Shir lagu diidanyahay Dastuurka qabyada ah oo ay isugu yimaaden Beelaha hawiye oo ka dhacay Magaaladda Lewiston, gobolka Maine

30.04.2012 – Shir lagu qabtay Magaaladda Lewiston, gobolka Maine ee bariga Mareykanka , oo ay ka soo qeyb galeen Jaaliyad Somaliyeed ee ku nool wadanka Mareykanka, ay qaarkood goobjoog ahaayeen , iyagoo badankood kaga qeybgaleen qadka telephoonka,side Jaaliyad Washington DC, Ohio, Minnesota, Maine, Arizona. Iyo gobolo kale

Shirka oo looga hadlay islamarkaasna lagu lafaguray marxaladda uu ku suganyhay waddanka Somalia, Qodobada shirkaas waxaa ka mida ahaa Dastuurka Qabyada ah iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ururada dibada iyo gudaha wadanka, taasoo lagu raadinaayo in la mideeyo codadka diidmada dastuurka qabyada ah.

Shirkan muhimka ah waxaa qadka telephoonka kaga soo qeybgalay Guddoomiyaha Beelaha Hawiye Mohamed Hassan Xaad, guddoomiyahu waxa uu ku booriyay Jaaliyada ku nool waqooyiga America, in ay ka shaqeeyan kuna dadaalaan sidii loo xoojin lahaa midnimada somaliyeed, hal dhinacna looga soo wada jeesan lahaa sidii loo hirginlahaa Dastuurka wadanka u degsan ahna mid Somalida oo dhan ka middeysan tahay, kaasoo la qoray 1960kii

Go`aanada shirka waxaa ka mid ahaa in laga hortago ansixinta Dastuurka qabyada ah si nabdagalyo ah, iyadoo adduun weynaha laga codsaneyno loona muujineyno in dastuurkaasi oo keeni doona dhibaatooyin sii kordhiya kuwa hada taagan. Waxaa kale go`aanada ka mid ah in si deg deg ah loo bilaabo abaabulida banaanbaxyo laga sameeyo North America, Europe, Afirca iyo Somali.

Shacabka Somaliyed oo lagu baaqay Banaanbax ka dhan ah Dastuurka

 MuqdishoApril 30, 2012 – Iyadoo muddooyinkii dambe uu muran baahsan ka taagnaa ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Soomaaliyeed waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay dhigaan banaanbax ka dhan ah Dastuurkaasi oo la sheegay in uu hoos u dhigayo Diinta iyo Jiritaanka Umadda Soomaaliyeed.

Max’ed Faarax Jimcaale oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliya oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah u dan ugu jiro Madaxda dowladda KMG ah kaasi oo uu sheegay in uu u baneynayo inay kusii nagaadaan kursigooda sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dhigaan banaanbax nabadeed oo ay ka muujinayaan sida ay ugu horjeedaan Dastuurkaasi.

Sidoo kale Suldaan C/naasir Jaamac Xuseen oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in dadka loo xulay Dastuurka qabyo qoraalka aysan ka mid ah aheyn waxgaradka Soomaaliyeed islamarkaana ay yihiin dad ganacsato oo dani gaar laga leeyahay, isagoo ku baaqay in la saxo qaladaadka jira.

Siyaasiyiin, Aqooyahanno, waxgarad, Xildhibaano, Culumaa’uddiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo horjeestay ansixinta Dastuurka cusub oo la sheegay inay ku jiraan qodobo ka hor imanaya Diinta Islaamka.

 Ra’iisul WASAARE GAAS oo Fashil lagu eedeeyey

April 30, 2012 – Iyadoo maalmaha soo sacda lagu wado in magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya ay gaareen odoyaal dhaqamedyo ka kala imaanaya qaar ka mid ah gobalada dalka soomaaliya si loo ansixiyo dastuurka soomaaliya aya sii kordheysa eedeynta loo jeedinayo ra,iisul wasaare gaas. Xildhibaan boot cabdule magan oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada muqdisho ayaa waxaa uu si kulul u weeraray ra,iisul wasaaraha xukuumada KMG ee soomaaliya C/wali Maxamed cali gaas,isagoo ku eedayay gaas inuu fuliyo danaha madaxweynaha puntland faroole.

Xildhibaanka oo hadalkiisa si wata ayaa waxaa uu shaaciyay in xukuumada uu hogaamiyo Ra,iisul wasaaraha soomaaliya mr.gaas gabi ahaanba ay ku hungowday wax ka qabashadooda sida xaqiijinta amaanka dalka soomaaliya,mid siyaasadeed iyo dhameynta khilaafka barlamaanka ka dhaxtaagan.

Boot cabdule magan wuxuu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inaan aqbalin dastuurka dhowaan lagu wado in la ansixiyo kaasi oo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay kazoo horjeesteen.

Halista Dastuurka Cusub ee Qabya qoraalka Somalia

April 22, 2012- (Moment Media Group) -Dastuurka cusub ee la doonayo in laga ansixiyo shirka wadatashiga Soomaaliya marka si degan loo akhriyo wuxuu halis ku yahay wadajirka iyo Cadaalada beelaha Soomaaliyeed.
Dastuurka oo saldhig looga dhigay 18-ka Gobol oo ay Soomaaliya ka koobneed ka hor xiligii dagaalada sokeeye dalka ka dhaceen, 18-kaas gobol oo aan ahayn gobolo markii horeba cadaalad lagu sameeyay, ama loo fiiriyey dhul ahaan ama dadka ku nool tiradooda, goboladaas oo qaarkood lagu magacaabay arin siyaasadeed oo ay xiligaa Dawladdii Milateriga Maxamed Siyaad Barre “Camalkiisa allaha ka waraabiyee” Dalka ka lahayd.

Dastuurka waxaa lagu cadeeyay in ugu yaraan labo Gobol oo buuxda kaliya ay noqon karaan Maamul/Dawlad Goboleedyada la rabo in dalka laga hergeliyo iyada oo aan cod laga qaadin shacabka Soomaaliyeed.

18-ka Gobol ee jiray xiliga Dawladii Hore ayaa haddii labo labo la isku saaro waxaa dalka ka soo baxaya ilaa 9 dawlad goboleed, Dawlad goboleed yada ka soo baxaya haddii Goboladaas sidaa la isku raaciyo ayaa si Cad ugu hor imaanaya heshiiska aan lagu wada qanacsaneyn ee 4.5 oo ay Soomaalidu ay sanadihii ugu danbeeyay wax ku qeybsanaysay.
Dastuurka cusub waxaa ku qoran in Magaaladda Muqdisho ka mid noqon karin maamul goboleedyadda ,loona sameeyn doono sharci gaara maadama sida lagu xusay dastuurka qabyada ay Muqdisho tahay Magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxaysa.
Muqdisho waxaa ku nool shacab qiyaas ahaan ka badan bulshada ku nool todobo gobol oo ka mida goboladda Somalia.
Dastuurka cusub wuxuu Xooga saaray in Goboladii 18-ka ahaa laga dhigo Saldhig iyada oo la og yahay in 18-kaas gobol dadka ku nool ay si aad ah u kala duwan yihiin.
Sida Xeeldheerayaasha qiimeeyay sheegeen Dastuurka cusub wuxuu abuurayaa colaad hor leh oo Soomaaliyeed isaga oo dhiirigelinaya Dawlad goboleedyo qabiileysan,
Waxaa la og yahay in gobolo aad u fara badan oo Soomaaliyeed ay wada degan yihiin qabaa”il aan siyaasadda isku raaci karin, qabiil kastana uu isku dayayo inuu qabaailka la degan meesha ka saaro.
Dastuurka sida uu hadda u qoran yahay hadii lagu ansixiyo waxaa ku dulmanaan doona Beelaha Hawiye, Dir, Digil iyo Mirifle , Beesha 5-aad iyo beelo ka mid ah Beelaha Daarood.
Danta ugu weyn ugu Jirtaa Maamulka Puntland akhristow ma aqrisay dastuurka maamulka puntland lagu asnixiyay mise ogtahay in dastuurkaa uu yahay mid qayaano qaran ku ah midnimada umada soomaali oo isagu ugu yaraan haysta Dawlad goboleed la jaan qaadi kara Dastuurka qabyada sida Gobolka Bari, Gobolka Nugaal, Qeyb Mudug ah iyo qeyb sanaag ah.
Maamulka Puntland waxaa hogaamiya beesha Majeerteen,iyada oo Beelaha tiro ahaan la” eg Beesha Majeerteen ama ka badan aysan u suurta galeynin iney helaan Dawlad goboleed iyaga metela, maadaama qabaa”ilka la eg ama ka badan Majeerteen aysan heli karin Labo gobol oo Nadiif ah,marka la raaco nidaamka 18 Gobol.
Beesha kaliya ee heli karta 2 gobol oo nadiif ah waa Digil iyo Mirfle, Gobolada Bay iyo Bakool, inkastoo beeshu wax ka degto gobolo kale, Haddana waxey noqonaysaa in dawladda lagu dhisi doono Dastuurkaas ay noqoto in Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Majeerteen ay isku miisaan yeeshaan iyaga oo aan isku miisaan ahayn nidaamka 4.5-ka iyo tiro ahaanba.
Beelaha tiro ahaan la eg ama ka badan Beesha Majeerteen oo aan heli doonin Dawlad goboleedyada Dastuurkaasi Xambaarsan yahay waxaa ka mid ah:-
Beelaha Abgaal, Habargidir, Xawaadle,Murursade , Mariixaan, Ogaadeen, Gaaljecel, Sheekhaal, Duduble, Leelkase, Warsengeli, Beelaha digil, Mirifle, Dhulbahante, Gudubiirse, Dir Koofur iyo beelo kale oo badan maadaama aysan jirin beel kaliya ee degan 2 gobol oo nadiif ah oo aan dad kale la degenayn.
Dastuurka cusub waxaa galaangal awood badan ku leh Beelaha qaar maadaama hayӇdda diyaarintiisa gacanta ugu weyn ku leh ee UNDP aysan shaqaalaha u shaqeeya aheyn meel Beelaha Soomaaliyeed u siman yihiin.
Dastuurka cusub iska daa inuu Xal u keeno Soomaaliye waxuu abuurayaa caqabad ay Soomaalidu isku haysato 50-ka sano oo soo socota.
Sida sharciyadda Caalamka ku qoran Dastuurka Dalka Soomaaliya loo sameeyay 1960-kii , waxaa la bedeli karaa marka cod laga qaado shacabka Soomaaliyeed.
Dhaqaalaha lagu bixinayo Dastuurka cusub oo Nairobi lagu diyaariyey waxaa dalka looga samayn karaa amaan iyo kala danbeyn,iyadoo kadib lagu qaban karo gudaha Somalia doorasha xora oo qof kasta u yahay xor inuu codkiisa dhiibto.
Soomaalida u qeybsan qabiil hoosaadyo ayaan ku heshiin karin Maamul Goboleedyo labo labo gobol isku raacsan kuna salaysan 18-kii gobol, waxaana xaqiiqo ah haddii dastuurkaan dalka sharci looga dhigo in dalka ay ka dhici doonto dagaalo sokeeye oo aan dhamaanin.
Waxa kaliya oo Soomaalidu xal ku heli karta ayaa ah, in amaankii la soo celiyo, markaas kadibna doorasho loo qabto umadda Soomaaliyeed, ama Degmo kasta oo Maamul samaysata la taageero markii amni guud la helana la dhiso dawlad dhexe oo metesha umadda soomaaliyeed oo ku timaada Doorasho xora.
Isku soo wada duube Dastuurka diyaarsan ee Nairobi lagu hayo oo ay tahay waxa shirarka wada tashiga lagu sheegay loo qabanayo oo lacagaha faraha badan loo bixinayo ,waxay wadaniyiinta Soomaaliyeed ugu magacdareen Baas abuur cusub

Faalo Qotobka 3aad oo oranayo  in dalka  laga dhigo Federal ku salaysan 18kii gobol ee horay u jiray..

Gobolladii Dowladdii Milateriga ee Siyaad Barre

 

Dowladdii uu hoggaamiyaha iyo madaxweynahaba u ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxay dalka la wareegtay sanadkii 1969 iyadoo uu markaa dalku ka koobnaa siddeed gobol. Muddadii 21-kasanoahayd ee uu dalka ka talinayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku daray toban gobol. Haddaba waxaa isweydiin leh kororsiimadan muxuu nidaamku ku salaynayey?

Runtii lama garanayo qaabka uu Kacaanku raaci jiray marka uu abuurayo gobollo cusub. Nin odoy ah oo ka tirsanaa maamulkaas ayaan weydiiyey halbeegga la adeegsan jiray marka la samaynayo gobol ama degmo cusub. Ninkaasi wuxuu iigu jawaabay “dalka waxaa heystay nin keliteliye ah, wuxuuna u maamuli jiray sida uu u arko sax isagu. Gobollada iyo degmooyinka iyo go‟aannada kale ee waaweyna isaga ayaa samayn jiray.”

Waxaa arrintan sii xoojinaya sheeko aan ka maqlay Cabdulle Raage Taraawiiloo ahaa halabuur caan ku ah bulshada dhexdeeda. Cabdulle Raage oo hadalka cajal ku duubay wuxuu ka sheekeyey dood dhexmartay isaga iyo Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waxaa ii yeeray Madaxweyne Maxamed Siyaad Sanadkii 1990 oo ku beegnayd xilligii ay saxiixeen odoyaashu warqad ay ugu baaqayaan in uu Jananku is-casilo (Manafesto Group).

“Siyaad Barre ayaa wuxuu igala hadlay arrimaha warqaddan iyo qabiillada ka danbeeya,” ayuu yiri Cabdulle Raage. Siyaad Barre wuxuu igu yiri buu Cabdulle leeyahay, “Waxaa ii heshiiyey Majeerteen iyo Habargidir, marka waxaan doonayaa inaad tolkaa ka reebto arrintan oo aad idinku (qabiil ahaan) wax igala qabataan oo aad Kacaanka taageertaan.” Waxaan ku iri, ayuu Cabdulle Raage ku leeyahay cajaladda, “dadka saxiixay warqadaha kuma jiro qof aan aniga heybta hoose (Daa‟uud) isku nahay.”

Wuxuu intaas raaciyey, labo kulan oo kale iyo dood dheer kadib ayuu Siyaad Barre igu yiri, “waxaan degmo kaaga dhigayaa meeshii aad ku dhalatay oo magaceeda la yiraa Ruun Nirgood.” Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waan ka diiday arrintaas Madaxweyanaha waayo waxaan weydiistay inuu degmo ka dhigo meeshaan10 sano ka hor, wuuna ii diiday. Dabadeed, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage wuxuu billaabay inuu goobta ka tiriyo gabay dheer oo uu Kacaanka ugu abaalsheeganayo wixii uu u galay iyo sidii uu Kacaanku ugu jisaaray ee uu ii xiray. “Markii aan gabaygii dhameeyey ayuu Siyaad Barre yiri, „waxaan ku darayaa Warshiikh.‟” Markaas baan ku iri, “Caadley ku dar.” Siyaad Barre wuu diiday arrintaas waayo wuxuu yiri waxaa la iga laayey askar Caadley, laakiin waxaan ku darayaa Biyacado. Isku soo duuboo, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage iyo odoyaal la socday waxay habeenkaas ka saxiixeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre afar degmo.

Marka la fiiriyo gobolladii iyo degmooyinkii la abuuray iyo sheekadaniba waxay ku tusayaaninuusan jirin halbeeg la raaci jiray oo ay ku xirnayd Jeneral Siyaad Barre xaaladdiisu sida ay tahay. Marka haddii sidan gobollo lagu sameeyey lagu duldhiso nidaamka federaalka waxaa ka imanaya dhowr cilladood. Tan hore, waxaa laga tagayaa caddaaladda waayo waxaa jira gobollo dadka deggen uusan nidaamkii milatarigu jeclayn xilligaas, iyo gobollo kale oo dadkoodu aysan baraarug siyaasi ah lahayn. Labadan arrimood oo iskaashaday waxay keenayaan in la sharciyeeyo wax aan ku iman nidaam sharci ah ama aan caqligu qaadan karin.

Haddii xitaa la isku oggolaado oo la aqbalo 18 gobol, ma ahan suurtagal dhaqaale ahaan in lagu saleeyo nidaamka federaalka. Tusaale, ma jirto awood dhaqaale ama aqooneed oo ay Soomaalidu ku wadi karto18 baarlamaan, 18 xukuumadood, 18 ah boliiska gobollada, 18 ah maxkamado kala duwan, iyo 18 ah shaqaale dowaldeedyada gobollada. Waxaa arrintan diidaya awoodda dhaqaale iyo tan aqooneed ee hadda jira.

Sida uu ii sheegey qof xog-ogaal ah, waxay dowladda KMG ah (xilligii dowladdii Carta) isku dayday inay baahiso maamulkeeda. Gobollada iyo degmooyinka qaar ayaa muujiyey inay doonayeen inay raacaan nidaamka Carta lagu soo dhisay. Xukuumaddii Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa waxay ku tiri degmooyinkaas “idinku qorta boliis oo dhaqaalo ahaan isa-sii dabbara intii muddo ah, annaguna waxaan idinka kaalmayn doonnaa waxyaalaha kale.” Waxay sheegeen mas‟uuliyiintii degmooyinkaas inaysan awoodin inay qortaan boliis. Weliba degmooyinka qaarkood waa kuwa lagu tuhmo inay ugu roon yihiin degmooyinka dalka dhaqaalo ahaan.

Haddaba, marka si kasta oo loo fiiriyo laguma salayn karo nidaamka federaalka 18 gobol. Laakiin, haddana waxaa jirta in dastuurka Dowladda KMG ah ee xilligaas jirtay ay ku qoran tahay in nidaamka federaalka ah lagu saleeyo 18 gobol.

Waxaa iyaduna xiiso gaar ah leh cayaarihii gobollada ee   lagu qabtay Garowe, caasimadda Puntland. Runtii, waxay ahayd dhacdo weyn oo ay ku ammaanan yihiin bahdaisboortiga iyo shacabka iyo dowladda Puntland. Laakiin xiisaha gaarka ah ee ay dhacdadani u leedahay doodda la xiriirta nidaamka federaalka waa in dad badan oo Soomaaliyeed ay isla oggol yihiin gobolladii uu kacaanku ka tagay, loona arko inay sharci ahaayeen. Runtiina, dhacdadan waxaa laga daliishan karaa in aragtida taageeraysa 18-ka gobol ay ka culus tahay kuwa kale.

Waxaan rumaysanahay inay taasi horumar tahay. Hayeeshee, anigu sideedaba ma qabo in nidaamka federaalku ka shaqayn karo dalka. Haddii la samaynayana waxaan qabaa inaan gobolladu ka badan afar, la iskuna raaciyo hab ku salaysan qaaciddooyinka dhaqaalaha iyo horumarka.

Dastuurka Maamulka Puntland iyo Dastuurka Qabyo Qoraalka Waa Qayaano Qaran!

April 21, 2012- Haddii aan dib u milicsano Dastuurka Puntland waxaa u qorayaa in Puntland tahay dowlad madaxbanaan sida ku cad Dastuurka,haddii aan soo qaadano qodobo faro badan wax aad arkeeysaa sida wax loo qoray in aay tahay teeyda anaa leh taadana kula lehi.

Kheeyraadka dabiiciga qodobka 53 aad waxaa lagu sheegay:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. (Puntland Somali ayaa leh khayraadkeedana Somali ayaa leh.)

2. “Dawladda” Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga Khayraadkeeda dabiiciga ah. (Dowlada dhexe awoodeeda in Gobol sheegtaa waa qalad.)

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta Shirkado waddani iyo Ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.(Teeyda anaa leh taadana kula lehi sow maaha?)

4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.

5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Maamulka Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.

Qodobada qaar waa kuwa laga naxo sida: Qodobka 1-aad: Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.(Micnaha Dowlad goboleed maaha ee waa Dowlad?)

Dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland. (ma Qabiil baa jinsiyada maxeey tahay sow Somali maaha ma Ethiopian baa??)

2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland.

Waxaa ugu darnaa uguna foosha xumaa iswaafijinta dastuurka Puntland iyo dastuurka Federaalka ee Somaliya sida aay u dhigeen,haddii aad aqriso waa wax umada aay ku ah ceeb iyo xishood dari iyo jahli aad ugu fog,waxaa ku qornaa sidaan

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno sharci iyo

Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan dastuurka puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka. 2.Inta lagu dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan

Barnaamijka cusub ee uu wato C/weli waa mid laga dhaxlay C/aahi Yusuf oo aanan biyo lagu dhaqin,waxaa umada aay la yaaban tahay hab-dhaqanka r/wasaare C/weli oo aad mararka qaar is leedahay sow ninka ma xishooda miyaa ??? haddii uusan waaleeyn waa xishoon lahaa ,dib u aqri maqaalka magaciisu yahay Proff C/weli maxaa u wehliya aqoontiisa 1,2,3,

Waxaas oo idil waxaa maleegay Mahiga.Faroole iyo C/weli oo u adeegaya danaha Puntland, geeridii C/aahi waxaa aay dhashay in siyaasad cusub uu abuuro C/weli kuna hoydo Gaalkacayo si uu u mideeyo Gaagaab,Faroole iyo Cabdillaahi Siciid Samatar oo ahaa ragii isku haysaty dhaqangelinta dastuurka Puntland iyo xiliga kala guurka Puntland.

Waxaa xaqiiq ah in C/weli bixiyay 20 Malyan oo Dollar si loo xaliya siyaasada Puntland laguna midoobo ujeedada danaha fog ee C/weli ka leeyahay dib u dhiska Puntland,Gaagaab maxaa aamusiyay ???

Waxaad mooda in dhana uu ugu ololeeynayo dastuurka qabyo Qoraalka si loo asixiyo dhanka kalena Puntland uu u diray wasiiro Dowlada Federaalka ka mid ah si loo soo ansaxiyo,odoyada Puntland oo dhawaan iman doona Muqdisho waxaa aay wadaan olole ah in loo codeeyo dastuurka qabyo qoraalka halka umada inteeda kale aayan ka warqabin danaha fog ee Puntland ka leedahay u codeeynta dastuurka qabyo Qoraalka.

Somaliland iyo Puntland dastuur ayeey leeyihiin umada inteeda kale maxaa u diiday dastuur u gaar ah maxaase loogu qasbaayaa in aay ansixiyaan dastuurka qabyo Qoraalka ah??? Shariif waxaa jirtay xili uu carfayay oo la lahaa shariif waa amiir iwm maantase waa urayaa sabbabta oo ah waxaa uu ka fogaaday cadaalada umada Somali waxaana uu hog dheer ku riday rajadii dib u soo celinta Qarankii Somali.

Sh.Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Somalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi,waxaa hubaal ah in shariif uusan aqrin dastuurka Puntland iyo midka qabyo Qoraalka ah, Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.

Alow sahal umuuraha

Maamulka Puntland iyo Mahiga waa in dalka laga qabtaa…(Waxay noqotay hadalheynta Soomaalida)

Wax dood ah kama taagna Runtii in dalkii iyo dadkiiba la haysto laakiin su’aasha u baahan in sifiican looga jawaabo ayaa waxa ay tahay yaa dalka iyo dadka heysta..?goormaase la qabsaday…?

Waxaa maal mahaan danbe dhagaha bulshada Soomaaliyeed caadi ku noqotay,Soomaaliya waxaa maamula oo go’aanadeeda ay ka fulaan beesha caalamka,Mahiga iyo qaar ka mid ah wadamada jaarka.

Sidoo kale waxaa bulshada Soomaaliyeed maal mahaan danbe dhagahooda kusoo dhacaya arayo ay kamid yihiin waxa dalka maamula oo uu faraha ugu jiraa maamulka Puntland, C/raxmaan Faroole iyo qabiilka horbooda maamulka Puntland.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaanba gudaha iyo dibada waxay bilaabeen muddooyinkaan danbe guux ku aadaan in taladii dalka ay isagu uruurtay gacan shisheeye iyo beelo kooban,iyadoo mar walbana farta ku godayaan Mahiga iyo maamulka Puntland.

Inkastoo cabashooyinka ay qabaan bulshaweynta Soomaaliyeed aan halkaan lagu soo koobi karin,balse waxaan soo qaadanaayaa dhowr arimood oo xasaasi ah.

Beesha caalamka ayaa dalka soomaaliya waxa ay ku amartay in raacaan nadaamka loo bixiyey Road maapka,nimdaam kasoo qatar weyn ku ah qaranimadii Soomaaliya.

Xildhibaanadii baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay in aysan is hortaagin Road maapka,waxaana loogu hanjabay in xabsiga la dhigi doono.

Sidoo kale waxaa maal maahaan danbe si xowli ah ku socda dastuur ay ajaanib soo diyaariyeen,balse beelo gaar loogu daneynayo,waxaana wadatashiyo aan loo dhameyn uu ka dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Dhinaca kale bulshada Soomaaliyeed waxa ay la yaab ku tilmaameen dastuur dhawaan loo sameeyey maamulka Puntland,marka aad u kuurgasho datuurka Puntland waxaa kuu soo baxaya siyaasad guracan ay ku tilaabsadeen maamulkaasi.

Shacabka Soomaaliyeed oo muddo aad u dheer kusoo jiray dagaalo iyo jahwareer siyaasadeed ayaan xilligaan u diyaarsaneyn isbadala siyaasadeed ee ay beesha caalamka ku qasbayaan,waxayna cod dheer ku sheegeen in laga wada qeyb galiyo beelaha Soomaaliyeed oo dhan wadahadala socda, si loo helo wax soomaali oo dhan ay ku qanac santahay.

Maamulka Puntland oo taageero buuxda ka helaya shaqsiyaad iyo dowladdo dano gaar ah ka leh dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeynayaa in ay masiirkii Soomaali oo dhan ay jeebka ku riteen,waana midda hadda keentay in shacabka Soomaaliyeed qura meel kastaba ha joogaane ay hal mar afka furteen.

Madaxweyne sheikh shariif oo ka hor yimid dastuurka cusub ee Puntland sheegayna soomaaliya in ay hal dastuur leedahay

20.04.2012 (MMG) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa kasoo horjeestay Dastuurka Cusub ee maamulka Puntland, madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in Dastuurka Puntland uu yahay mid qilaafaya dastuurka Dowladda KMG soomaaliya taasina uu ku tilmaamay in ay caqabad ku noqoneyso isla saan-qaadka bulshada iyo maamulada soomaaliweyn.

Madaxweynaha ayaa Dastuurkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid cadeyneysa Gooni isku taag maamulka Puntland arrintaasina ay fadeexo ku noqon karto dowladda KMG soomaaliya oo uu ku sheegay in haatani ay talada dalka gacanta ku heyso, madaxweynaha ayaa ku baaqay in waxbadan laga badalo Dastuurka Puntland islamar ahaantana dib loo ansaxiyo.

Hadalka madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa imaanaya xili Dowladda KMG ay ku mashquulsantahay xal u helida mideynta Siyaasiyiinta iyo Bulshada Somaliland oo iyagu lagu wado in ay qeyb ka noqdaan dowladda KMG oo talada dalka haysa, ma jirto hadal rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland kaasoo ku aadan hadalka uu ka dhawaajiyay madaxweynaha walow wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayan in mudanayaal ka socda maamulka Puntland ay madaxweynaha iyo golaha wasiirada ay kulan kula qaadan doonaan magaalada muqdisho iyaga oo la filaayo in dastuurkaasi ay hor dhigi doonaan islamar ahaanta u jeedada dastuurka ay uga warbixin doonaan.

Ugu danbeyntii madaxweynaha oo horay ugu qanacsanaa Dastuurka Puntland ayaa waxa iminka soo baxaaya hadalo ku aadan dastuurkaasi waxaana la sheegaya in dastuurkaasi ay qaadacen qaar katirsan Beelaha halkaasi kasoo jeeda.

Moment Media Group

Wasiirka Dastuurka oo qaab qabiil u difaacay dastuurka Puntland sheegayna kan qaranka Soomaliyeedna mid KMG ah

21.04.2012 – Wasiirka Dastuurka Soomaliya deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland ayaa siweyn u difaacay dastuurka ay sameysatay Puntlnad xili madaxweynaha Soomaaliya uu ganafka ku dhuftay Dastuurka Puntlnad .

Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaliga ee DKMG Cabdiraxman Xoosh Jibril ayaa isagu qaab qabaiil ku doonayo xiligaan in la hoos yimaada Puntland madaama ayba ka horeeyaan dhan walba siyaasada dowlada Dhexe waxaana muuqata wasiirka Dastuurka Soomaaliya uu jira xiir hoose oo ka dheexya Faroole iyo isaga taana waxaa cadeen u ah dooda maanta uu ku taageeray mamaulka Puntland in uu la ogyahay sirta qarsoon ee laga leeyahay dastuurka cusub ee Soomaliya.

Aniga oo ah wasiirka Dastuurka ah waxba uma arko calanka iyo Dastuurka Puntland waxaana dooda maanta laga dareemayey in uu ahaa wasiirka Afhayeen ka socda Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya qabya uu yahay 8 sana doodiisa ay socon doonta taana waxay ka hor imaneysa in xiligaan la helo dowlad aan kumele gara aheyn madaama dastuurka lagu dhaqayo uu yahay mid kumele gaar ah.

Dhanka kale Dr Cali Khaliif kale oo dooda ka qeyb galay ayaa gashaanka u daruuray dastuurkaas qabyada ah isagoona sheegay in dan qaas ah laga leeyahay dad qaas ahna loogu shaqeynaya dasturka qabyada ah.

HALKAN KA DHAGEYSA DOODA 

Shalay Iyo Maanta: Siyaasaddu Ma Laha Saaxiib Joogto Ah Ee Waxay Leedahay Dan Joogto Ah

28 April 2012 – Sideedaba Siyaasaddu Malaha Saaxiib Joogto Ah, Balse Waxay Leedahay Dan Joogto Ah, Sidoo Kalena Siyaasaddu Malaha Colaad Joogto Ah, Waxaanay Inta Badan Mushtamacu Aad Ula Yaabaan Arrimaha Ka Dhex Dhaca Shakhsiyaad Shalay Rafiiq ku ahaa mabda’a Siyaasadda oo Maanta la arko iyagoon indhaha isa siin karin oo col daahii go’ay ah. Iyadoo sidoo kalena la arko dad shalay siyaasada col ku ahaa oo maantana Rafiiq ku ah mabda’a Siyaasadda, taas oo ah arrin waayaha siyaasadu leedahay in sida dabaysha ay isku badbadaso, isla markaana god kaliya aanay fadhiyin siyaasadu. Haddaba siyaasadu Axdi malaha ee waxay leedahay kolba ninka siyaasiga ahi hadba sidii uu u Arko inay dani ugu jirto, isla markaana ciddii uu u arko inay ku Saaxiibi karaan Siyaasadda ay isku xidhmaan, halka shakhsi hore saaxiibo ay u ahaayeena ay kala irdhoobaan, isla markaana waayaha siyaasadu kala kexeeyo, waxaase jira waxyaalo aanay bulshadu aad u fahmin oo ay aad ula yaabaan, taas oo ah dabeecad ay Siyaasaddu iska leedahay inay dhacaan arrimo amakaag iyo yaab galiya bulshada.

In maanta shacabka Soomaliyeed lagu qasbo qaata dastuur aan waafaqsaneen Diintiina waxaa sabab u ah heshiis la aantii maalintii sawirkaan la qaday

Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala gadisan oo marba dhinac loo waday lakiin xiligaan waxaad moodaa in ay tahay xiligii ugu xumeyd ee soo marta umada Soomaliyed madaama ay hogaanka u hayaan dad doonaaya Soomaaliya in aysan waligeed dowlad noqon oo ey ku jirto jahwareer Ragaasna waxaa uga horeeyo Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Cabdi wali gaas iyo wasiirka dasturka Cabdiraxmaan Xoosh oo iyagu ka soo jeeda deegaanka Punland “ Arintaas waxa weeyay (conflict of interest) oo ah Dano isla hor imanayo”.

Conflict of interest

First, you need to know the definition of conflict of interest:
“We can define a conflict of interest as a situation in which a person has a private or personal interest sufficient to appear to influence the objective exercise of his or her official duties as, say, a public official, an employee, or a professional.”

Waxaa wax lala yabaa in qoomiyad dhan ay labadasi shaqsi kor ku soo xusnay ay ku tilmaamaan kuwa aan waxba garan oo doonaayo isbaara uun hadalkaa uu u muuqda mid lagu wiiqaya siyaasad guud ee Soomaliya dowladaha ku soo dulaana Soomaaliya loogu sii xalaaleynaayo in ay dalka iska sii heystaan si ay qeyraadkiisa u qataan
Waxaa cajiib ah dastuur qasab ku qaata la leeyahay oo diinta iyo dalka waxa u dhimaayo waxaase rumoowday hdalki Cabdi wali gaas ka soo yeeray ee ahaa shalay cod iyo qeylaan ku bur burinaayey shacabka reer Muqdisho maanta qalinkaan uga aar gudanayaa .

Waxaase cajib ah Madaxweyne sheikh Shariif dhanka diinta iyo Jihaad ku noqday madaxweyne sababta uu uga aamusan yahay dastuur lagu gaaleeysiinaayo Soomalida

Dastuurka Soomaaliya dhamaan way diideen shacabka Soomaaliyeed marka laga reebo 3 gobol oo ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya ,shacabka Soomaliyeed dhamaan way ka soo horjedan wax la yiyaahdo Fedaraal madaama ay isku diin iyo dhaqan iyo isku af yihiin .

Waxaa xasuus ah maalintaa sawirka ku cad hadii heshiis dhab ah la gali laha aoo daacad ah dalka Soomaliya maanta dhibkaan kuma jiri laheen waxuu ahaan lahaa dal la jaan qado aduunka hore umaray intii ay Soomaliya ku jirnay dagaal sokeeye

C/wali gaas ” fiiri..fiiri,   Nasiib darada jirtaa waxaa weeye Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha uu qoraayo mana haboona qofku inuu wax iska diido isagoo aan aqoon u laheyn waxa uu diidayo” Gaas oo la hadlayey idaacada VOA.

Xubno isugu jira sharciyaqaanno, aqoonyahanno & waxgarad ka tirsan qeybaha bulshadda ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan kaga jawaabay dood loo qabtay oo ku saabsan sida ay Puntland isugu gaar yeeshay ololaha lagu sameynayo dastuurka cusub ee loo madlan-yahay in loo sameeyo Soomaaliya, waxaana ay badi aqoonyahanadani oo ka soo jeeda gobolka Banaadir ay qireen in Puntland ay ka soo galeyso sameynta dastuurka habka 4.5 ee lagu saleeyey awood qeybsiga dowladda, ayna la saami tahay beelaha kale ee Soomaalida, balse ay iminka u muuqato in ay hor boodeyso beelaha kale ee Soomaalida. Arintaas waxa weeyay (conflict of interest) oo ah Dano isla hor imanayo.

Hadaba waxaa soo shaac baxeeysa in C/weli caafimaadkiisa xaga maskaxda aay xaqiiq tahay in uusan aheeyn nin caafimaadqaba sabbabta oo ah iyada oo la ogyahay in dastuurka qabyo qoraalka uu yahay dastuur umada somali aayan la jaan qaadi karin laguna dhaqi karin ayuu hadana shacabkii lagu dhaqli lahaa leeyahay aqoon ma laha,haddii aay diideen kuna qeexeen in dastuurka qabyo qoraalka uusan la jaan qaadi karin umada somalida dhaqankeeda.diinteeda iyo dadnimadeeda sow xaq uma laha in aay diidaan iyada oo la ogyahay in uu uu ku qanacsan yahay Puntland dastuurkii lagu ansixiyay oo dhigayay waa in qofka Puntland ahi uu qaataa jinsiyada Puntland halka qabyo qoraalka uu leeyahay cutubka jinsiyadaha qodobka 11 aad :

Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, dhalasho ahaan waa Soomaali.,xagee maskaxda ka qaldan tahay ? Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeesatay Dastuurka qabyo qoraalka,xisbiyada siyaasada u dhuun duleela ee dhisan ayaa diiday,qabiilada koonfur oo dhan ayaa diiday una arkay sadbuursi iyo xaqdaro sidaasi darteed ma dhihi karnaa aqoon ma laha umadaas somaliyeed ,isbaaro ayeey dhiganayaan,nin xishoodaa sidaasi kuma hadlo balse maskax jiran ayaa sidaasi ku hadasha, haddii aad dib u fiiriso qodobada dastuurka qabyo qoraalka iyo midka Puntland lagu ansixiyay waa kaaf iyo kala dheeri,dib u aqri qabyo qoraalka iyo dowlad-goboleeydyada xeerarka ama mabaadiida aay isgu imaan karaan.

Qabyo QoraalkaQodobka 141aad-Mabaadi’da Dastuurrada Dawlad-goboleedyada

(2) Dastuurrada dawlad-goboleedyadu waa in ay raacaan mabaadi’da guud iyo qaabdhismeedka Dastuurka federaalka..Puntland iyo Somaliand miyeey waafaqsan yihiin qodobkaa xaqiiqdii waa maya. Qodobka 142aad-Samaynta Dastuurrada Dawlad-goboleedyada (1) Dawlad-goboleedyadu waa in ay kala tashadaan Dalwadda federaalka ah qorshaynta qaabka iyo habraaca samaynta dastuurradooda. Miyaa lagala tashaday dastuurka Somaliland iyi Puntland dowlada federaalka xaqiiqdii waa maya.

Qodobka 172aad-Xadididda Wax-ka-beddelka Dastuurka

Lama soo jeedin karo wax-ka-beddelid qodobbada dastuurka toddobada sano (7) ee ugu horraysa dhaqangalkiisa, marka laga reebo wax-ka-beddelidda lagama-maarmaanka u ah fududaynta ka-sooqaybgalka buuxa ee Soomaliland iyo Puntland ay uga soo qaybgalayaan nidaamka Federaalka.Somaliland iyo Puntland miyeey ka fadli badan yihiin somalida kale maxaa sabbabay in si gooni ah loogu fadli yeelo umada somali ee kale.7 sanno ayeey umada ka horeeyaan Somaliland iyo Puntland marka qodobkaan la fiiriyo,sabbabta oo ah 7 sanno ka dib ayaa d.goboleedyada dhismaya la aqoonsan.

Qodoboka 7aad Dhulka Dowladda

1. Gobannimada Jamhuuriyadda soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, ururkooda, hawadooda iyo geyi-qaaradeedka.Qaran somali oo mid ah miyaad haysaa maanta mise Somaliland oo goday iyo Puntland oo ku dayatay ayaa jira. 2.Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.Somaliland iyo Puntland dastuurka aay ansixiyeen waa dowlad madaxbanaan awooda dowladnimo iyo in aay xiriir la sameeyn karaan caalamka oo dhan ,shirkadaha qeeyraadka baara iwm .

Dastuurka qabyo qoraalka waxaa qoray quburo aanan somali aheeyn laguna dhaqeeynin waxa aay qoreen balse mudan tahay in dadkii lagu dhaqi lahaa aay diidaan ama aay ogolaadaan sharciga aayaha lagu dhaqi doono,maxaa umada loo caburinayaa oo looga hanjabaya in la ansixiyo,xaqiiqdii weligeed lagama baxayo ku meelgaar balse awood ayeey yeelandoontaa dowlada cusubi haddii la dhaqan geliyo dastuurka cusub walow dastuurka uu yahay mid awood faro badan sii naayo Puntland iyo Somaliland,sabbabta oo ah heshiisyada caalamiga ah ee dowlada awooda u lahaan laheeyd in aay la soo gasho caalamka ayaa waxaa qasab ah in dowlad-goboleeydyada aay qeeyb ka yihiin heshiiswalba oo caalami ah 50% ,dastuurka qabyo qoraalka marna awood ma siinaayo dowlada dhexe arimaha xiriirka dibada iyo difaaca dalka,dadka iyo diinta balse awooda waxaa leh dowladgoboleedyada.dib u fiiri dastuurka Puntland.

http://www.biyokulule.com/dastuurkapuntlandpart1.htm

1. Xukuumaddu waxay samayn kartaa, kana qayb-geli kartaa shirkado wadaag ah oo ay saamilay ka yihiin maalgeliyayaal waddani ah iyo kuwa ajnebi ahba.

Qodobka 53 aad KHAYRAADKA DABIICIGA AH

2.Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.

Dowlada waxaa aay soo daabacday lacag been-abuur ah oo loogu talo galay sidii loogu furdaamin lahaa dastuurka qabyo qoraalaka ,xaddiga lacagta dalka soo gashay bisha April waxaa lagu sheegay Sh.so 7.5 trillion, Puntland waxaa la siiyay Sh.So 1.5 Trillion si marka hore lacagta looga socodsiiyo shirka ansixinta dastuurka Puntland,waana aay dhaqan gashay walow la sugay odayada ansixin doona qabyo qoraalka lagu laaluusho xiliga ansixinta qabyo qoraalka,odayada Puntland waa markii labaad ee la siinaayo lacagahaas been-abuurka ah walow aay wadaan ololo xoogan sidii loo ansixin lahaa dastuurka awooda siinaayo dowlad goboleedka Puntland xiliga fog,arrimahaas murugada badan waxaa ku heshiiyey dowladda KMG iyo Puntland 21 march 2012-ka shir ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland, taas oo dhinaca Puntland uu u metelayey Madaxweynaha Puntland Faroole iyo Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Agaasimaha Bangiga Puntland Xirsi Dheere, halka dhinaca dowladda KMG ay u metelayeen r/wasaaraha C/weli iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.,arimaasi oo idil waxaa aay yihiin qayaano qaran iyo boob hanti qaran,shacabka somali quman in aay ka hortagaan hagardaamada iyo dhaawaca dhaqaalaha qaranka somali lagu hayo,qofwalba waxaa quman in uu diiwaangeliyo dhacdo-walba oo dhaawci karta qaranka somalia, culumada odaydhaqameedka indheergaradka ,aqoon yahaynka,ganacsatada dibada iyo gudaha waxaa quman in laga hortago tuugada u istaagay in qarankan aay boobaan xiliga kala guurka, una sameeysteen sharci xadgudub ku ah umada somali.

 Barnaamijka Cusub ee uu wato Cabdiweli waa mid laga dhaxlay Cabdullaahi Yusuf oo aanan biyo lagu dhaqin, waxaa umada aay la yaaban tahay hab-dhaqanka R/wasaare C/weli oo aad mararka qaar is leedahay sow ninka ma xishooda miyaa?

Xishoodka waa Qeyb ka mid ah iimaanka weliba xishoodka waa wax lagu amrri jiray xitaa ummadihii naga horeeyey, haddii aad dib u fiiriso waxaa uu ahaa nin mucaarad ku ah maxkamadihii dalka ka hanno qaaday 2006 waxuuna xiligaas u ololeeyn-jiray kuna faraxsanaa gumaadka Ethiopia ee magaalada Muqdisho iyo hogaanka C/aahi Yusuf oo Qabiiliga ahaa.

Dib u aqri maqaalka magaciisu yahay Prof Cabdiweli weli maxaa u wehliya Aqoontiisa 1,2,3, waxaa umada ogtahay shirkii Garowe in uu ahaa mid xaaraan ah sabbabta oo ah Somali oo dhan kama soo qeeybgelin, qodobada ka soo baxay waa kuwa aay mudneeyd in xildhibaanada baarlamaanka ku meelgaarka ahi go’aanka noocaan oo kale aay gaaraan not Faroole iwm.

Ilaah baan idinku dhaariyee ma mudan tahay in dastuurkii qabyada ahaa ee la dhahay waa la soo dhameeystiray anaga oo og in Somali aayan ka warqabin meel lagu dhameeystiray iyo cida dhameeystirtay hirgelintiisa in 825  qof cod u qaadaan ??? ma Somali ayaa 825  ah ??

In 4,5 lagu noqdo ama laga gudbo maaha mid Faroole iwm aay mudneeyn in lagala tashato balse xildhibaanada ku meelgaarka ah ayaa lahaa awoodaa sabbabta oo ah Kenya iyo Jabuuti waxaa awooda iyo xukunka Somalia lagu qeeysaday qabiil dhalay 550 xildhibaan.

Somalida waxaa aay leedahay indheergarad aqoon yahan, siyaasi, culumo , dhalinyaro macnaha noocwalba oo aadahana leeyahay,dhamaan umada waxaa aay aragtaa xishood la´aanta C/weli ee hogaamisay ama ku qasabtay in uu baarlamaanka iyo xulashada gudoomiyaha baarlamaanka Madoowe Nuunow  diido, awoodaasi xagee ka keenay ??

Dastuurka ku meelgaarka ahi 71 qodob xagee kaga qoran tahay sharci r/wasaaraha u ogoloonaya in uu faro gashto baarlamaanka ??? sow lama dhihi karo waa aqoon dari iyo xishood la´aan,haddii xishoodka dhinto xaywaanka wax kama duwana qofka.

Waxaa umada aay la yaaban tahay in bisha May Dastuurka qabyada ahaa aay cod u qaadayaan 825 qof, in bisha Jun la dhameeystiri doono xulashada xildhibaanada qaranka 225 sow dhalanteed maaha,kuwa hada jooga ee isku dilaya xaqa iyo xaqdarada  ayaa mudneeyd in aay qaataan tiro-dhimista iyo xiliga xildhibaano qaran la sameeyn karo.

Roadmapki baarlamaanka lama geeyn, shirkii gacan ku rimiska ahaa ee Garowe baarlamaanka lama geeyn, dastuurka la soo dhameeystiray baarlamaanka lama geeyn xagee u socdaa C/weli sow lama dhihi karo xishood la ´aan ayaa ku hogaamineeysa ama ku qasbeeysa in uu ku dhaqaaqo wax umada aay ka xishooto Somali koleey waa aay arkeeysaa Faroole iyo C/weli burbur cusub ayaad Somali u horseedeeysiin Punland kama faaiideeyso haddii aad islaheeydeen Puntland ayaa ka faaiideeysa.

Shariif waxaa jirtay xili uu carfayay oo la lahaa shariif amiir iwm maantase waa urayaa sabbabta oo ah waxaa ka fogaaday cadaalada umada Somali waxaana uu noqday nin halgankii umada dib u cunay garan waayay in umada aay leedahay asagana uu ka ahaa hogaamiye kaliya balse kursiga ayuu umada ka doortay,wallow kursiga nina uusan dhaxal u laheeyn. Alow sahal umuuraha!

Ra’iisal Wasaare Gaas Oo Xaafiiskiisa Kula Kulmay Ururada Bulshada Rayidka ( War-Saxaafadeed)

Muqdisho Sunday, April 29th, 2012 –  (MMG) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

Kulanka maanta uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah, Iyadoona looga hadlayay Arrimaha Roadmap-ka, Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isgaarsiinta Maamuladda, Dhameystirka Dastuurka, Dib-u-habeynta Baarlamaanka iyo dowlad wanaaga, Iyadoona dowr muhiin ah ay dowladda ka siiyay bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay in dowladda iyo Bulshada Rayidka ah ay kala warqaataan oo ay is dhaafsadaan fikirado iyo talooyinka ay u hayaan dowladda maadaama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Bulshada Rayidka kaalin muhiin ah ka qaataan isbedelladda soo socda si loogu guuleysto hadafka ah in la helo dowladd rasmi ah oo karti leh iyo iney dalka ka saarto marxaladaha adag.

“Bulshada rayidka waa iney kaalin hogaamineed ka qaataan arrimaha bulshada sida, Waxbarashada,Caafimaadka, dhamaan adeegyadda bulshada iyo in Bulshada Rayidka lagu dhiiri geliyo iney si joogta ah ula xisaabtamaan dowladda si loo gaaro maamul wanaag dhameystiran”.

Waxaa kaloo warbixin laga bixiyay Roadmap-ka iyo hormarka laga sameeyay iyadoona la xusan in Roadmap-ka la saxiixay 6-dii September, markaa kadib waxaa bilowday in Soomaalida ay dalka gudihiisa shirar ku qabsadaan kana hadlaan mustaqbalkooda iyagoona isku xirmay gaaridda maamul gobaleedyada, Bulshada Rayidka iyo dowladda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Dastuurka la soo dhameystiray 20-kii April muddo 8 sano kadib, Dastuur ku saleysan Shareecadda Islaamka iyo xeerarka Soomaaliyeed, Wadatashiyo lala sameeyay bulshada rayidka welina ay sii socon doonaan inta laga ansixiyano dastuurka

“135 Oday dhaqameed ayaa soo xuleyso Ergadii Ansixin laheyd Dastuurka oo dhan 825, 15 may ayay isku imaan doonaan oo ay ka doodaan Dastuurka-Ansixintoodana ay noqoneyso mid Kumeel Gaar ah inta laga helayo Afti guud ee Shacabka, iyo in June bartamaheeda Dib u habeyn lagu sameeyo Baarlamaanka la helana Baarlamaan tayo leh”.

Ugu dambeyntii Bulshada Rayidka ayaa lagula dardaarmay iney kaalin hogaamineed ka qaataan oo ay la shaqeeyaan Odey dhaqameedka oo ay ka saacidaan sidii loo soo xulli lahaa Ergo tayo lehoo si wanaagsan uga doodi kara dastuurka kuna sameyn karta isbedelada laga mamaarmaanka ah si ay KMG u ansixiyaan, islamarkaana ay bulshada rayidka ah ay kaalin firfircoon ka qaataan wacyi gelinta bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ka shaqeyso nabadeynta iyo xasilinta dalka iyo waliba in Bulshada Rayidka iyo dowladda ay isku xirmaan oo ay yeeshaan wada shaq1eyn dhab ah iyo in Bulshada Rayidka ay ka mid noqdaan guddiyada soo dhaweynta iyo fulinta shirarka soo socda.

Halkaan ka Daawo 

Conflict of interest

First, you need to know the definition of conflict of interest:
“We can define a conflict of interest as a situation in which a person has a private or personal interest sufficient to appear to influence the objective exercise of his or her official duties as, say, a public official, an employee, or a professional.”

kala guurka

Qodobka kale ee Dastuurkan qabyo qoraalka ah ku jira, ee u baahan in la iftiimiyo ayaa ah Xuduudaha dalkaDastuurkan qabyo qoraalka ah, laguma qeexin soohdimaha dalka, halka lagu caddeeyey Dastuurkii Dawladdii 1960-kii, ee la qoray maalmihii xorriyadda, Dastuurkii Dalwaddii Carta ee 2000-dii ee laguu soo dhisay Jabuuti, ee C/qaasim Salaad Xasan madaxweyne ka haa iyo Dastuurkii 2004-tii ee DKMG ee lagu soo dhisay wadanka Kenya, ee C/laahi Yuusuf madaxweyne ka ahaa. Arrintan waxaa xoog u yeelaya, in Soomaaliya aysan ku qanacsanayn xuduudihii uu gumeysigu ka tagay, doodna ay ka qabto, wixii dalka dawlado soo marayna marna aysan aqbalin. Haddaba, jihooyinka soohdimahaJamhiiriyadda Soomaaliyeed waxaa lagu qeexaa sidan:

-Waqooyi, waxaa kaga beegan: Gacanka Cadmeed

-Waqooyi Galbeed, waxaa ka xiga: Jabuuti

-Galbeed, Waxaa kaga aaddan: Itoobiya

-Koofur iyo Kuufur Galbeed, waxaa ka jira: Kenya

-Bari, Waxaa kaga dayran: Badweynta Hindiya

Caasimadda Muqdisha

Qodobka kale ee Dastuurka qabyo qoraalka ah ka mid ah, ee isna u baahan in la qeexo ayaa ah:Caasimadda Muqdisha, weydiintuna tahay; sidee laga yeelayaa? Dabcan waan filaa, in loo wada joogay murankii laga keenay Muqdisha, intii uu socday Shirkii Garoowe 2, heer la isla gaaray, in ergadii Martida loo ahaa, ay shirka isaga baxaan, marti caroonaysa, oo ergo u fadhida goobta ku bannaysay, xeer ma ka yaal? Hadduu ka yaal, muxuu yahay? In lala tiigsado raggii ku xadgudbay mudan.

Weydiinta u horraysa ayaa ah, maxaa mar walba muran loo galshaa, maqaamka Muqdisha? Magaalooyinka wadanka ugu waaweyn hadal lagama keenee, maxaa Muqdisha kaliya dooddeedu u dhalataa? Kismaayo, Hargaysa, Garoowe iyo magaalooyinka la midka ah, marna ma maqalno muran ku aaddane, maxaa Caasimadda Muqdisha mar walba looga murmaa? Hubaal in ujeed ka dambeeyo.

Mid waan filaa inaan muran ka jirin, in deegaan walba dad leeyahay, xitaa kuwooda bannaan, ee aan markaa la daganayn, aan bal tusaalo ku muujiyo, gobollada dalka, dhammaan lama wada degana, bal Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada “Lama dagaanka ah” ma ahan in dhulkeennu Saxare yahaye, ee maadaama dad ahaan aan aad u yarnahay, dhulkuna aad nooga weyn yahay ayaa sidaa loo yiri.

Haddaba, haddii dhulku naga soo harayo, mayee, aanba ka deggan nahay wax aan dhammayn 13%, maxaa keenay in deeganno la isku qabqabsado? Kumaba sii jirto, haddii is qabqabsigu keenay, in dhul dad leeyihiin la dhaafinayo, sidaa awgeed, Muqdisha dhul ahaan, hubaal in dad leeyahay, Caadimad ay noqotana, dadkii dhulka lahaa kuma weyn karaan.

Maxaa yeelay, sida Dhuusamareeb dad u leeyihiin, ayaa Muqdishana dad u leeyihiin, haddii la yiraa: Muqdisha lama kala xigo, oo waa caasimaddii dalka, saw ma noqonayso: “Waxayga anaa iska leh, waxaaga kula ihi” Micnaha sida Dhuusamareeb dad u leeyihiin, ee aan lala wadaagin, saw ma ahan in Xamarna sidaa noqoto? Taa kama dhalanayso inaysan ahayn caasimadii dalka.

Dhanka kale, waaba su’aale: Miyeysan dhici karin, in Xamar Caasimad ahaato, maamulna ay yeelato, dadna yeeshaan? Weydiinta aan si kala u dhigo: Miyey is diidayaan caasimadnimada Muqdisha iyo Maamul cidi leedahay inay isla noqoto? Wallee Soomaali looga maara waa; sadbirsi iyo xerataraar!

Haddaba, miyeysan habboonayn, inaan dadka la sii kala dilin? Illeen Carrab ku celcelinta Caasimadda Muqdisho dadaa ku sii durgayee, waa haddii la tixgalinayo muwaaddinnimo, walaaltinimo, wadanoolaasho, darisnimo iyo xigaalnimo, haddii kale, colaadda meeshii laga damin lahaa, ha la sii huriyo, wixii laga dhaxlo, yaanba wax la iska siin!

Dastuurro is diiddan

Marka laga soo tago qaab qoraalka Dastuurkan qabyo qoraalka ah, ee la doonayo in dadka lagu siro ama lagu socodsiiyo, waxaa jira Dastuurro kale, oo wadanka ka jira, oo aan aad uga duwanayn midkan hadda la soo wado iyo kuwii horay u jirayba, dabcan waxaa kaw ka ah kan Somaliland, haddana, ma qodobaynayo, illeen iyagu waxayba sheegteen inay dalka ka go’een, una dhaqmayaan sidii dawlad madax bannaan oo kale.

Midse aan caddeeya, in Dastuurka Somaliland yahay Dastuurka qura ee xalaal lagu tilmaami karo, ee looga dhaqmo gudaha Soomaaliya, xalaal waxaan u iri, waa Dastuurka qura, ee afti dadweyne lagu meelmariyay, waxaan wada xusuusannaa kumannaankii Suulka qadda ku wada lahaa, ee Waayeel iyo Dhallinyaro, Rag iyo Haween, Masuul iyo Muwaadinba ka sinnaa, kaliya ma ahan, ee waa Dastuurka qura ee aan qol mugdi ah lagu madiidin, ama toboneeyo aan cidna matelin loo xilsaarin meelmarintiisa, waa tii la yiri: “Xalaal barqaa la quutaa” iyo “Hillaac biyihiisuu caddaystaa”.

Balse, layaabka ayaa ah marka aad akhriso Dastuurka Maamulka Puntland ansixiyey, waxaad arkaysaa wax marna kaa qosliya, marna kaa yaabiya, mudane Faroole inuu sanad kordhistay ka sokow, waxaa Dasturka ku qoran qodobbo la yaab leh, haddaba aan tusaaleeyo:

Magac bixinta:

Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa kane aqriste ila eeg: “Dawladda Puntland ee Soomaaliya” Waaba weyndiine, ma dawlad goboleed baa? Mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad kale ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican”ka, ee ku taal Roma ee wadanka Italay, iyana iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey ku samaysan tahay.

kheeyraadka Dabiiciga qodobka 53aad waxaa ku sheegan:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. Haddaba weydiinta ayaa ah:Puntland ma gobol Soomaaliya ka tirsan baa? Mise waa dawlad madax bannaan?.

2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah. Mar kale weyndiinta ayaa ah: Puntland inay sheegato awooddii dawladda dhexe, ma saxbaa?.

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah. Mar kale, oo haddaa dawladda dhexe maxay ku qaybsan tahay?.

Aqriste, adoo maanka ku haya qodobka Jinsiyadda ee ku jira Dastuurka qabyo qoraalka, bal Dastuurka Puntland sida uu uga hadlayo eeg, “dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland” Waaba weydiine, Qabiil qura Jinsiyad ma qaybin karaa? Maya, horta isagu ma yeelan karaa? Maya, Puntland ma qabiilbaa mise wa qaran? Maya, Puntland ma dawladbaa mise waa maamul goboleed?

Meesha maradu uga dhacday –aan ka soo amaahdo Shariife- waa sida la isu qabadsiinayo labada Dastuur, kan Puntland meel marisay iyo midkan qabyada ah ee la soo wado, aqriste bal sida ku qoran Dastuurka Puntland eeg:

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno Sharci yaqaanno  iyo Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan Dastuurka Puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.

2. Inta lagu dhammaystirayo Dastuur Federaal ah oo Puntland ansixisay, dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyo, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madax bannaan.

Waaba su’aale, hadday madax bannaan yihiin, maxay Soomaalida inteeda kale u labayaan? Maa sida Somaliland bannaaka iska joogsadaan? Waa yaab, mana nala joogaan, mana na dhaafsana, aqriste, bal labadaa wax u dhexeeya miyaad ogtahay? Illeen maahmaahda ayaa ahayd: “Bisayl iyo ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa yacyacood”.

Midda meesha ku jirta ayaase ah, maxaa Somaliland guddi ay ku jiraan iyagu loogu dirayaa, iyaga ayaaba u baahan wax guddi  u diree, oo ka keena inay go’een iyo inay gayiga Soomaali la wadaagaan?.

Dastuur duran.

Dastuurkan qabyo qoraalka ah, ee DKMG ah soo waddo, marka laga soo tago qaab darradiisa iyo qodobada is diiddan ee ku jira ama ku qoran dastuurrada kale ee dalka laga hirgaliyey, waxaa jira aragtiyo kala duwan oo laga baxshay, ayna ka dhiibteen qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, siyaasiyiin, aqoon yahanno, garsoorayaal, sharci yahanno, qareenno iyo aqoon yahanno, oo dhammaan wada muujiyeen walaaca iyo walwalka ay ka qabaan dastuurkan oo sidan lagu dhaqangaliyo.

Ra’isul wasaare Gaas oo muddo sii horreesay ka badbaaday qaarijin sida hadalka loo dhigay, hoygiisiina ka huleelay, waaba hadduu hurdee, ayaa maalmahaan Wardigiisu noqday ansixinta dastuurka, goob walba, iyo goor walba wuxuu ku celceliyaa in dastuurka la qaato, dabcan waa sida uu jecel yehee, siyaasina waa yehee, wali iskuma dayin inuu dadka ka qanciyo qodobada dareenka dhaliyey dooddana keenay, taa badalkeed, wuxuu fekerkiisa isugu geeyey kaliya inuu naadiyo in dastuurka la qaato.

Dhanka kale, waxaa isa soo tara cabashada laga muujinayo dastuurka iyo cod dheerida lagu diiddan yahay, haddana cid codkaa maqasha ama isku dayda inay dhagaysato ma jirto. Aan ka billaabo inay si toos ah beelo Soomaaliyeed uga horyimaadeen dastuurkan, iyagoo sheegay inaan dan Soomaali iyo mid samaanba lagu saabayn dastuurka, yaan lagu xugmin beeshii diidda dastuurkan dawlad diid, illeen maqalka eragan ayaa nagu batay dharaarahan, qofkii aragtidiisa cabbirana noqonayo dawlad diid iyo qaswade, aniga iima bixin!

Isla sida ay beelahaa Soomaaliyeed u diideen, waxaa iyana u diiday dastuurkan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Mudane Cali Khaliif Galayr aasaasaha Maamulka “Khatuma State” wuxuuna sheegay dastuurka oo sidan lagu hirgaliyaa inaysan dan ugu jirin umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, isla duridda dasturka waxaa isna docda fog ka soo far fiiqay mudane Faysal Cali Waraabe, oo sheegay inuusan Soomaalina anfcayn, Somalinad uusan waxna u tarayn.

Ujeedka ma ahan in druid iyo dacaayad kaliya loo joogo, balse, maadaama dadkii dhagaha laga laga furaystay, ayaa qof walba kalkiis hadlay, haddii la leeyahay yaan la hadlinna waaba mid kale.

Posted on April 30, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: