Guddiga Cadaaladda barlamaanka oo sheegay in Xildhibaanada kasoo horjeeda Dastuurka loo diiday Madaxtooyada


Muqdisho May 1, 2012 (MMG)- Guddiga Cadaaladda barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Gaas uu  Xildhibaanada kasoo horjeeda Dastuurka ka mamnuucay inay gudaha u galaan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Xildhibaan Cali Max’ud Faarax Cali Seeko oo ka tirsan guddiga Cadaaladda barlamanka ayaa waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu soo saaray Warqad uu ku diidayo in Xildhibaanada barlamanka ee kasoo horjeeda ansixinta qabyo qoraalka ay soo galaan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in taasi Ra’iisul wasaaruhu uu ku doonayo in uu ku colaadiyo Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in warqaddu ay ku qoran tahay Xilddibaanada kasoo horjeeda ansixinta qabyo qoraalka aysan kasoo gudbi karin Kontorolka ugu horeeya ee Xarunta Madaxtooyada.

Cali Max’ud Faarax Cali Seeko ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya in uu soo fara galiyo arrintaani oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aan loo dul qaadan karin, islamarkaana lagu horistaagayo Xildhibaanada qaranka ee Soomaaliya.

Hadalka ayaa waxa uu imanaayaa xilli is jiid jiid iyo dood xoog leh ay ka taagan tahay ansixinta qabyo qoraalka oo Xildhibaanka uu sal kaga dhigay in warqadda kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaare Gaas ay ku qotonto arrintaasi.

Posted on May 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: