Somaliland oo u Digtay Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta Ka Qaybgasha Shirka Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Hargeysa May 1, 2012 (MMG)-Shir laba geesood ah oo ay Masuuliyiinta maamulk Somaliland iyo 85 ka tirsan Salaaddiinta dhaqanka ee beelaha deegaanada Somaliland, ayaa maanta lagu soo gebo-gabeeyey Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu saaka ka furmay.

Shirkaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) furay maanta, isla markaana ay ka qaybgaleen Wasiirrada Arrimaha gudaha, arrimaha dibedda, Beeraha, La-taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka tirsan, ayaa lagu marti-qaaday 85 Suldaan, kaasoo ujeeddadiisa lagu sheegay shir loogu yeedhay Shirka is-xog-waraysiga Xukuumadda iyo Salaaddiinta ee Siyaasadaha arrimaha dibedda iyo gudaha ee Somaliland.

Markii uu Madaxweyne ku-xigeenku furay shirkaas, hadal koobanna ka jeediyey, ayaa warbaahinta dibedda looga saaray, isla markaana ay albaabbada isugu xidheen madaxda Xukuumadda iyo Salaaddiintu, ka dib 1:00 duhurnimo maalinnimo ayaa warbaahinta dib loogu yeedhay, waxaana halkaa dhawr Suldaan ka sheegeen go’aammo ay sheegeen inay Xukuumadda iyo Salaaddiintu iskula qaateen shirkaas.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka dib kulan ku dhawaaqay go’aannada shirka laga soo saaray waxa uu yidhi. “Waxa Shirka la iskula qaatay inuu Dembiile Qaran yahay nin kasta oo Siyaasi ah ama Madax-dhaqmeed ah oo isaga oo leh Somaliland baan matalayaa ka qaybgala Shirka Dastuurka Soomaaliya lagu ansixinayo ee Muqdisho lagu qabanayo, nin kasta oo ama siyaasi ha ahaado ama Suldaan ha ahaadee ka qaybgalaa waa dembiile.”

Suldaan Axmed Daahir, Suldaan Barre X. Xuseen Carraale iyo Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo iyaguna ka tirsanaa Salaaddiinta ku dhawaaqista go’aammada shirka lagu gaadhay loo xulay, ayaa si isku mid ah u sheegay inay Xukuumadda iyo Salaaddiintu isla qaateen, isla markaana wada sexeexeen, in la joojiyo, isla markaana aan la oggolayn in Ururrada siyaasadda ee ku hadhay wareeggii labaad ee kala reebista Guddiga diiwaangelintu samaysay inay muddaharaadyo sameeyaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo isna hadlay ayaa sheegay in maamulka uu walaac ka qabo in dad ku hadlaya magaca deegaanada Somaliland ay ka qeybgalaan shirarka ka dhacaya Muqdisho ee lagu ansixinayo dastuurka cusub iyo doorashada soo socota ee isbedelka dawlada KMG Soomaaliya, Wuxuuna ku baaqay inaan shirarkaasi la aadin.

Posted on May 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: