Dastuurkan lala rooraayo waa mid aanay dani ugu jirin dadka, diinta iyo dalka Soomaaliyed

01.05.2012 – Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamanka KMG Somalia ayaa sheegay in dasturka cusub ee ay sameysay dowlada uu yahay mid khilaafsan danaha umada soomaaliyeed iyo Diinta islaamka aysana marnaba aqbli doonin in dalka lagu maamulo.

Muuse Suudi oo ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii 6 sano ka hor looga adkaaday magaalada Muqdisho ka dib markii ay dagaalo la galeen midowgii maxkamada Islaamka ee xiligaas jiray ayaa waxaa uu intaa ku daray in dowladu ay tahay iney wax ka bedesho qodobada muranka dhaliyey.

“Dastuurkan lala rooraayo waa mid aanay dani ugu jirin dadka, diinta iyo dalka Soomaaliyed, qoftii ka hadashane waa qaswadaa la yiri oo talaabaa laga qaadaa, marka umadaan ma waxaysan rabin ayaan lagu sanduleynaa yeeli meyno taas waana diidnay waana ka dagaalameynaa haddii nala qasbi maago” ayuu intaa ku daray Xildhibaan Muuse Suudi oo ka hadlayey kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo ay isugu yimaadeen waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan beelaha Hawiye.

“Aqbali meyno in nalagu maamulo dastuur ay ku qoran tahay qofkii ajnabi ah ee dalka jooga shan sano wuxuu noqonayaa muwaadin, Waxaan nahay 10-Milyan haddii ay 100-milyan oo Shiinees ah nasoo dul degaan shan sanana ay dalka joogaan waxay noqonayaan muwaadiniin, dalkana iyagaaba yeelanaya” ayuu yiri xildhibaan Yalaxoow oo intaa ku daray iney ka xumadeen in qaswadeyaal lagu tilmaamo iyagoo ka hadlayey oo ka keliya fekerkooda.

“Waan ogolaaneynaa dastuurkan haddii laga bedelo qodobada muranka uu ka jiro, mana diidanin oo waa u baahanahay dowladnimada, waxaase yaab leh in Qofkii wax garta oo hadasha la yiraah waa qaswade aan isweydiinee ma qof aan wax garanaa dalka u talinaya dadkana u hadlaya” ayuu intaa ku daray xildhibaan Muuse Suudi oo ay ka muuqatay shucuur aad u kacsan.

Hadalka Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku soo aadaya xili ay sii kordhayaan muranka iyo xiisadaha u dhexeeya xukuumada Somalia iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kaasoo salka ku haya diidmada lagala soo horjeestay dastuurka qabyada ah ee dowladu ay dooneyso iney dhowaan meel mariso.

Posted on May 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: