Dawlada Turkiga oo Cadeysay Ujeedooyinka Siyaasadeed ee ay Somaliya ka leedahay

Istanbul  27 Apr. 12 (MMG)—Dawlada Turkiga ayaa markii ugu horaysay ka hadashay danaha siyaasadeed iyo ujeedooyinka ay ka leedahay dalka Somaliya oo ay mudooyinkan dambe taageero siyaasadeed iyo hawlo samafal ah ka waday, kuwaasoo ay ku maal-gelisay lacag qadarkeeda lagu sheegay 3.5 Milyan Dollar.

Afhayeen u hadlay dawlada Turkiga oo Magaciisa lagu sheegay Selcuk Unal ayaa sheegay in dawladiisu ka damqatay dhibaatooyinka daba dheeraaday ee haystay dalka somaliya, isla markaana ay guntiga dhiisha iskaga dhigtay sidii ay Indhaha Caalamka ku soo jeediso somaliya si loo sii wado hawlaha gargaarka ah ee ay u baahan yihiin shacbiga somaliyeed, laakiinse aanay wax ujeedooyin ah oo dahsoon ka lahayn dalka.

Hadalka afhayeenka ayaa ka dambeeyay Dareeno isa soo tarayay oo la xidhiidhay ujeedooyinka Turkigu ka damacsanyahay somaliya mustaqbalka, waxaanay dareenadaasi ka dhasheen mucaawimooyinka xad dhaafka ah oo ay u fidinaysay Somaliya, kuwaasoo lagu fasiray in Turkigu doonayo inuu Gumaysi ku celinayo Somaliya “Turkigu wax u jeedo ah oo qarsoom kama laha somaliya, laakiin waxa kaliya ee aanu doonaynaa waxay tahay inaanu caawino shacbiga somaliyeed ee dhibaatooyinku haysteen labaatanka sanadood, kuwaasoo aanu u hawl galnay sidii aanu caalamka ugu dhiiri gelin lahayd in la taageero oo aan laga daalin gargaarka loo fidinayo”ayuu yidhi.

Ninka u hadlay Istanbuul waxa kale oo uu sheegay in shacbiga Turkiga iyo dawladoodu isu kaashadeen inay caawiyaan somaliya “shacbiga Turkiga iyo dawladooduba waxay isu kaashadeen sidii ay u caawin lahaayeen somaliya, waxaanay ugu deeqeen 3.5 Milyan oo laga soo uruuriyay dadka reer Turki, waana tii Raysal-wasaaraha Turkiga uu u booqday Muqdisho si uu uga midho dhaliyo taageerada dawlada Turkigu u fidinayso Somaliya, sidaasi awgeed lama odhan karo dawlada dano gaar ah ayay ka leedahay”ayuu yidhi, isagoo si gaar ah u bartilmaameedsaday dhawr qodob oo uu daliil uga dhigay dooda dawladiisu ka qabto hadal-haynta soo baxay “doorka dawladda Turkiga ee Soomaaliya uu waa mid muddo fog oo afar qaaybood oo kala ah; (1) kordhinta wacyiga beesha caalamku ka qabto xaaladda Soomaaliya, (2) Dib u dhiska Soomaaliya, (3) Gacan ka gaysashada xasilinta dhinaca amniga iyadoo la kordhinayo gargaarka bani’aadminnimo. (4) iyo inay gacan ka gaysato dadaallada lagu raadinayo xasillooni siyaasadeed”ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu cadeeyay in dawladda Turkigu ay martigelinayso shirka Soomaalida ee bisha Juun ayna la hadli doonto cid kasta oo danaynaysa arrimaha Soomaaliya, siina wadayso gargaarka si ay ugu suurtogahso cid kasta ama qayb kasta oo wax ku leh waddanka inay wada hadlaan.

Kooxda Alshabaab ayaa bilihii la soo dhaafay Turkiga ku eedaysay inay Gumaysi la damacsantahay Somaliya, uguna baaqday shacbiga somalida inay ka hortagaan dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee ay ka wadaan Somaliya Turkiga iyo wadamada Reer Galbeedku, waxaanu hadalkaasi dareen adag ku abuuray qaybo ka mid ah Bulshada Somaliya ee u dhego-nugul dhawaaqyada Ururka Al-shabaab.

Moment Media Group

Posted on April 28, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: