Ma aqbaleyno in nalagu sanduleeyo dastuur ka horjeeda danaha ummada”

 01.05.2012 – Dastuurka qabyada ma qasabbaa in la qaataa?!

Dastuuroow maxaad tahay?

01.05.2012 – Dastuurku waa nidaam qoran oo ku seesan xeer ummadeed ku salaysan heshiis iyo is afgarad bulsho, xeer ummadeedkan ayaa ah mid la waafajinayo marxaladda nololeed ee dhaqan dhaqaale ee meeshaas ka jirta, waana in lagu saleeyaa laguna sargooyaa qaabkii ay ummada xeerkaas loo samaynayaa u heli lahayd nidaam dowlideed, oo ku fadhiya sinnaan cadaalad, horseedi karana nabad iyo horumar.

Xeerkani waa inuu noqdaa mid qof kasta oo markaas nool iyo mid dhalan doonaba siinayaa xuquuq buuxda oo aan lahayn kala sarrayn iyo mudnaan gaara. Waa inay jiraan hay’ado loo celiyo oo awood u leh ilaalintiisa, wax ka bedelkiisa iyo wax ku daristiisa. Waa inuu jiraa garsoor iyo cadaalad dhisan isla markaana si awood iyo xaq ah ku hirgeliya waxay ummaddu isku raacday.

Yaa dastuur iyo xeer bulsheedka sameeyn kara?

Waxaa dastuur samayn kara dad bulsho iska dhex xusho, kuna yimid rabitaanka bulshada doonaysa inay hesho dastuur iyo nidaam dowladeedka oo lama huraanka ah, ayna ku kalsoon yihiin, haddaba shaqsi dowlado shisheeye keensadeen ama ay soo xuleen oo aan doorasho iyo igmasho shacab midna ku imaan, miyuu samayn karaa dastuur, qeynuun bulsho iyo xeer ku salaysan cadaalad? Waa maya, taas macnaheedu waa (Hal booliya Nirig xalaala ma dhasho!) dastuurka ummadeed waxaa samayn kara marka ugu horreysa dad isku dhafan dhinacyo badan ka socda, dhinaca diinta, dhaqanka, siyaasada, sharciyada, iyo arrimaha bulshada, xuquuqul insaanka, aqoon buuxdana u leh dalka iyo dadka iyo deegaantiisa, laguna yaqaan daacadnimo,hawlkarnimo, wadaniyad, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo, dadka sifooyinkan leh ayaa hirgelin kara oo aas aasi kara dhagaxna dhigi kara dastuur ummadeeed.

Yaa loo sameeyaa dastuur?

Waxaa loo sameeyaa Dastuur iyo xeer bulsho dad aan lahayn dastuur hore iyo xeer bulsheed oo ama markaas ummada kale la midoobay, oo xeer cusub oo ay ku wada noolaadaan dejinaya ama markaas xoroobay ama markaas ka go’ay dal ay wadaag iyo mid ahaayeen.

Haddaba, innagu saw maynaan lahayn dastuur (Rag iyo Dumar) u codeeyeen? Oo aan samaysanay Lixdankii(1960) ay labadii gobol ee Soomaaliyeed midoobay ku midaysnaayeen oo laysku raacay, maxaa kellifay in dastuurkeenii laga tago, oo aan mid cusub qaadano? Yaa dani ugu jirtaa?.

Ummada Soomaaliyeed waxay leedahay dastuur xalaala, oo dadkii xalaasha ahaa ee aan qiyaanada iyo danaysiga aqoon u qoreen, oo laysku raacay, maadaama ay sidaasi jirto, haddii wax laga bedelo marka dowlad rasmiya la helo ayaa muhiim ah in wax laga bedelo, oo gole shacab oo la soo doortay ka doodaan qodobada aan xadaaradda iyo marxaladaha isbedelka la jaanqaadi karin, balse, maaha wax macquul ah ummad dastuur iyo nidaam lahayd in la yidhaahdo kaagii hore ka guur oo mid cusub ayaan kuu keenayaa, hana ka hadlin, hana ka doodin “duuduub ku liq” “Mire daray duuduub ayaa lagu liqaa” ayaan maqli jiray.

Aqoonyahanka ku hawllan dastuur samaynta, ee shaqadiisa wada ha noqdaane ama Madaxda maamulka dowladda ku meel gaadhka iyo maamullada kale ee jira wadankuba hadday xal u arkaan in ummadsa Soomaaliyeed la majara habaabiyo, oo la dooriyo jirintaankooda, loona horseedo burbur iyo in dalkooda laga dhigo (Waqaf) waa in bulshada Soomaaliyeed iyadu ka hadashaa masiirkeeda iyo mustaqbalkeeda oo aanay mid madoow iyo mid cad iyo mid iyaga u eg toona u daba fadhiisan hannaankooda dowladnimo iyo aayahooda danbe.

Halku dhigga madaxdeenu wuxuu noqday “bulshada caalamku waxay rabtaa, waxay dhaheen iyo waxay doonayaan in la sameeyo” balse, kama maqlaysid bulshada Soomaaliyeed waxay rabtaa, waxay dhaheen iyo waxaasay doonayaan toona. Wax walba oo loo sheego lana yidhaahdo kama doodi karaan, mana diidi karaan, ee jawaabtoodu waa (Haye) iyo (Haa). Abwaanada Soomaaliyeed hore u yidhaahdeen i iyagoo ka soo horjeeda in qofku wax walba oo wax dhimaallihiisa ah iska qaato, isaga oo aan berri iyo timaadaba waxay noqon midna eegaynin:

(Abwaan cali dhuux)

Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne

Dheddigaanshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada e

Haddayan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene

wax ka dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine

( Abwaan salaan Carabeey)

Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu Xaaraane

Dhadhan malaha aadmigu waxay kugu dhalliilaane

Nin Dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye

Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.

Waxaa kale oo dhacday, nin qurbajoog ahaa ayaa la yidhi: walaalkaa waa Doqon, ninkii hadalkii iyo farriimihii walaalkii uga imanayey wuu dhibsaday, berigii danbe ayuu soo noqday oo yimid dalkii, waxuu tegay halkii walaalkii joogay, oo ahayd meel baadiye ah,

markaasuu walaalkiis la kulmay, waxaa uu is yidhi bal arrinkii isaga ahaa, ee walaalkaa lagu xaman jiray ka wardoon, sheekadan ayaana dhexmartay:

Qurbajoog: Walaal deegaankeenu waa abaaroobey ee aynu Geela sii dayno (Xer geyno).

Doqonkii: Haye walaal.

Qurbajoog: Waxaynu u sii daynaynaa ayuu yidhi hawd iyo haradigeed meeshaasaa geed lagu sheegay iyo naq haraadiya.

Doqonkii: Haye walaal

Qurbajoog: Walaal haddaynu u sii dayno Geela, oo u xer geyno Nugaal iyo Sool ka warran?.

Doqonkii: Haye walaal

Qurbajoog: Walaal hadday Saraar iyo Guban iyo dhankaa xeebta u kaxayno Geela ka warran?

Doqonkii: Haye walaal

Qurbajoog: Ayaa xanaaqay oo yidhi: war waxuun nagu khilaafa ama sababee, oo dheh meeshaas colaad baa ka jirta, meeshaasii Xagaageedu ma fiicna, meeshaas Geela uma roon! Wax igu soo kordhi waxna igu raac waxna iga diid .

Doqonkii: Haye walaal

Sheekadan gaaban waxay ku tusinaysaa hoggaanka dalku inay yihiin (Mudane Haye Ama Yes Man) ee aan lahayn talada iyo tusaalaha, ee aan lahayn odoroska iyo hilaadinta timaadada ku taamilo qaadashada iyo xasuusta tagtadii hore, inay wada yihiin.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa la gudboon laba arrimood middii ay xal moodaan, inkastoo hadda siyaasiyiin badan oo dalka magac ku leh iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo beellaha qaarba diideen, haddana, “weli fari kama qodna Faanoole” sababtoo ah sheekada maanta la saxeexaa waxaa u aayi doonaa qarniyada soo socda kuwa iman doona, haddiiba la sii noolaado waxaana masaamiirta iyo qodxa badan ee hadda ku jirta dastuurkani aafayn doonaa kuwaas.

Waxaan sheekada ku maqalnaa dadka deegaanka ku ahaan jiray Austerelia iyo Amerika iyo hadda waxa ay yihiin, taas oo markhaati kaaga noqonaysa haddii qodobada qaar aan la bedelin, sida mustaqabla ubadkeena uu noqon doono, sida red indianska waxaan uga digayaa dadka wax xulaya iyo kuwa la xulayo inaysan ku degdegin wax dalkooda iyo dadkooda wax u dhimaya, anigoo arinkaa ka hadlayaa ayaa waxaan idhi: tixdan yar

Dhegihii daloolaa

Waanadu dawaysaa

Damacii fayoowbaa

Ku duxaa wax sheegiyo

Dubaaqii aqoonlaa

Tan danbeysa dhaadee

Illeen doqoni waa moog!

Dastuurkaagii hore tuur

Mid dirqiyana qaadoo

Ha ka doodin Maandhow

Ma daliil kitaabiyo

Dacwadii rasuulka(csw)?

Mise waa dan gaaroo

Dadka qaarkii dooneen?

Ma degreeto qaranbaa?

Ma dareenka shacabka?

Ma danbaa ma duminba?

Ma ku duug saxeexoo

Indhahana ka dado’oo

Ha dareemintii baa?

Ma dirkii galbeedkiyo

Damacii ba’naayee

Dulmigii gumaystuhu

Dabinkuu dhigayaa?

Allaa deeqda bixiyoo

Quudiya dadkiisee

Iska daa ku wacanaa

Intaan daadku kula tegin!

Dastuurka waxaad mooddaa in la qariyo ama wax ku hoos duugan yihiin, oo dano gaar ah laga leeyahay, haddii dastuurka aan wax laga siin shacabkii xaqa u lahaa taladiisa, sidee baa hadhoow loogu xukminayaa, oo qodobadiisa iyo qawaaniinta ku qeexani u qabanayaan? Illeen waaba laga qariyee, oo qol mugdiya ayaa qolyo gaara, oo dan ka lehi la galeene, markaan arrinkaa arkay ayaa waxaan idhi:tixdan yar

Qoolleey haddii ay

Qoorqabadkii diiddoo

Qasab lagala quustay

Qof ma yeeli karayaa?

Qabyadaa iyo qoraalkaa

Dastuurkaa qadhaadhee

Qaydhiinka laga dhigay

Qoomka loo qoraayana

Ka qarshaay la leeyahay

Qabarkaa ku hoos jira

Qorshe reero kale iyo

Quruumo aan la garanayn

Qalinkii saxeexoow

Qarankeena iibshoow

Qowmiyadda Soomaal

Ruuxii qiyaamee

Qarash dhaafsanaayoow

Qaar horaa ku daalee

Qabqablaa ka noogee

Qaladkaad samaysaan

Qalinbaa qoraayoo

Dad aan quusan baa jira

Qalbigoodu noolyahay

Qarankooda daafaca

U qareena weligood

Qunyar dhiga tallaabada

Qamuunyaa danbaysee

Qadaf kii sameeyoo

Qoortaa lagaa qaban

Qoolbaa ku sugayoo

Beri baad qisaas geli.

Haddii aan bulshada Soomaaliyeed foojignaanta iyo kartida hadda qaarkood muujiyeen la wada imaan, oo aan af iyo adinba looga hortegin hadimooyinka ay wadaan dadka danaha gaarka leh, meel shishe ayaa laynaga eegi doonaa, dal iyo dadba goor aan si weydiin iyo calaacal iyo hadal wax tarayn, oo Xeedhiyo Fandhaal kala dhaceena la gaadhi doono, haddaan maanta si dhaba ah looga hortagi, haddimada iyo hagardaamooyinka soconayaa ee ku saabsan dhaqangelinta dastuurka cusub, markaan leeyahay dastuurku idil ahaan ma wada qaldana waxaa ku qoran, balse qaybaha ka hor imanayaa dareenkeena iyo danaheena guud waa in si weyn looga taxaddaraa looga feejignaada.

Posted on May 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: