Maamulka Galamudug Oo Ka Soo Horjeestay Dastuurka

01 May, 2012  – Wasiirka dastuurka Maamulka Galmudug Xasan Faarax Barre oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu kasoo horjeedo qaar ka mid ah qodobada dastuurka loo samayanayo Soomaaliya.

Xasan Faarax Barre ayaa sheegay in dastuurka markii ay darseen ay usoo baxday in uusan wax sal ah ku lahayn diinta Islaamka, waxaana uu ka xusay qodobada qaldan qodobada kala ah 7-aad 22-aad iyo sidoo kale qodobka 34-aad.

Eedeyntaani loo jeedinayo dastuurka loo samayanayo dalka waxa ay qeyb ka tahay eedeymaha isadaba jooga ah ee loo jeedinayo dastuurka oo la sheegay in lagu maran habaabinayo Umada Soomaaliyeed.

Kooxaha Danjire Mahiiga uu horseedka u yahay ayaa qaba in si qasab ah dalka looga hirgeliyo Dastuur aysan inta badan Soomalaiya aysan raali ka hayen, dhaqdhaqaaqyadaan ayaa laga yabaa iney horseedaan in nabada ka soo ifeysa magaalada Muqdisho ay caqabad ku noqdaan Kooxo daneystayaal ah oo uu hormuud u yahay Wakiilka UN-ka ee Somaliya isagoo adegsanaayo Shaqsiyaad danley ah oo magaca Somali wata.

Posted on May 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: