UNPOS, IGAD Iyo AMISOM Oo U Digay Hawiyihii Shalay Ku Shiray Hotel Saxafi.

image

30 April, 2012 – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka dhacay shir balaaran oo ay iskugu yimaadeen siyaasiyiin, aqoonyahan, xildhibaano, saraakiil iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye, waxayna shirkaas ku muujiyeen dareenkooda ku aadan qaabka mugdiga ah ee loo wado xiliga kala guurka, dastuurka qabyo-qoraalka iyo xulashada musuq-maasuqa huwan ee ergooyinka odayaasha beelaha. Shirkaas oo ay ka hadleen odayaal ay ka mid yihiin Xil. Muuse Suudi Yalaxow, Gen. Yusuf M. Siyad Indhacade, Prof. Max’ed Faarax Jimcaale, Xil. Salaad Cali Jeelle iyo Nagadoon Max’ed Xasan Xaad ayay dhamaantood isku raaceen in beelaha Hawiye ay si adag u diidan yihiin qaabka kala guurka ee Road-Map ka, waxayna uga digeen beesha caalamka inay isku daydo inay meel mariso dastuurka qaldan ee lala ordayo.

Shirkaas kadib ayaa waxa maanta kasoo baxay xafiisyada hay’adaha gacanta ku haya howlaha Soomaaliya oo kala ah UNPOS, IGAD iyo AMISOM digniin culus oo loo jeediyay beel-weynta Hawiye in haddii ay ka hortimaado dastuurka iyo Road-Map ka lala tiigsan doono sharciga beesha caalamka sida in loo gudbiyo wasiirada IGAD iyo booliiska caalamiga ah magacyada shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay mucaaradnimada gadaal ka riixayaan. Waxa kaloo loogu hanjabay beesha Hawiye in lagu soo rogi doono cunaqabateyn dhanka safarada iyo dhaqaalaha. Waxa sitoos ah hanjabaadan ay ugu socotay kooxo lagu tilmaamay inay yihiin danley-dhaqaale oo loola jeedo shirkadaha ganacsiga ee Muqdisho oo loogu goodiyay in laga qaadi doono talaabo dhaqaalahooda lidi ku ah, haddii aysan ka waantoobin dhadhaqaaqa ay ku diidan yihiin dastuurka qaybo qoraalka ah. Guud ahaan dadka loo hanjabay oo la sheegay in magacyadooda lasoo daabici doono ayaa waxa lagu sheegay inay ku jiraan xildhibaano, dagaal-oogayaal, siyaasiyiin, kooxo dano dhaqaale, kooxo warbaahinta adeegsada iyo aqoonyahanka dibadaha ku kala nool.

Go’aanka beesha caalamka ayaa waafaqaya hanjabaado iyo dhaliil kasoo yeeraysay beryahan dambe xafiisla Ra’isal Wasaare Gaas oo ku tilmaamay beesha Hawiye inaysan aqrin Dastuurka laakiin ay kala horyimaadeen diidmo. Waxaana laga cabsi qabaa haddii qilaafkan uu faraha ka baxo in beesha Hawiye ay mar kale soo xaraysato Al-Shabaab sidii ay sameeyeen sannadkii 2006dii, iyagoo ku xumaynayay madaxtinimadii Col. C/lahi Yusuf Axmed.

Posted on May 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: