Diyaarad Odayaal Dhaqameed Ka Soo Qaadi Lahayd Gedo oo Lagu Rasaaseeyey Doolow

May 1, 2012 – Doolow (MMG) Sida ay xaqiijinayaan saraakiil ku sugan gobolka Gedo waxaa galabta dib u soo laabtay diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo gaoonka diyaaradaha ee degmada Doolow utagtay inay sooqaado ku dhowaad 20 oday dhaqameed oo lagu waday inay ka qeybgalaan shirka ansixinta dastuurka ee dhowaan Muqdisho ka furmi doona.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo ay soo kireysay Qaramada Midoobay la rasaaseeyey ka dib markii ay isku dayday inay cagadhigato garoonka degmada Doolow ee gobolka Gedo halkaasoo ay ku sugayeen odayaasha ay soo qaadi lahayd, waxaana diyaaradu ay dib ugu laabatay dhanka wadanka Kenya.
Odayaasha labaatameeyada ah ayaa ka kala yimid degmooyinka Gobolka Gedo waxaana ay ahayd in maantaba ay gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirka ansixinta dastuurka oo Muqdisho ka furmi doona xilli dhow.
Ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka laguqaaday diyaarada, waxaana garoonka Doolow dib uga laabtay odayaashii safarka ahaa.
Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo uu kamid yahay fudoomiyaha gobolka iyo taliyaha saldhiga degmada Doolow ayaa ku tilmaamay weerarka inay geysteen maleeshiyaad deegaanka ah balse tallaabo laga qaadi doono.
Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa weerarkan illaa hadda.
Dhanka kale masuul ka tirsan wasaaradda dastuurka oo ku sugan Muqdisho oo Raxanreeb la xiriirtay ayaa xaqiijiyey in ergadii gobolka Gedo maanta ay baaqdeen laakiin ay rajeynayaan in maalmaha soo socda ay Muqdisho soo gaaraan.

Posted on May 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: