Dhab Miyaa In Mahiiga uu Liiska Ku Daray Wadaado?

01 May, 2012 – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku dhow Xafiiska Danjire Mahiiga ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya  in liiska ay ugu yeeraan “spoliers” ee uu diyaarinayo xafiiska wakiilka Qaramada Midoobey Augustina Mahiga laga yaabo in ay ku jiraan Hogaanka Hey’adda culumada Soomaaliyeed ee uu madaxda ka yahay Sheekh Bashiir Axmed-Salaad iyo Madaxa Xarakada Majmaca Sheekh Axmed Dhicisowiyo iyo xubno kale ee tirsan ururo-Diimeedyada Soomaaliyeed. 

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Liiskaan ay ugu magac dareen Danjire Mahiiga & Taageeryaashiisa Soomaalda ah ee uu ugu Horeeyo Shariif xasan Sheekh Aadan & Wasiirka  1aad Cabdiweli Gaas Qaswadayaasha, iyadoo war saxaafadeed ay shalay si wadajir ah usoo saareen Igad, Qaramada Midoobey iyo Midoowga Afrika loogu digey dad la sheegey in ay hortaagan yihiin nabad iyo dowlad ka dhalata Soomaaliya.

Hey’adaan Culumada Soomaaliyeed ayaa laga yaabaa in ay ku muteystaan ku biirista liiskani maadaamaa ay kasoo horjeedsatay ansixinta dastuurka cusub maadaamaa ay ku jiraan qodobo diinta lid ku ah, iyadoo dhowaan lagu eedeeyay Danjire Mahiiga inuu meel uga dhacay Diinta Islaamka & Xuquuqda aadahana.

Augustina Mahiga iyo Gaas oo wada difaacay dastuurkaan ayaa sheegay in uusan ka soo horjeedin Diinta Islaamka, waxeyse dad badni is-weydiinayaan Dastuurka la isku qasbaayo Ma Somaliya ayaa lagu dhaqaayaa si kahasab ah marba hadii ay jiraan tiro badan oo Soomali ah oo aad uga soo horjeeda Qabyo Qoraalkaan, maxayse ku diidan yihiin Kooxahaan Hanjabaahada wada iney dadka talo geliyaan inta ay cabsi gelin lahaayeen? mise waxey doonayaan iney dalka dib ugu celiyaan dagaalada Sokeeye?

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegey in tani ay tahay fursaddii ugu dambeysay iyo digniintii ugu dambeysay, ciddii hadda taageeri weysa dastuurka iyo sida ay wax u socdaan, ama joojin weyso mucaaradnimada ay la tiigsan doonaan talaabooyin ciqaab ah.

Waxaa jira qodobo qabyo-qoraalka dastuurka ku jira oo si toos ah oga horimanaya diinta Islaamka, iyadoo sidoo kale ay jiraan qodobo mabaa’dii ahaan meel kaga dhacaya xuquuqaha asaasiga ah ee jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya.

Posted on May 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: