Indha-cadde oo ka digay Afgambi uu sheegay inay wadaan Gaas iyo Wasiiradiisa

Muqdisho APRIL 27, 2012 -Jeneral Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde ayaa ka digay afgambi Ra’iisul wasaare Gaas iyo golahiisa Wasiirada ay ku qabsadaan Soomaaliya, isagoo dhinaca kale ku baaqay banaanbaxyo ka dhan ah Dasuutka la doonayo in lagu ansixiyo Magaalada Muqdisho.

Isagoo ka qeyb galayay Barnaamijka Doodda Jimcaha Shabelle Jeneral Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde oo ka tirsan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka digay afgambi Soomaaliya ay ku qabsadaan Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas iyo golahiisa Wasiirada.

“ Xukuumadda waxaan ugu digayaa Awood maroorsi oo meeshii ay doonaan ay ka bilaabeen, meeshii ay doonaanna ay ku dhameeyaan, Beesha Caalamka waxaan u sheegayaan in arintaasi ay arkaan gacanna ay ku yeeshaan oo ay soo fara galiyaan” sidaasi wax yiri Indha cadde. Mar uu ka hadlayay Hadal kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Gaas oo ahaa in dadka diidan Dastuurka ay yihiin kuwa Isbaaristayaal ah ayaa waxa uu ku jawaabay.

“  Hadalka Ra’iisul wasaaraha haddii aan ka jawaabo waxa uu noqonayaa waxaana garan karin laakiin Ra’iisul wasaare Waxna waan qornaa waxna waan aqrinaa, qoryana ma sidano Isbaaristena ma nihi waa dimuqraadiyad waa hadleynaa, ma tihid kacaan, kuma imaan Xabad meesha, dadkii aad ka dhalatay ee Puntland oo aad wakiilka ka aheyd xalay waa kuwii kaa hadlaayay oo lahaa anaga nagama wakiil aha adiga naftirkaaga ayay ku dheheen naga wakiil maahan, adiga yaad juujuubaysaa, yaad juujuubi kartaa, ha caytamin hadalada aad ku hadleyso Dhiigayaga ayay kicinayaan, waxna waan qornaa waxna waan aqrinaa, haddaad rabto Jaamacad furo oo Imtixaan aad nooga qaaddo” sidaasi wax yiri Jeneral Indha-cadde.

Ugu dambeyn ayaa Jeneralka waxa uu sheegay in Madaxda DKMG ah ay qayaaneen sida uu hadalka u dhigay dalka, dadka iyo Diinta, isagoo waano u jeediyay, isagoo dhinaca kale ku baaqay banaanbaxyo ka dhan ah Dastuurka oo uu sheegay in uu yahay mid kasoo horjeeda Diinta Islaamka.

Posted on April 28, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: