Kulan ay isugu yimaadeen Culimo, Siyaasiyiin, waxgarad oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,


Mogadisho 28.04.2012 (MMG) – 
Kulan maanta ay isugu Yimaadeen Cilimo ka tirsan Hay’adda Culumada Sooomaaliyeed, waxgarad, Siyaasiyiin, Odoyaal iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, Culimada Hay’adda ayaa sheegay in Dastuurka uu yahay mid salka ku haaya Gumeysi Daahsoon laguna doonaayo in Shacabka soomaaliyeed Dib loogu celsho Gumaadkii Talyaaniga uu ku haanjiray, Culumadda iyo siyaasiyiinta isugu imaaday Kulanka ay wax kama jiraan ku tilmaamay Dastuurka Cusub waxa ayna sheegen in Dastuurkaasi uu yahay mid ay soo sameeyeen Mahiiga iyo Dowladda Ugandha oo iyagu doonaaya in umadda soomaaliyeed loo gacan galsho Gumeeysiga Sida ay sheegen Culimada iyo Siyaasiyiinta kulanka qaadatay.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayey kulankaasi ayaa ka hadlay aragtidooda ku aaday Dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya ay sheegtay in la dhamays tiray, waxa uuna beeniyay Sheikh Bashiir in Dastuurka uu yahay mid qabya ah oo ilaa iyo iminka la dhameystirin halka Dowladda Soomaaliya ay iyaduna ka shaacisay in Dastuurka ay dhameestireen islamar ahaantana wax yar ay ka badaleen

Si kastaba ha ahaatee Sheekh Bashiir Axmed waxa uu tibaaxay in dastuurka uusan ku imaan hab lagu talagalay ama laga qeyb galiyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed , wuxuu intaa ku daray in dastuurka ay hormuud ka noqdeen Hay’ado iyo shaqsiyaad uu sheegay inay ajnabi yihiin maalgalintana ay iyagu leeyihiin, Sheikh Bashiir iyo Siyaasiyiinta kulanka ka hadashay ayaa qalink ku duugay maanta in Dastuurkaasi uu yahay mid lagu sameeyay mala awaal islamarkana lagu doonaayo in lagu raali galiso dowladaha Galbeedka hayeeshe ay qalinka ku duugen in uunan ka shaqeyn doonin Dalka soomaaliya, waxa ayna sheegen hadii la dhaqan galiyo Dastuurkaasi ay ka dhalan karto Foodo aan laga kabsan.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayey kulankaasi ayaa ka hadlay aragtidooda ku aaday Dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya ay sheegtay in la dhamays tiray, waxa uuna beeniyay Sheikh Bashiir in Dastuurka uu yahay mid qabya ah oo ilaa iyo iminka la dhameystirin halka Dowladda Soomaaliya ay iyaduna ka shaacisay in Dastuurka ay dhameestireen islamar ahaantana wax yar ay ka badaleen

Si kastaba ha ahaatee Sheekh Bashiir Axmed waxa uu tibaaxay in dastuurka uusan ku imaan hab lagu talagalay ama laga qeyb galiyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed , wuxuu intaa ku daray in dastuurka ay hormuud ka noqdeen Hay’ado iyo shaqsiyaad uu sheegay inay ajnabi yihiin maalgalintana ay iyagu leeyihiin, haddaba dawladda qeelodhaan ayee ku jirtaa si ee maalgelin ugu hesho meelmarinta  dastuurka sida ku cad hadalka ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya . Sheikh Bashiir iyo Siyaasiyiinta kulanka ka hadashay ayaa qalink ku duugay maanta in Dastuurkaasi uu yahay mid lagu sameeyay mala awaal islamarkana lagu doonaayo in lagu raali galiso dowladaha Galbeedka hayeeshe ay qalinka ku duugen in uunan ka shaqeyn doonin Dalka soomaaliya, waxa ayna sheegen hadii la dhaqan galiyo Dastuurkaasi ay ka dhalan karto Foodo aan laga kabsan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Caalamku ay la daaheen dhaqaalihii lagu fulin lahaa Roadmap-ka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in xukuumaddu ay dadaal ugu jirto dhameystirka Roadmap-ka oo ah jidkii looga bixi lahaa xilliga KMG ah, balse wuxuu sheegay in beesha calaamka ay ka gaabisay bixinta dhaqaalihii lagu fulin lahaa heshiiskan.

Mudane C/weli Gaas wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay dadaal xooggan gelisay fulinta qodobbadii ugu muhiimsanaa Roadmap-ka kuwasaoo ay ka mid yihiin: isku xirka DKMG ah iyo maaml-goboleedyada, soo celinta ammaanka, dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo qodobbo kale, balse beesha caalamku aysan bixin dhaqaalihii ay horay u ballanqaadeen si heshiiskan lagu fuliyo.

“Xukuumadda KMG ah dadaal badan ayay gelisay sidii uu ku fuli lahaa Roadmap-ka, balse beesha calaamka ayaa waxay ka gaabiyeen inay bixiyaan dhaqaalihii lagu fulin lahaa heshiiska, inkastoo ay dhinaca siyaasadda ka taageereen heshiiskan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli.

Heshiiska Roadmap-ka oo lagu gaaray Muqdisho bishii September ee sannadkii hore ayaa ka kooban afar qodob oo waaweyn kuwaasoo ay ka mid yihiin; nabadgalyada, dowlad-wanaagga, dib u habeynta baarlamaanka iyo in laga gudbo xilliga KMG ah oo lagu soo shaqeynayay sideed sannadood.

Ra’iisul waasaraha oo ka hadlayay inay jiraan dad kasoo horjeeda dastuurka ayaa wuxuu sheegay in taasi ay sababtay aqoon-darro, balse loo baahan yahayy in si dhab ah loo eego qodobbada dastuurka.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka ayuu sheegay inay taasi u xilsaaran yihiin hoggaamiyeyaasha beelaha Soomaalida, isagoo sheegay inaan la ogolaan doonin mas’uul aan la isku raacsanayn oo beelaha ka tirsan inuu qayb ka noqdo xubnaha soo xulaya mudanayaasha cusub.

Xukuumadda KMG ah oo xilligeeda uu ku egyahay bisha Ogoosto ee sannadkan ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii uu isbedel uga dhici lahaa dalka, waxaana madaxdeeda ay dhowr jeer oo hore ku celceliyeen in isbedelku uu dhacayo xilligii loogu talogalay.

Jeneral Indha Cadde “Adiga yaad jujuubaysaa, yaadna jujuubi kartaa, ha caytamin hadalada aad ku hadleyso Dhiigayaga ayay kicinayaan”

Jeneral Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde ayaa maanta hadalkii ugu kululaa ebid warbaahinta muqdisho umariyay Ra’iisul wasaare Gaas iyo golahiisa Wasiirada waxa uuna sheegay in ay doonayaan in ay dalka ku qabsadaan afgambi, isagoo dhinaca kale ku baaqay banaanbaxyo ka dhan ah Dasuutka dhawaan lagu ansixin doono Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Janaraalka ayaa xukuumadda Soomaaliya uga digay Awood maroorsi kana codsaday beesha Caalamka in arintaasi ay arkaan gacanna ay ku yeeshaan oo ay soo fara galiyaan.

Janaraal Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde mar uu ka jawaabayay hadalkii maalin dhaweyd kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas ee ahaa dadka diidan Dastuurka ay yihiin kuwa Isbaaristayaal ah ayaa waxa uu yiri.

“Ra’iisul wasaare Gaas ha ogaado Waxna waan qornaa waxna waan aqrinaa, qoryana ma sidano Isbaaristena ma nihi waa dimuqraadiyad waa hadleynaa, ma tihid kacaan, kuma imaan Xabad meesha, dadkii aad ka dhalatay ee Puntland oo aad wakiilka ka aheyd xalay waa kuwii kaa hadlaayay oo lahaa anaga nagama wakiil aha adiga naftirkaaga ayay ku dheheen naga wakiil maahan, adiga yaad juujuubaysaa, yaad juujuubi kartaa, ha caytamin hadalada aad ku hadleyso dhiigayaga ayay kicinayaan, waxna waan qornaa waxna waan aqrinaa, haddaad rabto Jaamacad furo oo Imtixaan aad nooga qaaddo” sidaasi wax yiri Jeneral Indha-cadde.

Isku soo duuboo hadalka Jeneralka ayaa imaanaya isbuuc kadib mar ay isku yimaadeen dhamaan Aqoonyahannada,Siyaasiyiinta,Qurba joogta,Saraakiisha beesha habar-gidir kuwaa uu ku baaqay in dastuurka cusub dad gaara wataan sidoo kalena isku raacay maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Soomaalia.

Puntland Wax Yar Baa Kaga Harsan In Ay Safiiro Magacawdaan, Ha Sheegtaan In Ay Go’een, Waan Ugu Samreenaa Batroolka Iyo Macdanta [Dood]

 
Sat, Mar 31st, 2012 – Xubno isugu jira sharciyaqaanno, aqoonyahanno & waxgarad ka tirsan qeybaha bulshadda ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan kaga jawaabay dood loo qabtay oo ku saabsan sida ay Puntland isugu gaar yeeshay ololaha lagu sameynayo dastuurka cusub ee loo madlan-yahay in loo sameeyo Soomaaliya, waxaana ay badi aqoonyahanadani oo ka soo jeeda gobolka Banaadir ay qireen in Puntland ay ka soo galeyso sameynta dastuurka habka 4.5 ee lagu saleeyey awood qeybsiga dowladda, ayna la saami tahay beelaha kale ee Soomaalida, balse ay iminka u muuqato in ay hor boodeyso beelaha kale ee Soomaalida.

Xubnaha aqoonyahanadda ah ee ka hadlay dooda, oo kulankoodu uu ka dhacay hotel Saxafi 2 waxey intooda badan isku mowqif ka istaageen sida loo damin karo hamiga ay Puntland ku dooneyso in ay keligeed go’aan ka gaarto masiirkii ummadda Soomaaliyeed, waxaana ay aqoonyahanadii u soo jeediyeen dowladda inay arrintaasi ku baraarugto.

“Waxaa ay sheegeen guddiga dastuurka in Puntland ay noqoto hooyada federaalka, waxaana Puntland loo aqoonsaday qoladii u horreysay ee federaalka aasaasta waxaana kelmadaha la adeegsaday ka mid ah curadkii federaalka, waxaa loo aqoonsaday dowlad oo lama dhihin maamul goboleed” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka qeybgalay dooda, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in haddii loo ansixiyo in Puntland ay wax ku qeybsato 8 gobol in taasi ay noqoneyso gef aan garowshiiyo laheyn.

“Dastuurka cusub wuxuu qorayaa in Puntland kheyraadka dhulkeeda ka soo baxa ay keligeed leedahay,, wixii dhulalka Soomaalida ka soo baxana ay 25 percent ku leedahay” ayey tiri gabar ka mid aheyd dadkii dooda ka soo dhex muuqday.

“Dastuurka sida loo qorsheynayo haddii loo sameynayo waa si ay faa’iido ugu jirto Puntland, wax yar ayaa kaga dhiman in ay tiraa waxaan wakiilo ku yeelaneynaa dibedda wakiiladaasoo barbar socda kuwa dowladda federaalka, Puntland been yeysan noo sheegin waan go’nay ha tiraa oo sida Somaliland ha cadeystaan, annaga xittaa waan ugu faataxeyneynaa in ay tagaan, batroolaa sheegtee ha laga helo macdanta adduunka ugu qaalisan” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii dooda ka qeybgalay wuxuuna xusay in sed bursigu yahay kan araxda jebiyey in Soomaaliya ay hesho.

Waxgaradka Mudulood Oo Diiday Dastuurka Cusub (700 oo qof)

Waxaa maanta ka dhacay hotel Naasa-Hablood2 shir balaaran oo ay isugu yimaadeen xildhibaano, aqoonyahay, waxgarad, Malaaqyo iyo Ugaasyo kasoo jeeda beel-weynta Mudulood, waxayna shirkaas uga wada hadleen qaabkii ay beeshu u wajihi laheyd Dastuurka cusub iyo dowaladda KMG Soomaaliya oo ay sheegeen inay dhaliilsan yihiin qaabka ay wax u wado.

Dadka ka qeyb galay shirkan ayaa waxa ka mid ah xildhibaanada kala ah Salaad Cali Jeelle, C/lahi Geedi Shadoor, Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Filish oo uu wehliyo Malaaq Cali Malaaq Showri iyo Ugaaska Ina Cali-Ugaas, waxayna si duuduub ah u diideen dastuurka qabyo-qoraalka ah ee la damacsan yahay in laga hirgaliyo Soomaliya bisha Agoosto. Waxay kaloo eedayn dusha uga tuureen qaabka Road-Map-ka iyo hadalkii kasoo yeeray madaxweyne Shariif Sh. Axmed ee uu ku sheegay inaan loo baahan doonin xildhibaanada dhawaan.

Shirkan oo goor dhow soo gabagaboobay ayaa isku raaceen ergooyinkaas oo gaarayay 700 oo xubnood ayna ka mid ahaayeen qorba-joogta beesha in beesha Mudulood ay qaadacday gebi ahaanba Dastuurka ayna u aqoonsadeen inuu yahay mid aan u suuban shacabka Soomaaliyeed.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii sidaan oo kale ergooyina gaarayay 500 oo ka soo jeeda beesha Habargidir ay sidaan oo kale u qaadeceen Dastuurka cusub, waxana muuqanaya xaalad adag oosoo wajaheysa dowladda KMG inkastoo ay dowladu ku faraxan tahay go’aamada noocaan oo kale ah maadaama ay quudaraynayso in sanad kale loogu kordhiyo waqtigeeda oo ka dhacaya bisha Agoosto.

Dastuurka qabyo qoraalka aayan la jaan qaadi karin laguna dhaqi karin umada somalida dhaqankeeda,diinteeda iyo dadnimadeeda

Friday, April 27, 2012 – Dastuurka qabyo qoraalka uu yahay dastuur umada somali aayan la jaan qaadi karin laguna dhaqi karin ayuu hadana shacabkii lagu dhaqli lahaa leeyahay aqoon ma laha,haddii aay diideen kuna qeexeen in dastuurka qabyo qoraalka uusan la jaan qaadi karin umada somalida dhaqankeeda.diinteeda iyo dadnimadeeda sow xaq uma laha in aay diidaan iyada oo la ogyahay in uu uu ku qanacsan yahay Puntland dastuurkii lagu ansixiyay oo dhigayay waa in qofka Puntland ahi uu qaataa jinsiyada Puntland halka qabyo qoraalka uu leeyahay cutubka jinsiyadaha qodobka 11 aad :

Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.,xagee maskaxda ka qaldan tahay ? Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeesatay Dastuurka qabyo qoraalka,xisbiyada siyaasada u dhuun duleela ee dhisan ayaa diiday,qabiilada koonfur oo dhan ayaa diiday una arkay sadbuursi iyo xaqdaro sidaasi darteed ma dhihi karnaa aqoon ma laha umadaas somaliyeed ,isbaaro ayeey dhiganayaan,nin xishoodaa sidaasi kuma hadlo balse maskax jiran ayaa sidaasi ku hadasha, haddii aad dib u fiiriso qodobada dastuurka qabyo qoraalka iyo midka Puntland lagu ansixiyay waa kaaf iyo kala dheeri,dib u aqri qabyo qoraalka iyo dowlad-goboleeydyada xeerarka ama mabaadiida aay isgu imaan karaan.

Qabyo QoraalkaQodobka 141aad-Mabaadi’da Dastuurrada Dawlad-goboleedyada

(2) Dastuurrada dawlad-goboleedyadu waa in ay raacaan mabaadi’da guud iyo qaabdhismeedka Dastuurka federaalka..Puntland iyo Somaliand miyeey waafaqsan yihiin qodobkaa xaqiiqdii waa maya. Qodobka 142aad-Samaynta Dastuurrada Dawlad-goboleedyada (1) Dawlad-goboleedyadu waa in ay kala tashadaan Dalwadda federaalka ah qorshaynta qaabka iyo habraaca samaynta dastuurradooda. Miyaa lagala tashaday dastuurka Somaliland iyi Puntland dowlada federaalka xaqiiqdii waa maya.

Qodobka 172aad-Xadididda Wax-ka-beddelka Dastuurka

Lama soo jeedin karo wax-ka-beddelid qodobbada dastuurka toddobada sano (7) ee ugu horraysa dhaqangalkiisa, marka laga reebo wax-ka-beddelidda lagama-maarmaanka u ah fududaynta ka-sooqaybgalka buuxa ee Soomaliland iyo Puntland ay uga soo qaybgalayaan nidaamka Federaalka.Somaliland iyo Puntland miyeey ka fadli badan yihiin somalida kale maxaa sabbabay in si gooni ah loogu fadli yeelo umada somali ee kale.7 sanno ayeey umada ka horeeyaan Somaliland iyo Puntland marka qodobkaan la fiiriyo,sabbabta oo ah 7 sanno ka dib ayaa d.goboleedyada dhismaya la aqoonsan.

Qodoboka 7aad Dhulka Dowladda

1. Gobannimada Jamhuuriyadda soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, ururkooda, hawadooda iyo geyi-qaaradeedka.Qaran somali oo mid ah miyaad haysaa maanta mise Somaliland oo goday iyo Puntland oo ku dayatay ayaa jira. 2.Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.Somaliland iyo Puntland dastuurka aay ansixiyeen waa dowlad madaxbanaan awooda dowladnimo iyo in aay xiriir la sameeyn karaan caalamka oo dhan ,shirkadaha qeeyraadka baara iwm .

Dastuurka qabyo qoraalka waxaa qoray quburo aanan somali aheeyn laguna dhaqeeynin waxa aay qoreen balse mudan tahay in dadkii lagu dhaqi lahaa aay diidaan ama aay ogolaadaan sharciga aayaha lagu dhaqi doono,maxaa umada loo caburinayaa oo looga hanjabaya in la ansixiyo,xaqiiqdii weligeed lagama baxayo ku meelgaar balse awood ayeey yeelandoontaa dowlada cusubi haddii la dhaqan geliyo dastuurka cusub walow dastuurka uu yahay mid awood faro badan sii naayo Puntland iyo Somaliland,sabbabta oo ah heshiisyada caalamiga ah ee dowlada awooda u lahaan laheeyd in aay la soo gasho caalamka ayaa waxaa qasab ah in dowlad-goboleeydyada aay qeeyb ka yihiin heshiiswalba oo caalami ah 50% ,dastuurka qabyo qoraalka marna awood ma siinaayo dowlada dhexe arimaha xiriirka dibada iyo difaaca dalka,dadka iyo diinta balse awooda waxaa leh dowladgoboleedyada.dib u fiiri dastuurka Puntland.

http://www.biyokulule.com/dastuurkapuntlandpart1.htm

1. Xukuumaddu waxay samayn kartaa, kana qayb-geli kartaa shirkado wadaag ah oo ay saamilay ka yihiin maalgeliyayaal waddani ah iyo kuwa ajnebi ahba.

Qodobka 53 aad KHAYRAADKA DABIICIGA AH

2.Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.

Dowlada waxaa aay soo daabacday lacag been-abuur ah oo loogu talo galay sidii loogu furdaamin lahaa dastuurka qabyo qoraalaka ,xaddiga lacagta dalka soo gashay bisha April waxaa lagu sheegay Sh.so 7.5 trillion, Puntland waxaa la siiyay Sh.So 1.5 Trillion si marka hore lacagta looga socodsiiyo shirka ansixinta dastuurka Puntland,waana aay dhaqan gashay walow la sugay odayada ansixin doona qabyo qoraalka lagu laaluusho xiliga ansixinta qabyo qoraalka,odayada Puntland waa markii labaad ee la siinaayo lacagahaas been-abuurka ah walow aay wadaan ololo xoogan sidii loo ansixin lahaa dastuurka awooda siinaayo dowlad goboleedka Puntland xiliga fog,arrimahaas murugada badan waxaa ku heshiiyey dowladda KMG iyo Puntland 21 march 2012-ka shir ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland, taas oo dhinaca Puntland uu u metelayey Madaxweynaha Puntland Faroole iyo Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Agaasimaha Bangiga Puntland Xirsi Dheere, halka dhinaca dowladda KMG ay u metelayeen r/wasaaraha C/weli iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.,arimaasi oo idil waxaa aay yihiin qayaano qaran iyo boob hanti qaran,shacabka somali quman in aay ka hortagaan hagardaamada iyo dhaawaca dhaqaalaha qaranka somali lagu hayo,qofwalba waxaa quman in uu diiwaangeliyo dhacdo-walba oo dhaawci karta qaranka somalia, culumada odaydhaqameedka indheergaradka ,aqoon yahaynka,ganacsatada dibada iyo gudaha waxaa quman in laga hortago tuugada u istaagay in qarankan aay boobaan xiliga kala guurka, una sameeysteen sharci xadgudub ku ah umada somali.

Hay’adda Culummada Soomaaliyeed oo dhaliishay Dastuurka Cusub ee Soomaaliya dalbatayna in Ansixintiisa dib loo dhigo

Sabti, Abriil 28, 2012 (HOL) — Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa dhaliil u soo jeedisay dastuurka cusub ee Soomaaliya; iyadoo sheegtay inuu yahay mid dayacaya diinta iyo dalka isla markaana aan la jaanqaadi karin wayiga ka jira dalkeenna.

Bayaan ay hay’addu soo saartay maanta oo Sabti ah ayay sidoo kale ku xustay in xubnaha hormuudka ah ka ah qoraalka dastuurka aysan ku imaan habkii lagu talogeliyay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

“Qabo-qoraalka dastuurka waxaa hormuud ka ah hay’ado iyo shakhsiyaad ajnabi ah maadaama ay iyagu yihiin kuwa maalgelinaya,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay ha’yadda culummada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, bayaanka waxaa lagu xusay in culummada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku firirsan laga tagay oo aan laga talogelin; taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid ula-kac ah oo loogu talo-galay si loo marin habaabiyo ummadda Soomaaliyeed.

Hay’addu waxay sheegtay inaan talo laga weydiin qoraalka dastuurka shacabka Soomaaliyeed iyo gobollada dalka oo dhan, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid huwan aqoonsiga kala go’a Soomaaliya iyagoo taas ku sheegay mid khatar ah.

“Xalka Soomaaliya kuma imaan karo qoraallo lagu muransan yahay ee bulshadu waxay u baahan tahay dib-u-heshiisiin, kalsooni dhisid iyo maamul hagaagsan. Sidoo klae blushadu waxay u baahan tahay in la siiyo fursad ay ku doorato habka ugu habboon ee ay ku dejisay karto dastuur ka tarjumaya himiladeeda, ilaalinayana dalkeeda iyo diinteeda,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’addu ay soo saartay.

Hay’adda culummadu waxay si aad ah u dhaliishay cutubyo dastuurka ku jira kuwaasoo kala ah: cutubka 1-aad, qodobbadiisa 1-aad iyo 2-aad, cutubka 2-aad, cutubka 3-aad, cutubka 8-aad, cutubka 9-aad, cutubka 11-aad iyo cutubka 16-aad.

“Waxaa layaab leh in qodobbada aan la bedelin karin lagu daray in haweenku ay ka mid noqon karaan dhammaan hay’adaha dowladda, iyadoo qodobbada la bedeli karo lagu daray kuwa la xiriira diinta oo ku yaalla cutubka koowaad, qodobkiisa labaad,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’addu soo saartay.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay ugu baaqday dowladda KMG ah, beesha calaamka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in la joojiyo mashruuca lagu ansixinayo dastuurka inta laga saxayo qodobbada ay culummadu dhaliileen, dadka Soomaaliyeedna fursad loo siiyo inay ka qaybgalaan habka lagu jaan-goynayo mustaqbalkooda dowladeed.

Hay’adda culummadu waxay soo jeedisay in isbedel mug leh lagu sameeyo axdi qarameedka KMG ah si waafaqsan shareecada islaamka, iyadoo loo noqnayo dastuurkii 1960-kii oo ah kii ay dadka Soomaaliyeed afti xor ah ku ogolaadeen.

Posted on April 28, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: