Maxaad Ka Taqaan Odayaasha Uu Tirtiray Ra’isal Wasaare Gaas?

27 April, 2012 – Sidii horay looga bartay siyaasada Soomaaliya waxa mar walba iska hor-imaad xoogan uu dhex maraa madaxweynaha iyo ra’isal wasaaraha xiligaas jooga. Waxaana horay loosoo arkay qilaafyo burbur ku dambeeyay oo dhex maray madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan iyo Ra’isal Wasaarayashiisii Cali Khalif Galeyr iyo Xasan Abshir Faarax, madaxweyne C/lahi Yusuf iyo Ra’isal Wasaarayaashiisii Cali Max’ed Geedi iyo Nuur-Cadde, madaxweyne Sh. Shariif iyo Ra’isal Wasaarayashiisii Cumar C/rashid, Max’ed Farmaajo iyo hada oo ay is-hayaan C/wali  Gaas.

Qilaafkan ayaa gaaray heer uu Ra’isal Wasaare C/wali Gaas inta uu qalin qaato uu gacantiisa uga tiro xubnaha odayaasha beelaha Hawiye u matalaya ergooyinka shirka 15ka Maajo isagoo ku ciladaynaya inay gacansaar la leeyihiin Madaxweyne Shariif Sh. Axmed. Taasina waxay keentay in oday ka mid ah odayaashii uu Ra’isal Wasaare Gaas ka tiray liiska Hawiye uu warbaahinta ka hadlo kana sheego ficilka Ra’isal Wasaaruhu Sameeyay.

Gudoomiyaha beelaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad oo ka mid ah ragga laga tiray liiskaas ayaa warbaahinta ka dhaleeceeyay Ra’isasl Wasaaraha wuxuna ka codsaday inuu raali galin ka bixiyo ficilka uu sameeyay. Sidoo kale odayaasha uu tirtiray Ra’isal Wasaare Gaas ayaa waxa ka mid ah nabadoon Axmed Diiriye Cali iyo nabadoon Xasan Cilmi Yaxye oo uu ku eedeeyay inay sitaan kaarar aqoonsi oo ay si toos ah ugu gudbi karaan xafiiska madaxweyne Sh. Shariif.

Posted on April 28, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: