Xildhibaan ugu baaqay Shacabka Somaliyed in aa la ansixin Dastuurka

Muqdisho APRIL 29, 2012 (MMG)  – Xildhibaan ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in qabyo qoraaleedka Dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka ay diyaarintiisa gacanta ku hayaandad ajinabi ah oo aan Soomaali aheyn.

Xildhibaan Cali Aadan oo ka mid ah barlamanka KMG Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in Dastuurka dalka gacanta loo galiyay dad ajinabi ah oo uu sheegay inaysan ka naxeyn Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Cali Aadan ayaa waxa uu sheegay in dal waliba Dastuurkiisu uu ka saleeyo Diintiisa, hase ahaatee Dastuurkaani uu hareermarsan yahay Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

“ Umad waliba Dastuurkeeda waxa ay ku saleysataa oo ay sal ugu dhigtaa ugu horeyn Diinteeda, markeeda labaad wixii dhaqankeeda aan la socon karin waa laga reebaa, aniga qodobada ma ogi laakiin waxaan maqlayaa ninkii Gaal ahaado wuu u tar tami karaa Madaxtinimada dalka, sidoo kale waxaan maqlaynaa Ragga iyo Dumarka waa isugu mid” sidaasi waxa yiri Xildhibaan Cali Aadan.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay aan la ansixin Dastuurkaasi iyagoo ka fakaraya dalka, dadka iyo Diinta islaamka.

Dastuurka ayaa la aaminsan yahay inay si toos ah ugu  soo horjeesteen qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Culuma’udiinka Soomaaliya kuwaasi oo sheegay in Dastuurka uu yahay mid ay ku jiraan waxyaabo ka horimaanaya Diinta islaamka.

Posted on April 30, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: