Madaxweyne Shariif oo Markii ugu Horeysay Shaaca Ka Qaaday ‘Inuusan Ku Qanacsaneyn’ Dastuurka Qabyo Qoraalka cusub

Muqdisho April 26, 2012(MMG): Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay dastuurka qabyo qoraalka ee lagu wado in dhowaan lagu ansixiyo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isaga uusan ku qancin dastuurka cusub uuna la qabo sida dad badan uga qeyliyeen.

“Waxaanla qaba sida dad badan u sheegeen in waxyaabo badan oo aan wanaagsaneyn ay ku jiraan dastuurka.” ayuu yiri madaxweyne Shariif oo sheegay inuu rajeynayo in wax laga bedelo dastuurka cusub.
Shariif wuxuu kaloo intaa ku daray in walaaciisa ku aadan qodobada dastuurka ee dhaliilaha loo yeelay uu u gudbiyey hay’adaha ku shaqada leh isagoo muujiyey in dib loo eegi doono.

“Dad badan siday u tilmaameen waxaa jira waxyaabo badan oo aan habooneyn oo ku jira laakiin in dib loo fiiriyo ayaan rajeyneynaa” ayuu yiri.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli maalin ka hor uu raysul wasaare C/weli Gaas oo wareysi siiyey idaacadda VOA uu sheegay in dastuurka uusan lahayn dhaliil isagoo dadka diidan dastuurkana ku tilmaamay inaysan waxba akhrin oo ay rabaan inay dastuurka “isbaaro u dhigtaa”.

Khilaaf ka taagan ergooyinka dhaqanka:

Madaxweyne Shariif ayaa warar hoose waxay sheegayaan inuusan ku qanacsaneyn qaabka loo wado qorshaha roadmap-ka ee la qorsheeyey in looga gudbo marxalada kumeel gaarka kaasoo uu horseed ka yahay raysul wasaaraha.
Waxaana arimahan ay imaanayaan xilli xulista ergooyinka dhaqanka ee 135 ka kooban la isku maandhaafay ka dib markii raysul wasaaruhu amray in la bedelo qaar ka mid ah taageerayaasha Madaxweyne Shariif (Aala Sheekh) oo lagu soo buuxiyey liiska ergooyinka beelaha Hawiye ee loo soo xulay diyaarinta golaha cusub ee dastuuriga.

Posted on April 27, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: