo waxa ka baxa haddana wax walba oo deeq ah waxbarasho caafiimaad , barnaamij horumarineed 3 meelood meel ayay doonaysaa cajiib oo haddii aysan dheefba ogolayn oo aanay wax qaybi ogolayn sideebay qayb ku heshay? Dowlada ku meelgaadhka ah waxaa laga masruufaa, Xildhibaan kasta oo 18ka gobol ka yimid iyo wasiir kasta iyo xubin walba dhaqaalaha dekada muqdisho iyo Aadan cadde international Airport oo maxay Puntland dhaqaalaha wax uga bixin weyday Puntland maxay uga bixinaysaa dadkii soomaaliyeed ee dhex marayey ayey aqoonsi weydiinaysaa waxaan Puntland ahayne waxay ku xukumaysaa dil iyo xadhig haddaba Puntland ma Soomaaliba mise Maaha ? Aqristee Su,aashan meel gee adigay ku sugaysaa Jawaabteeda fadlan iyada oo kala dhigan naga dhergi.

Maamulgoboleed ma diidin, Gudoomiye maamul goboleedna ma diidin, Gole deegaan oo 21 xubnood ma diidin, xeer hoosaadka golaha deegaanka iyo gudi kooban oo guurti ahna ma diidin laba Gobol iyo badh ma diidin , balse waxii intaas dheer dee waa dowlad kale ee yaan nalagu daalin intaan Somaliland la gaadhin horta Garoowe soomaaliya halagu soo darro!

Madaxweyne waa mid keliya waa kan Dowlad KMG cidduu doono iyo gobolkuu doono haka soo jeedee inta kale waa laab la kac iyo ruwaayad iyo riyo soo jeeda.

Dastuur waa kan dowlada ku meelgaadhka ah ama kan xaaraanta ah ee la qorayo qabyada qoraalka ah, ama kii lixdankii ha noqdo ama Axdiga ku meelgaadhka ah

Dastuur waa kaas dowlada KMG ahi gacanta ku hayso waxii ka soo hadhaa waa xeer beeleed.

Calankuna waa kan Jamhuuriyada Soomaaliya ee Buluuga ah xidigta shan geeska ahina dhexda kaga taal waxii kasoo hadhayna waa calal beeleed iyo summad qabiileed aan geed loogu gaban .

Somaliland qadiyadeedu way ka duwan tahay qadiyada Puntland sababtoo ah somaliland waxay qaadatay magacan( Jamhuuriyadda Somaliland جمهورية أالصومال أرض Republik Somaliland)waayo go,aankoodu waa cad yahay ama haw rumoobo ama yuusan rumoobin balse xaalada Puntland waa ( Bareejo waxool waa guul) waayo dastuurka Somaliland waxaa loo codeeyey 2001 oo gebi ahaan 75% laga qaaday afti ummada reer somaliland balse inuu afduub yahay Xeerbeeleedka Puntland waxaa qol lagu xareeyey 470 qof oo isugu jira rag iyo haween aad ugu goomoon in shaashada laga arko oo aan ogayn waxaa hubaal ah inuusan jirin hal shaqsi oo aqriyey waxaa ku qoran dhawrkii qof ee aqriday ee soomaalinimadu ku jirtay way ka xishoodeen wayna diideen intii kale way iska taageen gacmo laba iyo lugo xitaa taasi waxay cadaynaysaa inuu xeer beeleed yahay.

Waxaa kuu soo hadhay haddii puntland nabad ku dhaadan jirtay iyo amni iyo isku xidhnaan maxaan dadka xeer beeleedka looga qaadi waayay afti saw halkaasi isma burinayso ma dastuurka af duubka ee qabyo gumaysiga qoraalka ah oo kalaa mise marxalada gobolada soomaaliyeed ayay la wadaagtaa amnidarada iyo maamulxumada jawaabtu waa haa

Haddaba maxay ku mutaysatey sedbursiga iyo anna way kan.

Waa Su`aale Shanta gobol waa kuwee ee Puntland sheegatay ileen Sool xaalkiisa waan ka war haynaa oo Somaliland iyo Khaatumaa isku horfadhiya iyo qaybo ka mida sanaag iyo buuhoodle Ma bari iyo Nugaal iyo Xaafad gaalkacayo ah ayaa shan gobol noqday oo weliba sadex maamul goboleed lagaga dhawaaqay oo kala duwan aduunyooy xaalkaa ba`a waa hadalkii wedkii galay

Rafaadka KMG, Riyada Puntland, Iyo Rasmiga Somaliland wallee wareer baa ka taagan!

Qormadayda waxaan ku soo afjarayaa Puntland Xageed gaadhi karaysaa boodo jaro bal aanu ku aragnee (Durduro geelbaa ku jaba ) Riyona run noqon weyday Soomaaliya ama raac ama gooni isu taag cidina kaa yeeli mayso laba eefe.

Raisul wasaare Gaas “Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha ku qoran”

Raisul wasaaraha xukuumada KMG Somalia Dr. Cweli Maxamed Cali ayaa difaacay dastuurka qabyada ah ee xukuumadiisu ku howlan tahay, isagoo sheegay in dastuurkaas uu shacabka Soomaaliyed u horseedayo dowladnimo rasmi ah iyo iney dib u soo laabtaan nidaamkii iyo kala dambeyntii dalka.

Raisul wasaaraha ayaa sheegay in guddiga madaxa banaan ay u oo gudbiyeen 20kii bishan nuqul ka rasmiga ah ee qabyo qoraalka dastuurka taasoo uu sheegay inuu qorayey qodob ka mid ah qodobada Road mabka, wuxuuna xusay in taasi ay tahay arin guul ah, isagoo tilmaamay in hadda dastuurkaas qabyada ah ay hor dhigi doonaan bartamaha bisha soo socota 825 ergo ee laga soo xulayo bulshada si ay uga doodaan ugu dambeyntiina ugu codeeyaan.

“Dastuur ma rabo dadka leh wax la fahmi karo maaha, macnaheeduna wa dowladnimo ma rabno taasna caqli gal maaha, hase ahaatee dhaliil waa yeelan karaa qodobkaas ma wanaagsanaa sidaa ha lagu bedelo, qodob hebel kanaa ka fiican, waa macquul taasna bulshada ayaan u deynaynaa wixii la isla arko iney qaldan yihiina waa la bedelayaa markaas” ayuu intaa ku daray raisul wasaare Gaas.

Raisul wasaaraha ayaa intaa ku daraya ineysan habooneyn in dastuurka loo dhigto isbaaro, wuxuuna ugu baaqay dadka diidan marka hore iney si fiican u fahmaan waxa uu qorayo si ay u kala cadaato waxa saxan iyo waxa la qaldan “Nasiib darada jirtaa waxaa weeye Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha uu qorayo mana haboona qofku inuu wax iska diido isagoo aan aqoon u laheyn waxa uu diidayo” ayuu intaa ku daray raisul wasaare Gaas oo la hadlayey idaacada VOA.

Hadalka raisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xili ay soo korsdheysa mucaaradada qeybaha kala duwan ee bulshada kaga imaneysa qabyo qoraalka dastuurka cusub ee Somalia oo ay sheegeen iney ku jiraan qodobo ay u arkaan iney ka soo jeedinaya in wax laga bedelo ka hor inta aan la ansixinin.

Raysul Wasaare Gaas oo Laga Dalbaday Inuu Raaligelin ka Bixiyo Hadal uu Shalay Jeediyey

Muqdisho Wednesday, April 25th, 2012 (MMG) – Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ee magaalada Muqdisho ayaa maantay si kulul uga jawaabay ereyol uu shalay warbaahinta ka sheegay Ra’isul wasaaraha xukuumadda KMG ahC/weli Maxamed Cali Gaas kaasoo uu ku sheegay in dadka diidan dastuurka qabyada ah ay yihiin dad raba inay isbaaro u dhigtaan dastuurka isla markaana aan waxba akhrin.Gudoomiyaha Guurtida dhaqanka oo maantay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo cambaareeyey hadalka Ra’sul wasaaraha, wuxuuna ku tilmaamay inuusan u hadlin sidii qof Masuul ah, wuxuuna Gudoomiyaha soo bandhigay qodobo ay sheegeen ineysan la jaanqaadi karin Xeerarka Dhaqanka & Diinta islaamka ee ku jirta qabyo qoraalka dastuurka cusub.

“Runtii waa ceeb iyo nasiib daro in nin Ra’isul wasaare ah uu qowmiyad dhan yiraahdo dastuurka ayey isbaaro ku yihiin” sidaasi waxaa shirka jaraa’id maanta ka sheegay Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa odayaasha maanta hadlay.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad wuxuu sheegay in Ra’isul wasaruhu uu iska indhatiray khaladaadka faraha badan ee ku jira dastuurka kuwaasoo haddii laga aamiso khatar ku ah dadka, diinta iyo dalka.

“Waxa meesha [dastuurka] ku yaal waa aragnay, waxaa ka mid ah inaan la sheegin Madaxweynah iyo Ra’isul wasaaraha inay Muslimiin yihiin iyo in kale. Sidaa soo kale waxaa la sheegay in jinsiyada Soomaaliya shan sano lagu qaadan karo oo iyadaa khalad kale ah” ayuu yiri Xaad oo intaa ku daray in dastuurka cusub uu horseedayo in dad aan xitaa Muslim ahayn ay Soomaaliya dal iyo dad ahaanba u sheegtaan.

Gudoomiye Xaad wuxuu kaloo ku eedeeyey raysul wasaaraha inuu bilaabay inuu isaga kala shaandheeyo ergada qabiilada ee 135 oday dhaqameed, wuxuuna Xaad sheegay in raysul wasaare Gaas uu rabo in ergada beesha Hawiye laga saaro dadka aragti ahaan taageersan madaxweyne Shariif.

Odayaasha dhaqanka waxay soo jeediyeen in Wasiika 1aad ee Dowlada KMG ah inuu raaligelin buuxda ka bixiyo hadalka uu shalay warbaahinta ka sheegay haddii kake loo qaadanayo inuu dad gaar ah ula jeeday.

Talaadadii shalay ayaa wareysi uu raysul wasaaruhu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay in dadka diidan dastuurka ay isbaarorabaan isla markaana iyagoon waxba akhrin ay iska diideen.

Dastuurkii Juun 1960 ilaa Febraayo 2009 Dastuurkii lagu dhaqmaayay ka dheeho halkaan.

Dastuurkii Juun 1960 Qodobkiisa 1aad oo ku saabsan Qaranka, farqadda 3aad waxay dhigaysaa: Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka. Marka aan eegno Tarjumaaddii 2007 ay DKMG ku samaysay dastuurkii 1960kii qodobkaasi tarjumaadiisu waa : “Diinta Islaamka ayaa noqonaysa Diinta qura ee Dalka.” (Eeg Tarjumadii DKMG ku samaysay Baydhabo 25/05/2007).

Dastuurkii 1979:

(1979) Q.3aad (1)  Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka.

Dastuurkii ay Ciidamadu soo saareen (Muqdisho July 1979), Qodobka 3aad (oo ku saabsan Diinta) waxa uu dhigayaa “Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka”.

Dastuurkii 1990:

(1990) Art.3 (Religione): (1) L’Islam e’ religione dello Stato. (2) E’viettata la propaganda di religioni diverse dall’Islam.

Dastuurkii la soo jeediyey 1990, Qodobkiisa 3aad, farqadda 1aad waxa uu dhigayaa (Islaamku waa diinta qaranka), farqadda 2aadna (Lama faafin karo diin kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka). Halkaas waxaa ku cad in qodobkii Diinta lagu xoojiyey in aan diin kale dalka lagu faafin karin (inkasta oo xukuumaddii burburtay isagoo aan  dastuurkaasi weli si rasmi ah u dhaqan gelin)

Dastuurkii 2000:

(2000) Q.2aad (2) Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka

Dastuurkii DKMG loogu soo sameeyey magaalada Carta ee dalka Jabuuti (August 2000), Qodobkii 2aad (oo ku saabsan Diinta), farqaddiisa 2aad waxaa si qeexan ugu cad “Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka”. Halkaas waxaa ka cad in qodobkii dastuurkii 1990 eee diinta lagu xii xoojiyey in aan diin kale iyo afkaar ka soo horjeeda diinta islaamka lagu faafin karin dalka.

Dastuurkii 2004:

(2004) Q.8aad (1) Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa xusid midan in Fadhi ay Golaha baarlamaanka DFKMG  Sabti April 18, 2009 – ku yeesheen xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka DFKMG, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa lagu ansixiyay in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka. Arrintaas oo kadambaysay kaddib markii 14-19 bisha Febraayo 2009 ay culimada Soomaaliyeed kulan ay Muqdisho ku sheegeen ay ku baaqeen in DFKMG hirgaliso laba qodob oo ahaa Ku dhaqanka Shareecada Islaamk

Waxgaradka Mudulood Oo Diiday Dastuurka Cusub (700 oo qof)

Waxaa maanta ka dhacay hotel Naasa-Hablood2 shir balaaran oo ay isugu yimaadeen xildhibaano, aqoonyahay, waxgarad, Malaaqyo iyo Ugaasyo kasoo jeeda beel-weynta Mudulood, waxayna shirkaas uga wada hadleen qaabkii ay beeshu u wajihi laheyd Dastuurka cusub iyo dowaladda KMG Soomaaliya oo ay sheegeen inay dhaliilsan yihiin qaabka ay wax u wado.

Dadka ka qeyb galay shirkan ayaa waxa ka mid ah xildhibaanada kala ah Salaad Cali Jeelle, C/lahi Geedi Shadoor, Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Filish oo uu wehliyo Malaaq Cali Malaaq Showri iyo Ugaaska Ina Cali-Ugaas, waxayna si duuduub ah u diideen dastuurka qabyo-qoraalka ah ee la damacsan yahay in laga hirgaliyo Soomaliya bisha Agoosto. Waxay kaloo eedayn dusha uga tuureen qaabka Road-Map-ka iyo hadalkii kasoo yeeray madaxweyne Shariif Sh. Axmed ee uu ku sheegay inaan loo baahan doonin xildhibaanada dhawaan.

Raysul Wasaare Gaas oo Laga Dalbaday Inuu Raaligelin ka Bixiyo Hadal uu Shalay Jeediyey

Odayaasha dhaqanka ee beelaha Muqdisho ayaa  si kulul igu jawaabay hadal uu shalay warbaahinta ka sheegay raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas kaasoo uu ku sheegay in dadka diidan dastuurka qabyada ah ay yihiin dad raba inay isbaaro u dhigtaan dastuurka isla markaana aan waxba akhrin.

Shirkan oo goor dhow soo gabagaboobay ayaa isku raaceen ergooyinkaas oo gaarayay 700 oo xubnood ayna ka mid ahaayeen qorba-joogta beesha in beesha Mudulood ay qaadacday gebi ahaanba Dastuurka ayna u aqoonsadeen inuu yahay mid aan u suuban shacabka Soomaaliyeed.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii sidaan oo kale ergooyina gaarayay 500 oo ka soo jeeda beesha Habargidir ay sidaan oo kale u qaadeceen Dastuurka cusub, waxana muuqanaya xaalad adag oosoo wajaheysa dowladda KMG inkastoo ay dowladu ku faraxan tahay go’aamada noocaan oo kale ah maadaama ay quudaraynayso in sanad kale loogu kordhiyo waqtigeeda oo ka dhacaya bisha Agoosto.

Posted on April 26, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: