Dastuurka Qabyo Qoraalka oo dhaliyay arimo xasaasi ah iyo hanjabaado oo ay barbar socdaan

image

01 May, 2012  -Xiisadaha u dhaxeeya Kooxda uu Horboodaayo Wasiirka1aad ee Dowlada KMG ah Cabdiweli Gaas ayaa la sheegay iney soo food saartay xaalad qalafsan kadib markii Bulshada ku nool Konfurta & Bartamaha Soomaaliya ay aad uga soo horjeesteen qaabka loo maamulay Qabyo Qoraalka Dastuurka, waxeyna Taasi horseeday in Hadal hayeenka Kooxdani C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] ahna afhayeenka gaarka ee raysul wasaaraha KMG ah uu saakay shaaca ka qaado in lala xisaabtami doono dad uu ku magacaabay ‘qaswadayaal’ oo afka qalaad lagu yiraahdo “spoliers” kuwaasoo uu sheegay inay mucaaradad weyn ku fureen dastuurka cusub.

Hadal hayeenkaan Mr. Yariisow ayaa hanjabaado u jeediyay Bulshada Muqdisho iyo Xuldhibaano uu ku tilmaamay iney yihiin qaswadayaasha la calaameeyey isla markaana waqti dhow tallaabo laga qaadi doono. wuxuuna sheegay:-

“Kooxahan waxey caadeysteen inay si khaldan u sharaxaan Qabyo Qoraalka Dastuurka oo ay ujeedooyin kale ka leeyihiin. Dastuurku waxuu ku ansixi karaa oo kaliya afdi dadweyne, shaqsi walbana waxuu heli doonaa fursad uu ku sameeyo isbedel, ku daris iyo ka dhimis. Shaqsiyaadkan iyagoon akhrisan ayey waxay been ka sheegeen arrimaha dastuurka sida jinsiyada iyo Diinta ee Qabyo Qoraalka” ayuu ku yiri afhayeen Yariisow war saxaafadeed uu soo saaray.

Inkastoo Yariisow uusan sheegin cida la xisaabtameysa dadka uu sheegay inay yihiin qaswadayaal iyo kuwa ay yihiin ayaa haddana warbixin uu webkaan qoray bishii hore ayaa muujineysa in Wakiilka UN-ka Mr. Mahiiga uu u gudbiyay Wakiilada daneeyay arrimaha Soomaaliya ee la magac baxay beesha caalamka IGAD, AU, QM, EU iyo dawlado qaarkood ay diyaarinayeen liis ka kooban 20-25 xubnood oo u badan mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya kuwaasoo lagu eedeynayo inay ka mid ahaayeen raggii riday Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kooxdani oo markii ay ku fashilmeen iney wax ka qabtaan amaanka Magaalada oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhaceen Qaraxyo qaarkood laga soo abaabulay xafiiska Wasiirka 1aad ee Dowlada KMG ah ayaa hataan ku dhiiranayaa iney iney isugu geeyaan 135 Odayaal Dhaqmeed oo taageeraayaal u ah Ra’iisul wasaaraha Dowlada KMG ah kuwaasoo la doonaya iney soo xulaan ergada 825 xubnood oo iyaguna soo xuli doona Xildhibaanada.

Odayaasha Dhaqnaka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Aqoonyahannada ayaa ka digay in qabyo qoraal ay koox si gaar ah u soo qortay iney ka ansixiyaan koox taageeryaala kuwaasoo dantii guud ka hormarinaya midooda gaarka ah, , waxeyna sheegeen in Dastuurka uu yahay mid la rabo in lagu dhaqo Shacbiga Soomaaliyeed isla markaasna loo baahan yahay in aan cabsi hanjanaabo, cago jugleyn ku tagrifal awood xafiis iyadoo dano beeleed la fulinaayo lagu ansixin, waxeyna sheegeen in cawaaqib xumada ka dhalata talaabooyinkaasi oo ay ugu dambeysaya tii saakay ka soo yeertay hadal-hayeenka xafiiska Wasiika 1aad ay masuuliyadooda dhabarka u ridan doonaan, waxeyna ka digeen in kooxhani ay dib u soo nooleeyaan dagaaladii sokeeyo ee dalka la degay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Posted on May 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: