XAALADA KALA GUURKA

  

XAALADA KALA GUURKA Q:1aad

Friday 20 April 2012 – Waxaa maalmahan loo wada xusul duubayaa ama xawli loogu jiraa, sidii loo soo xuli lahaa gudiyada marxaladda kala guurka ah, si ay u qabtaan hawlo badan oo aad u adag, labo ayaase ugu muhimsan gudiyadan, kalana ah: Ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo soo Xulidda Xildhibaanada.

Intaanba hawshii la gudagalin, ayaa waxaa dhashay tuhun iyo farfiiq, eedda ayaa dhalatay, ka dib markii la furay Sayladda Suuqa lagu kala iibsanayo Odayaasha loo igman doono hawlahan.

Inta aanan abbaarin arrimahan, waa muhim ah, inaan dhawr qodob duljoogsado, oo aan is leeyhahay in la qeexo waa lagama maarmaan, maxaa yeelay, waxaa isku dhex miliqsan arrimo badan, ujeed iyo ogaalna la isugu daray, waxyaabaha qaarna laba maldahay! Illeen wax aan dani ka dambayn ma jiraane.

Marka laga soo tago; abaaraha, gaajada, colaadaha, dagaallada iyo dhibaatooyinka guud ee Soomaaliya hareeyey, waxaa lala eegtay sadax arrimood, oo kala ah:

Dawlado ku meel gaar ah: Labaatanka sano ee burburka lagu jiro, dalka waxaa soo maray ku dhawaad shan dawlado ku meel gaar, dhaqan ahaan iyo maskax ahaanba, ku meel gaarka, waxay ahayd inay ka dambayso marlaxad nagi iyodeganaansho, haddii markii hore loo baahnaa in heerka la joogo laga gudbo, loona baxshay ku meel gaar, si loo caddeeyo inaysan ahayn daa’in iyo wax waligeed sii soconaya, balse,  ayaandarrada Soomaalida ku habsatay ayey ka mid tehee, waaba la daa’imiyey.

Shirar dib u heshiineed: Sida tan hore mugdiga dad badan uga jiro, tan waxaan filaa inay tahay bannaanyaal iyo wax iska cad. Shirarka la qabtay iyo sanadaha burburka lagu jiro marka aad is garabdhigto, waxaad ogaan inaysan kala badnayn oo iska daba dhaw yihiin, kana dhigan qiyaastii in sadaxdii sanaba mar shir la qabanayey, heer ay noqdeen shirirkani qubanayaal madashoodaaan la faaruqin, loona madlan yahay dhawr gu’ ka dibba.

Ergay cusub: Lixdii sanee u dambaysay, waxaa la soo magacaabay sadax ergay, oo uu ugu dambeyo mudane Mahiga, haddaad gadaal sii qooraansatana qoorta ayaa ku daalaysa kaliya, waxaaba laga yaabaa inaad tirin weyso, dabcan, ujeed la’aan ma ahan, dhammaan qodobadan aan soo xusay, mid walba waxaa laga leeyahay dan gaar ah, aan isku dayno inaan fahamno. Kan hore, ee  “ku meel gaarka” waa waligaagarab rarato iyo geeddi ha ka gudbin. Kan labaad, ee “Shirarka dib u heshiineed” waa waligaa gabraarta shisheeyaha ha ka guurin. Kan ugu dambeeya, ee “Ergay cusub, waa waligaa basaas ha noo kaa dhex joogo.

Arartan gaaban ka dib, aan u daadego dulucda qormada, oo u badnaa doonta tilmaamo iyo talooyin. Sidaa awgeed, waxaan ka sii cudurdaaranayaa qofkii aan igu aragti ahayn, inuusan ii ciilloon, maya, inuusan igacaroon. Ujeedku ma ahan qof iyo qabiilkali iyo koox. Waxaanse farta ku fiiqi doonaa meelo badan, waana midda aan ka sii afeefanayo, illeen waa tii la yiriye: “Hadalkaaga hortiisa afeef ayaa la dhigtaa, Gurigaaga hortiisana ood”.

Marxaladda Kala guurka ah

Laba sano oo ku meel gaar ah ka dib, iyo sanad “Kampala Accord” loogu waqlalay, ahaase xadgudub ka dhan ah Dastuurka Dawladnimada iyo Dadnimada, maadaama mudaduu madax ahaan lahaa dhammaystay, haddana Kaadir Musaveni ayaa u kordhiyey, inaw Meles ogaana maanka ku hay. Iminkase waxaa la marayaa gabagabadii gugaa Musafani gooyee, maxaa goobta lala iman?.

Weydiinta madaxa daalinaysa ayaa ah: (Horta Ku meel gaar inaan ka baxno yaa dani ugu jirtaa? Ma anaga [Soomaalida] Mise Shisheeyaha [Dunida]) Aayaheenu wuxuu mar walba ku xiran yahay hadba warcelinta laga baxsho weydiintan, micnaha labada dan midda xoog yeelata ayaa xarigga noo qaban, aanse kala qaadee, haddii anaga dani noogu jirto, ma leenahay hoggaan xilkas ah? Ma leenahay madax qaran? Ma leenahay Maamul adag amaba jira? Ma leenahay ……? Ma leenahay……? Ma leenahay….? Ma leenahay….? Ma leenahay….?.

Haddiise ay dani ugu jirto shisheeyaha, haddaa, maxaa loogu dig iyo dam leeyahay? Maxaa loogu wada hamuun qabaa? Wax aan dhibkiisa mooye, dheeftiisu muuqan, maxaa loogu wada dhadhabayaa? Waan filaa inay dad badan u caddahay raggan aqoon yahanka lagu sheegayo, inay yihiin dullaaliin daboolan, oo ay dhammaan wada matalaan shirkado shisheeye. Maxaa yeelay, mid walba markuu yimaado, wuxuu heshiis la galaa shirkado gaar ah, oo uu ka qaato xoogaa laaluusha ah iyo sandareerta yar.

Waxa loo wada xusul duubayo, ayaa ah in mar qura eraga: “Ku meel gaarka” laga gudbo, danta laga leeyahay ayaana ah, in shirkadahan shisheeye, wixii loo saxiixo aan lagu soo dabagalin, illeen wixii ay maanta la saxiixdaan MAFIYADAN berri ayaa la duri karaaye, maadaama aysan wadanka ka jirin dawlad buuxda, haddaba aqriste, ma kula qumman tahay in xeeladdaasi meel marto?.

Dal aysan deganaan guud iyo mid gaaraba ka jirin, waa yaabe: sidee uga gudbaa ku meel, markii horaba la galiyey? Aqriste, armaad is tiraa, ninkani waa kuwa buka ee qaba, in dalka Maxmiyad la galiyo! Maya, bal si kale u eeg, armaanba hadda Maxmiyad aan magacaabnayn ku jirnaa? bal sadarrada sare aqriska ku celi. Hubaal inaad garan, inaannaan gob madax bannaan ahayn.

Marka laga soo tago caddaanka dalka Badda iyo Cirka ka eegta, wadanka waxaa maamulan jirtay Xabashi, hadda waxaa wadaag la noqotay Ugand iyo Kenya, ninkay caad ka saaran tahay, ha u fiirsho qaabka wadanka loo maamulayo, hase ku kadsoomin magac bixinta aan meelna haysan; Madaxweyne, Ra’isul wasaare, Wasiirro, Xildhibaanno IWM.

Guddiga Dastuurka

Ugu horrayn, tirada guddigan iyadoo lagu wareersan yahay, ayaa waxaa noo koobay Wasiirka Dastuurkaiyo Dib u Heshiisiinta C/raxmaan Xoosh sheegayna in ay horay u ahaayeen soddon qof [30], haddana ay yihiin sagaal qof [9] oo uu ku tilmaamay “khubaro” –Sir iyo caad ogayaal– waa siduu hadalka u dhigee, sagaalka sargaal wuxuu ka xusay mudanayaashan -oo dabcan uu wada ammaanay-: Caasha Kiin Faarax Ducaale, Prof jawaari, Dr Cali Siciid Faqi, Shukri Diini iyo Xannaan.

Guddigan waxaa la magacaabay markuu dhammaaday shirkii dib u heshiisiinta ee Kenya lagu qabtay sanaddii 2004-tii, waxaa lala magacaabay guddiyo gaarayaa ilaa saddax iyo toban guddi, waxaa ka mida guddiyadaa Guddi dib u heshiisiinta.

Dawladda Shariif ayaa isku dayday inay guddiga xubno ku darsato, la laaqa Dhariga la Karinayo, qas iyo qalalaasaba ha looga jeedee, waase ku guuldarraysatay! Haddaba su’aasha ayaa ah: Guddigani awoodda intaa la eg siduu ku helay? Xaggeese ka keenay?.

Mid aan sir ahaynse aan sheego, in guddigani maalintii la aasaasay ilaa iminka uu mushaar joogta ah qaadanayey, taa kaliya ma ahan, Guddigani waa ka safar badan yahay madaxda dawladda, oo haddaa, yaa ka bixiya qarashka safarka? Maya, horta sidooda yaa biila? lacagta ku baxda xaggee laga keenaa? Xafiiskee siiyaa? Guddigani Xafiiskoodu xaggee ku yaallaa? Mise waa garab rarato Lap Top-ku Kilkisha ugu jiro, walina aan gaarin iPad!

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya, in Guddigan maalintii la magacaabay ilaa maantadan ay ku baxday qarash badan, aqriste lacagtu ma yaree, bal kurisga xajiso, inta aanan kuu sheegin, waa inaan kuu sii digaaye, waxaa lagu beelay beeso dhan hal Malyan oo Dallar [1Milyan$] haddaba yaan la oran dalku muxuu Sabool u yahay? Illeen Yuubatadan ayaa wixii soo galiba u yuurartee!

Dastuurka qabyo qoraalka ah

Dastuurkan waxaa lagu madalsan yahay, in la soo bandhigo bartaha bisha may ee foodda nagu soo haysa, sidaa awgeed, mashaqada ugu darani way soo socotaa, oo waxan ay Dastuurka ku sheegayaan, waxaa ku jiro qodobo aysan iyagu qorin, sida ka muuqatana ay qorteen dalalka dariska ah, qodobada qaarna waxaaba qortay qabiillada qaarkood, oo aadba moodda inay ku fillaa waysay, sadbursiga ay maanta ku hayaan beelaha intooda kale, awal ayaanba qaati ka taagnayn afar iyo bare, ma waxay noo soo wadaan goosgoos aan gabina gaari karin?.

Balaan ku hormaro qodobka la yaabka leh ee ah: “Jinsiyadda/Dhalshada” Dastuurka qabyo qoraalka ah waxaa ku qoran sidan:

CUTUBKA 2AAD-JINSIYADDA

Qodobka 11aad-U-dhalashada Jinsiyadda

(1) Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.

Qodobka 12aad-Muwaaddinnimada lagu heli Soomaaliyeynta

(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shurrdaha sharciga Jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

(4) Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu Soomaaliyeeyo guur ama deggnaansho kuma xirna in uu buuxiyey ka hor ama ka dib taariikhda dhaqangalka Dastuurka.

Balaan jeexjeexo qodobka Jinisyadda, mid waa inaan isla wada qirnaa, inaan nahay dal xitaa aan SABOOLlagu tilmaami karin, intaa waxaa noo sii dheer, inaan ku jirno dawladaha dhan walba ku fashilmay, haba ugu darnaadaan dhanka ammaanka, maamulka iyo garsoorka, waaba haddii raadkood la hayee.

Sidaa waxaan u leeyahay, qofka marka uu mudnaado Jinsiyad/Dhalasho, wuxuu yeelanayaa xuquuq uusan markii hore lahayn, maya, wuxuu la mid noqonayaa Muuwaadinka Soomaaliyeed, ee aan laSoomaaliyeyna. Haddaba, miyeysan habboonayn inaan arrinta si fudud loo gudagalin? Waa midda koowaade, dhaqaalo uma haynno, in qof walba oo shan sano na dhexjooga aan dhalasho dhab ku siino. Anagii ayaa naf la caari ah, ee sideen dad kale ku xammili karnaa? Aniga iima dhadhamin.

Midda naxdinta leh ayaa ah, in qodobkan ay qorteen dawladaha ay ciidanka ka joogaan wadanka, si gaaraXabashida, oo danteedu tahay inay ku yeelato Soomaalida dhexdeeda, dad badan oo la Soomaaliyeeyey, micnaha dad asal ahaan ka soo jeedo wadankeeda, balse, xaq buuxa ku leh Soomaaliya. Haddaba, maxaa ka horjoogsanaya in ay berri madax noqdo?.

Waxaan la yabaa dad badan oo muran ka kenay qofka Soomaaliga ah ee xil qabanaya inaysan shardi u ahayn inuu Muslin ahaado! Waana meesha kaliya ee laga hadlay ilaa iminka, waxaa ku soo xiga middasadbursiga. Waaba yaabe, dadkan maba u muuqdo wadankan xaraashka ah, ee la leeyahay qof walba wuxuu noqon karaa Muwaadin Soomaaliyeed, sida iyo saabku muhim ma ahan, waaba laguu sadrayee ku dul susub, sina ha uga seerayn.

Berri waxaa soo socda kuwa madaw iyo caddaan isugu jira, oo aan Soomaali ahayn, lase leeyahay waa Soomaali, Muslinnimana haba sheegin warkeed, oo xukunka qaban doona. Hadda ayeyba billaabatay, dad la siiyey dhalshada, sida ay sheegayaan xog hoose oo laga helay Waaxda Jinsiyadda ee Xamar, aanse ka wardhawrno maalmaha! Wallee inay wax riman yihiine.

Run ahaan, qodobkan wuxuu keeni doonaa in dad badan oo iminka Soomaaliya jooga, ujeedna loo geeyey, ay berri ku doodi doonaan, inay Soomaali yihiin, maxaa yeelay, waxay Soomaaliya deganaayeen in ka baddan shan sano, oo uu Dastuurkani xadidayo, Qoraaga sare: C/qaadir Cusmaan Max’ud (Aroma), ayaa Naynaas ahaan ula baxay (Oromo) isagoo ku muujinaya Afrikaannimadiisa, kana cararaya Carabnimo ama Carabayn.

Markuu burburkii dhacay, ayuu ku baraarugay kuwa la leeyahay waa Oromo masaakiin ah, oo dadkii qaarijin ku dhammeeyey, ka dibna, Naynaastii ku badshay (Aromo) oo ah geed udgoon.

Malaha meeshii C/qaadir Cusmaan Max’ud (Aromo) uu ka dagaalamayey ayaan maanta maraynaa? Maxaa yeelay, qodobkan waxaa ka dhalanaya in Ajaanib badan ay xaq u yeeshaan dhalshada Soomaali. Hubaal in dad badan kugula doodayaan, in ay jiraan Soomaali badan oo qurbaha ku haysta dhalsho kale. Aanse caddeeyee, tan iyo kuwaas kala duwan, markaan yeelano dhaqaalaha dawladahaa oo kale, ee aan dal dhisan iyo dad deggan yeelanno ha la gaaro, ee maanta miyey mudan tahay in sheeko caynkaa ah Dastuur naloogu qoro?

Waxaa jira dalal badan oo naga hodonsan, oo aan qodobkani u qornayn, sida S.Afrika, Jappan, S.korea, Malesia, UAE IWM, kuwaaba kuma degdegine, waa maxay kadlayntan anaga nagu jirta? Wallee inaan shaki ku jirin, inay Xabashi qoratay qodobka Jinsiyadda/Dhalashada, ee Soomaaliyeey, armay maanta ku habboon tahay, inaan raggan iska qabanno?.

Dhanka kale, dawlado reer Yurub ah, ayaanba ku bixin dhalashada shan sano, ama kuba baxsha shantaa oo shuruudo lehe, sidey ku dhici kartaa dal G8 [Dawldaha warshadaha ku hormaray] ku jira, sida Italia, in dhalashada lagu helo toban sano oo degaansho ah, annagu aan shan sano oo daganaashao ah ku bixinno? Aniga iima cuntamin, aqriste, adna?.

Waxaan gudcur ku jirin oo aan u baahnayn hillaabasho, in guddigan iyo kuwa la mid ah, ay dalka ka dhigayaan mid aan la kala xigin. Ma kuu joogaan Gaangaystarro aad isaga maaro waysay, waa laguu hayaa halkii aad gayn lahayd, waa Soomaaliya. Ma leedahay kooxo Calooshood u shaqaystayaal ah, waa laguu yaqaan meesha aad ku beeri lahayd, waa Soomaaliya. Ma ku xiran tahay MAFIYA, waa laguu yaqaan meesha ay mashaariicdiinnu ka hirgalayaan, waa Soomaaliya.

 XAALADA KALA GUURKA Q:2aad

Haddaan qaybtii hore oo qormada uga hadlay; Arar, Marxaladda kala guurka ah, Guddiga Dastuurka, iyo qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah, ayaan qaybtanna ku sii qaadaa dhigayaa, wali qaybo ka mid ah Dastuurka, Dastuurro is diiddan iyo Dastuur duran. Haddaba qaybtii labaad ee qormada waa tane, ka bogasho wacan.

Xuduudaha dadlka

Qodobka kale ee Dastuurkan qabyo qoraalka ah ku jira, ee u baahan in la iftiimiyo ayaa ah Xuduudaha dalkaDastuurkan qabyo qoraalka ah, laguma qeexin soohdimaha dalka, halka lagu caddeeyey Dastuurkii Dawladdii 1960-kii, ee la qoray maalmihii xorriyadda, Dastuurkii Dalwaddii Carta ee 2000-dii ee laguu soo dhisay Jabuuti, ee C/qaasim Salaad Xasan madaxweyne ka haa iyo Dastuurkii 2004-tii ee DKMG ee lagu soo dhisay wadanka Kenya, ee C/laahi Yuusuf madaxweyne ka ahaa. Arrintan waxaa xoog u yeelaya, in Soomaaliya aysan ku qanacsanayn xuduudihii uu gumeysigu ka tagay, doodna ay ka qabto, wixii dalka dawlado soo marayna marna aysan aqbalin. Haddaba, jihooyinka soohdimahaJamhiiriyadda Soomaaliyeed waxaa lagu qeexaa sidan:

-Waqooyi, waxaa kaga beegan: Gacanka Cadmeed

-Waqooyi Galbeed, waxaa ka xiga: Jabuuti

-Galbeed, Waxaa kaga aaddan: Itoobiya

-Koofur iyo Kuufur Galbeed, waxaa ka jira: Kenya

-Bari, Waxaa kaga dayran: Badweynta Hindiya

Caasimadda Muqdisha

Qodobka kale ee Dastuurka qabyo qoraalka ah ka mid ah, ee isna u baahan in la qeexo ayaa ah:Caasimadda Muqdisha, weydiintuna tahay; sidee laga yeelayaa? Dabcan waan filaa, in loo wada joogay murankii laga keenay Muqdisha, intii uu socday Shirkii Garoowe 2, heer la isla gaaray, in ergadii Martida loo ahaa, ay shirka isaga baxaan, marti caroonaysa, oo ergo u fadhida goobta ku bannaysay, xeer ma ka yaal? Hadduu ka yaal, muxuu yahay? In lala tiigsado raggii ku xadgudbay mudan.

Weydiinta u horraysa ayaa ah, maxaa mar walba muran loo galshaa, maqaamka Muqdisha? Magaalooyinka wadanka ugu waaweyn hadal lagama keenee, maxaa Muqdisha kaliya dooddeedu u dhalataa? Kismaayo, Hargaysa, Garoowe iyo magaalooyinka la midka ah, marna ma maqalno muran ku aaddane, maxaa Caasimadda Muqdisha mar walba looga murmaa? Hubaal in ujeed ka dambeeyo.

Mid waan filaa inaan muran ka jirin, in deegaan walba dad leeyahay, xitaa kuwooda bannaan, ee aan markaa la daganayn, aan bal tusaalo ku muujiyo, gobollada dalka, dhammaan lama wada degana, bal Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada “Lama dagaanka ah” ma ahan in dhulkeennu Saxare yahaye, ee maadaama dad ahaan aan aad u yarnahay, dhulkuna aad nooga weyn yahay ayaa sidaa loo yiri.

Haddaba, haddii dhulku naga soo harayo, mayee, aanba ka deggan nahay wax aan dhammayn 13%, maxaa keenay in deeganno la isku qabqabsado? Kumaba sii jirto, haddii is qabqabsigu keenay, in dhul dad leeyihiin la dhaafinayo, sidaa awgeed, Muqdisha dhul ahaan, hubaal in dad leeyahay, Caadimad ay noqotana, dadkii dhulka lahaa kuma weyn karaan.

Maxaa yeelay, sida Dhuusamareeb dad u leeyihiin, ayaa Muqdishana dad u leeyihiin, haddii la yiraa: Muqdisha lama kala xigo, oo waa caasimaddii dalka, saw ma noqonayso: “Waxayga anaa iska leh, waxaaga kula ihi” Micnaha sida Dhuusamareeb dad u leeyihiin, ee aan lala wadaagin, saw ma ahan in Xamarna sidaa noqoto? Taa kama dhalanayso inaysan ahayn caasimadii dalka.

Dhanka kale, waaba su’aale: Miyeysan dhici karin, in Xamar Caasimad ahaato, maamulna ay yeelato, dadna yeeshaan? Weydiinta aan si kala u dhigo: Miyey is diidayaan caasimadnimada Muqdisha iyo Maamul cidi leedahay inay isla noqoto? Wallee Soomaali looga maara waa; sadbirsi iyo xerataraar!

Haddaba, miyeysan habboonayn, inaan dadka la sii kala dilin? Illeen Carrab ku celcelinta Caasimadda Muqdisho dadaa ku sii durgayee, waa haddii la tixgalinayo muwaaddinnimo, walaaltinimo, wadanoolaasho, darisnimo iyo xigaalnimo, haddii kale, colaadda meeshii laga damin lahaa, ha la sii huriyo, wixii laga dhaxlo, yaanba wax la iska siin!

Dastuurro is diiddan

Marka laga soo tago qaab qoraalka Dastuurkan qabyo qoraalka ah, ee la doonayo in dadka lagu siro ama lagu socodsiiyo, waxaa jira Dastuurro kale, oo wadanka ka jira, oo aan aad uga duwanayn midkan hadda la soo wado iyo kuwii horay u jirayba, dabcan waxaa kaw ka ah kan Somaliland, haddana, ma qodobaynayo, illeen iyagu waxayba sheegteen inay dalka ka go’een, una dhaqmayaan sidii dawlad madax bannaan oo kale.

Midse aan caddeeya, in Dastuurka Somaliland yahay Dastuurka qura ee xalaal lagu tilmaami karo, ee looga dhaqmo gudaha Soomaaliya, xalaal waxaan u iri, waa Dastuurka qura, ee afti dadweyne lagu meelmariyay, waxaan wada xusuusannaa kumannaankii Suulka qadda ku wada lahaa, ee Waayeel iyo Dhallinyaro, Rag iyo Haween, Masuul iyo Muwaadinba ka sinnaa, kaliya ma ahan, ee waa Dastuurka qura ee aan qol mugdi ah lagu madiidin, ama toboneeyo aan cidna matelin loo xilsaarin meelmarintiisa, waa tii la yiri: “Xalaal barqaa la quutaa” iyo “Hillaac biyihiisuu caddaystaa”.

Balse, layaabka ayaa ah marka aad akhriso Dastuurka Maamulka Puntland ansixiyey, waxaad arkaysaa wax marna kaa qosliya, marna kaa yaabiya, mudane Faroole inuu sanad kordhistay ka sokow, waxaa Dasturka ku qoran qodobbo la yaab leh, haddaba aan tusaaleeyo:

Magac bixinta:

Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa kane aqriste ila eeg: “Dawladda Puntland ee Soomaaliya” Waaba weyndiine, ma dawlad goboleed baa? Mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad kale ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican”ka, ee ku taal Roma ee wadanka Italay, iyana iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey ku samaysan tahay.

kheeyraadka Dabiiciga qodobka 53aad waxaa ku sheegan:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. Haddaba weydiinta ayaa ah:Puntland ma gobol Soomaaliya ka tirsan baa? Mise waa dawlad madax bannaan?.

2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah. Mar kale weyndiinta ayaa ah: Puntland inay sheegato awooddii dawladda dhexe, ma saxbaa?.

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah. Mar kale, oo haddaa dawladda dhexe maxay ku qaybsan tahay?.

Aqriste, adoo maanka ku haya qodobka Jinsiyadda ee ku jira Dastuurka qabyo qoraalka, bal Dastuurka Puntland sida uu uga hadlayo eeg, “dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland” Waaba weydiine, Qabiil qura Jinsiyad ma qaybin karaa? Maya, horta isagu ma yeelan karaa? Maya, Puntland ma qabiilbaa mise wa qaran? Maya, Puntland ma dawladbaa mise waa maamul goboleed?

Meesha maradu uga dhacday –aan ka soo amaahdo Shariife- waa sida la isu qabadsiinayo labada Dastuur, kan Puntland meel marisay iyo midkan qabyada ah ee la soo wado, aqriste bal sida ku qoran Dastuurka Puntland eeg:

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno Sharci yaqaanno  iyo Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan Dastuurka Puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.

2. Inta lagu dhammaystirayo Dastuur Federaal ah oo Puntland ansixisay, dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyo, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madax bannaan.

Waaba su’aale, hadday madax bannaan yihiin, maxay Soomaalida inteeda kale u labayaan? Maa sida Somaliland bannaaka iska joogsadaan? Waa yaab, mana nala joogaan, mana na dhaafsana, aqriste, bal labadaa wax u dhexeeya miyaad ogtahay? Illeen maahmaahda ayaa ahayd: “Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa yacyacood”.

Midda meesha ku jirta ayaase ah, maxaa Somaliland guddi ay ku jiraan iyagu loogu dirayaa, iyaga ayaaba u baahan wax guddi  u diree, oo ka keena inay go’een iyo inay gayiga Soomaali la wadaagaan?.

Dastuur duran.

Dastuurkan qabyo qoraalka ah, ee DKMG ah soo waddo, marka laga soo tago qaab darradiisa iyo qodobada is diiddan ee ku jira ama ku qoran dastuurrada kale ee dalka laga hirgaliyey, waxaa jira aragtiyo kala duwan oo laga baxshay, ayna ka dhiibteen qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, siyaasiyiin, aqoon yahanno, garsoorayaal, sharci yahanno, qareenno iyo aqoon yahanno, oo dhammaan wada muujiyeen walaaca iyo walwalka ay ka qabaan dastuurkan oo sidan lagu dhaqangaliyo.

Ra’isul wasaare Gaas oo muddo sii horreesay ka badbaaday qaarijin sida hadalka loo dhigay, hoygiisiina ka huleelay, waaba hadduu hurdee, ayaa maalmahaan Wardigiisu noqday ansixinta dastuurka, goob walba, iyo goor walba wuxuu ku celceliyaa in dastuurka la qaato, dabcan waa sida uu jecel yehee, siyaasina waa yehee, wali iskuma dayin inuu dadka ka qanciyo qodobada dareenka dhaliyey dooddana keenay, taa badalkeed, wuxuu fekerkiisa isugu geeyey kaliya inuu naadiyo in dastuurka la qaato.

Dhanka kale, waxaa isa soo tara cabashada laga muujinayo dastuurka iyo cod dheerida lagu diiddan yahay, haddana cid codkaa maqasha ama isku dayda inay dhagaysato ma jirto. Aan ka billaabo inay si toos ah beelo Soomaaliyeed uga horyimaadeen dastuurkan, iyagoo sheegay inaan dan Soomaali iyo mid samaanba lagu saabayn dastuurka, yaan lagu xugmin beeshii diidda dastuurkan dawlad diid, illeen maqalka eragan ayaa nagu batay dharaarahan, qofkii aragtidiisa cabbirana noqonayo dawlad diid iyo qaswade, aniga iima bixin!

Isla sida ay beelahaa Soomaaliyeed u diideen, waxaa iyana u diiday dastuurkan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Mudane Cali Khaliif Galayr aasaasaha Maamulka “Khatuma State” wuxuuna sheegay dastuurka oo sidan lagu hirgaliyaa inaysan dan ugu jirin umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, isla duridda dasturka waxaa isna docda fog ka soo far fiiqay mudane Faysal Cali Waraabe, oo sheegay inuusan Soomaalina anfcayn, Somalinad uusan waxna u tarayn.

Ujeedka ma ahan in druid iyo dacaayad kaliya loo joogo, balse, maadaama dadkii dhagaha laga laga furaystay, ayaa qof walba kalkiis hadlay, haddii la leeyahay yaan la hadlinna waaba mid kale.

 

Posted on April 27, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: