Dr. Cali Khaliif Galeyr ”Waxaan leeyahay Dastuurka la sheegayo yaan nalagu qasbin oo turubka ha nalaga baandheeyo”

30.04.2012 – Dr. Cali Khaliif Galayr oo ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed xilalna ka soo qabtay dowladdii Kacaanka iyo dowladihii KMG ahaa ee ka dambeeyay burburka ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo dastuurka dhawaan lagu wado in lagu ansixyo magaalada Muqdisho ee ay garwadeenka ka yihiin dowladda KMG iyo Qaramada Midoobay.

Galey rayaa hadalkan ka jeediyay shalay xaflad lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in cidii diida dastuurka loogu hanjabay in ay mudan doonto xarig iyo jirdil, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Balanta waxay tahay qofka diida dastuurka in la xiro oo loo aqoonsado argagixiso kasoo horjeeda dowlad ka dhalata Soomaaliya, waxaan leeyahay Dastuurka yaan nalagu qasbin oo turubka ha nalaga baandheeyo” ayuu yiri Mr. Galeyr

Cali khaliif ayaa si kulul u sheegay in Dastuurkan aan la aqoon waxa uu yahay, waxana uu intaasi ku daray in waxaan la aqoon aan la qaadan karin, wuxuuna sheegay in qofkii ka soo horjeesta dastuurka hadii uu mudanayo xarig iyo caga jugleyn ay taasi cadeyneyso in dalka la heysto, waxaana uu eedayn u jeediyay ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya oo uu sheegay inaan la aqoon goorta ay baxayaan iyo waxay qabanayaan.

“Tan kale waxaa la yaab leh ciidamada AMISOM ee ragga haatan madaxdaah ay ku faanayaan inay wataan oo ay leeyihiin qofkii dastuurka diida iyaga ayaan u adeegsaneynaa, waa yaabe horta maxay tahay howsha ciidamada AMISOM ma inay dadka Soomaaliyeed ku qasbaan wax ay wataan dad gaar ah, mise inay u hiiliyaan waxa ay rabaan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale ma cadda waqtiga ay ciidamada AMISOM dalka ka baxyaan, runtii taasina waa dhibaato kale” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Hadalka ka soo yeeray Cali Khaliif Galeyr ayaa ku soo aadayaa iyadoo dhawaan Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas uu sheegay in dastuurka la ansixiyo ciddii diidana laga qaadi doono tallaabo sharci ah, sidaas darteed uu ugu baaqayo dadka Soomaaliyeed inay ansixiyaan dastuurka cusub bilaa shuruud.

Posted on April 30, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: