Waxgaradka Mudulood Oo Diiday Dastuurka Cusub (700 oo qof)

Mogadisho24 April, 2012 ( MMG) –  Waxaa maanta ka dhacay hotel Naasa-Hablood2 shir balaaran oo ay isugu yimaadeen xildhibaano, aqoonyahay, waxgarad, Malaaqyo iyo Ugaasyo kasoo jeeda beel-weynta Mudulood, waxayna shirkaas uga wada hadleen qaabkii ay beeshu u wajihi laheyd Dastuurka cusub iyo dowaladda KMG Soomaaliya oo ay sheegeen inay dhaliilsan yihiin qaabka ay wax u wado.

Dadka ka qeyb galay shirkan ayaa waxa ka mid ah xildhibaanada kala ah Salaad Cali Jeelle, C/lahi Geedi Shadoor, Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Filish oo uu wehliyo Malaaq Cali Malaaq Showri iyo Ugaaska Ina Cali-Ugaas, waxayna si duuduub ah u diideen dastuurka qabyo-qoraalka ah ee la damacsan yahay in laga hirgaliyo Soomaliya bisha Agoosto. Waxay kaloo eedayn dusha uga tuureen qaabka Road-Map-ka iyo hadalkii kasoo yeeray madaxweyne Shariif Sh. Axmed ee uu ku sheegay inaan loo baahan doonin xildhibaanada dhawaan.

Raysul Wasaare Gaas oo Laga Dalbaday Inuu Raaligelin ka Bixiyo Hadal uu Shalay Jeediyey

 Odayaasha dhaqanka ee beelaha Muqdisho ayaa  si kulul igu jawaabay hadal uu shalay warbaahinta ka sheegay raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas kaasoo uu ku sheegay in dadka diidan dastuurka qabyada ah ay yihiin dad raba inay isbaaro u dhigtaan dastuurka isla markaana aan waxba akhrin.

Shirkan oo goor dhow soo gabagaboobay ayaa isku raaceen ergooyinkaas oo gaarayay 700 oo xubnood ayna ka mid ahaayeen qorba-joogta beesha in beesha Mudulood ay qaadacday gebi ahaanba Dastuurka ayna u aqoonsadeen inuu yahay mid aan u suuban shacabka Soomaaliyeed.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii sidaan oo kale ergooyina gaarayay 500 oo ka soo jeeda beesha Habargidir ay sidaan oo kale u qaadeceen Dastuurka cusub, waxana muuqanaya xaalad adag oosoo wajaheysa dowladda KMG inkastoo ay dowladu ku faraxan tahay go’aamada noocaan oo kale ah maadaama ay quudaraynayso in sanad kale loogu kordhiyo waqtigeeda oo ka dhacaya bisha Agoosto.

Moment Media Group

Posted on April 26, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: