Xiisadaha U Dhaxeeya Dowlada KMG ah & Somaliland Oo Gaaray Heer Kala Guur Ah.

24 April, 2012 – Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhaxeeya guddiyada loo xil saaray inay isu soo dhoweeyaan dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka gooni isutaaga la magac baxay Somaliland, iyadoo xiisadaasi ay xiligaan ka hadleen madaxa arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland.

Madaxa arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Dr. Max’ed C/laahi Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa mar kale sheegay in dowladda KMG ah ay carqalad ku wado wadahadalka la doonayo inay galaan oo uu sheegay inay dhinacoodu diyaar u yihiin.

Max’ed C/laahi ayaa waxa uu sheegay in ilaa dowladda ay ka badaleyso qorshaha ay wado oo ah in wada hadalka ay qeyb ka noqdaan xubno ka socda Maamulka Puntland, marna Somaliland aysan raali ka noqon doonin inay wada hadalkaasi qaataan oo ay hor fadhiistaan dowladda KMG ah sida uu hadalka u dhigay.

Howlwadeenkaan ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in wax dhex dhexaadin ah uusan ka dhaxayn Soomaliland iyo sidoo kale dowladda KMG Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay yahiin laba dal oo madaxbanaan labo madaxweyne leh sida uu sheegay Somaliland ay tahay dal madaxbanaan oo 21-sano ismaamulayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in Maamulada ka jira dalka ay yihiin kuwa isku awood ah islamarkaana aan loo baahaneyn in kaliya la xulo Xubno kasocda Maamulka Puntland, taasina ay ku tilmaameen mid ka fog cadaaladda.

Madaxa Maamulka Somaliland ayaa magacaabay guddi wada hadal la gala dowlada KMG ah, halka Madaxa kooxda Diimeed ee Majmaca Mr. Shariif  Sheekh Axmed isna dhankiisa uu magacaabay guddi wada hadal la gala Somaliland, hase ahaatee Madaxweyne Shariif lagu eedeeyay in guddigaasi uu ku daray labo Wasiir oo ka socda dhinaca iyo Maamulka Puntland.

Dad u dhun duleelaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu ku fududaaday guddigasi islamarkaana uusan wax la tashi ah la sameyn Madaxda dalka, waxaana Siyaasiyiin, waxgarad iy Cuqaal ay ugu baaqay Somaliland in marna aysan ka bixin wada hadalkaasi.

Posted on April 26, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: