Jen. Indhacadde oo si kulul uga jawaabay digniin ay shalay si wadajir ah u soo saareen Midowga Afrika, IGAD iyo QM

02.05.2012 –Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ka mid ah siyaasiyiinta magaalada Muqdisho ee sida weyn u dhaliilsan dastuurka cusub qodobo ka mid ah ayaa si kulul uga jawaabay digniin shalay ay soo saareen Midowga, Afrika QM iyo IGAD taasoo ay ku sheegeen iney talaabo ka qaadi doonaan kooxo qaswadeyaal lagu tilmaamay oo diidan fulinta qorshaha road mabka.

Waxaa uu sheegay Jen. Indhacadde in beesha caalamka gaar ahaan QM iyo wadamada Afrika aysan hanjabaad ku meel marin Karin dastuur ay diidan yihiin shacabka soomaaliyed intooda badan oo ah dadkii lagu maamuli lahaa, wuxuuna xusay ineysan jirin qof qori wadata fekerkoodana ay xor u yihin iney gudbiyaan si xor ah.

“Qori ma wadano waxaan fekerkeena ku dhiibanaeynaa si xor ah, marka waa qalad in qof aan hub wadanin oo sida ay la tahay dheegaya la yiraahdo qaswade ayaad tahay waana lagu xirayaa, qof fekerkiisa xor ayuu yahay, teeda kale dalka anaga ayaa iska leh ee nalama laha Mahiga iyo ragga la midka” ayuu yiri Jen. Indhacadde.

Jen. ayaa sheegay in hadalkii shalay ka soo yeeray Midowga Afrika, QM iyo IGAD uu yahay mid fara gelin toos ah ku ah madax banaanida iyo qaranimada dalka taasoo uu xusay ineysan xaq u laheyn u laheyn iney kula kacaan dal madax banaan oo xor ah, isagoo ku baaqay in la sameeyo banaanbaxyo nabadeed oo looga horjeedo dastuurka cusub si wax looga bedelo qaar ka mid ah qodobada ku jira oo uu sheegay inaan la qaadan Karin.

Waxaa uu si kulul u weeraray. Jen Indhacadde raisul wasaare Gaas oo uu sheegay inuu doonayo shacabka Soomaaliyeed inuu ku sanduleeyo dastuurka qabyada ah oo uu xusay inuu dano gaar ah ka leeyahay, wuxuuna xusay inuusan Mahiga iyo ragga la midka ah marti uga noqon doonin ka hadlida masiirka umada Soomaaliyed.

Qaramada Midoobay, urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Africa waxay wadajir u soo saareen digniin ku wajahan cid kasta oo isku dayda in ay is-hortaagto hannaanka siyaasaddeed ee Soomaliya, iyagoo sheegay iney talaabo ka qaadi doonaan wax ayb ugu yeereen qas wadeyaal nabada carqaladeynaya.

Posted on May 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: