Xildhibaano Loo Diiday Inay Galaan Villa Soomaaliya

image

30 April, 2012 – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ku yaala iridda hore ee Villa Somaaliya gurigii uu lahaa Ayaanle Max’ed Siyaad Barre ayaa loogu faray ilaalada wadadaas fadhida, in laga mamnuucay iney xafiisyadaasi soo gaaraan Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Dowlada KMG ah

Xogtaan ayaa tilmaamtay in amarkaan uu soo saaray Ra’iisul wasaaraha Dowlada taagta daran ayaa lagu sheegay in liis ay ku qoran yihiin 20-25 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka KMG ah laga mamnuucay inay tagaan xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha iyadoo ciqaab looga dhigayo ka hor imaanshaha qorshaha dastuurka.

Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo la hadlay Web-kaan Wadanka.com ayaa sheegay in amarkan uu ka dambeeyey ka dib markii toddobaadkan kulamo xiriir ah oo lagu diidan yahay qabyo qoraalka dastuurka cusub oo ay ka qeyb galayeen mudanayaasha baarlamaanka ay ka dheceen magaalada Muqdisho. Mashruuca dastuurka cusub ayaa loo arkaa in hadda caqabadii ugu weyneyd ay ishortaagtay maadaama bulshada inteeda badan ay ka qeyliyeen kuna tilmaameen mid waxyaabo kale ku hoos qarsan yihiin halka madaxda dawladuna ay u arkaan in fashilka ansixinta dastuurka ay halis ku tahay habsami u socodka qorshaha dhabaha qariirada ee loo yaqaano “roadmap-ka”.

Amarkan ayaa xitaa sida ilo wareedyada qaar sheegayaan, wuxuu saameeynayaa odayaasha dhaqanka ee ka hor yimid dastuurka cusub kuwaasoo wixii hadda ka dambeeya irdaha laga soo xiran doono.

 

Posted on May 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: