Sheekh Shariif iyo Feysal Cali Waraabe oo Xalay Kulan Gaar ah ku Yeeshay Dubai

Friday, April 27th, 2012 (MMG) – Sida uu maanta Shabakada u xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Dubai waxaa xalay kulan gaar ah hotel ku yaalla magaalada Dubai ku yeeshay madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland Feysal Cali Waraabe.

Kulankan ayaa ka dambeeyey ka dib markii madaxweyne Shariif uu booqasho ku tagay Dubai ka dibna codsi uu uga yimid Feysal Cali Waraabe oo horey u sii joogay magaalada Dubai.

Kulanka oo qaatay in ka badan saacad ayaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan xubnaha ka socda Puntland ee ku jira guddigii uu madaxweyne Shariif u magacaabay ka qeybgalka wadahadalka Somaliland lala yeelanayo 15-kii bishan April.  Waxaana Feysal Cali Waraabe iyo madaxweyne Shariif ay si dheer uga hadleen shuruuda Somaliland ku xirtay wadahadalka.

Ma cadda waxa la isku afgartay inkastoo warar xog ogaal ah ay sheegayaan in madaxweynuhu ballanqaaday in xukuumadda KMG dib uga tashan doonto qaabka loo dhisay guddiga wadahadalka.

Kulankan ayaa yimid xilli caqabad weyn ay horistaagtay wadahadalkii dhexmari lahaa DKMG Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo ka booday labada xubnood ee guddiga DKMG ah lagu soo daray ee ka soo jeeda maamulka Puntland.

Posted on April 27, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: