Yaa Ah Qaswadayaasha ‘Spoilers’?

02.05.2012 –Xildhibaan C/fitaax Shire oo maanta ugu waramayey saxaafadda magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay madaxweyne Sheekh Shariif & Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan in ay yihiin wax uu ku tilmaamay qaswadayaasha saxda ah ee dowladnimada Soomaaliya {real spoilers), wuxuuna wax kama jiraan ku tilmaamay hadalo ku jiray warsaxaafadeed shalay laga soo saaray xafiiska R/wasaaraha.

“Kuwii shalay ka horyimid dowladdii C/llaahi Yuusuf & Geeddi ee Asmara tegay oo ay ugu horreeyaan Shariif-yada & afhayeenka C/weli Gaas ninka la yiraa Yariisow ee jihaadka ku baaqay, oo ku doodayey in dowladdii Soomaaliya ay gaalo soo garabsadeen oo ay tahay in lala jihaado, ayaa maanta waxey leeyihiin dad baa {spoilers) ah runtii waa nasiib darro, gaaladii ay Geeddi & Yuusuf wateen kuwa ka badan ayey wataan axdigii dowladda ayeyna ku tumanayaan, mar walbana iyagaa ah af-ku dhiigle & gacan ku dhiigle, waana in ummadda laga qabtaa” ayuu yiri Xildhibaan C/fitaax Shire, wuxuuna tilmaamay in dadka mudan cunaqabateyn & maxkamadeynba in ay iyagu yihiin.

“Haddii cid la cunaqabateynayo ay jirto iyagaa kow ka ah oo naf & maal wixii ay ummaddan ka galaafteen lagula xisaabtami doonaa intii ay xukunka hayeen & intii ay mucaaradka ahaayeen, ” ayuu yiri Xildhibaan C/fitaax, wuxuuna intaa ku daray “masiibada dalka ka dhaceysa ee kufsiga, dhaca joogta & is qarxinta ka socota goobaha ay dowladdu ka taliso iyaga ayaa mas’uul ka ah, maalinteey noqotana waxaa la horgeyn doonaa maxkamad caalami ah”

C/fitaax Shire wuxuu sheegay in Eng. Yariisow ay fududahay in dacwad lagu soo oogo, maadaama uu kaga duwan yahay 2-da Shariif inuu haysto dhalasho Yurub ah, wuxuuna xusay in ay jiraan cadeymo badan oo muujinaya sida sharciga dowladnimada loogu dhigay wax lagu daneysto.

“Dowladnimo ma ahan in kursiga la isaga hurdo, waqtigu marka uu dhammaadana lagu diriro sidii xilka loo kororsan lahaa, Soomaaliya waxey maanta u baahan tahay samatabixin & nafti-hurnimo, kuwa hadda horboodayana waa in ay meesha baneeyaan si loo helo ummad karti & aqoon u leh dowladnimada, dalkana ka samatabixin karta xaaladda uu ku jiro” ayuu yiri Xildhibaan C/fitaax Shire.

Xildhibaan Shire wuxuu hoosta ka xariiqay in dhammaan madaxda hay’adaha dowladda ay ku tunteen sharcigii ay u dhaarteen ilaalintiisa, haddii ay tahay madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka, wasiirka 1-aad & Guddoomiyaha maxkamadda sare.

“Meel Guddoomiyihii maxkamadda sare la leeyahay musuqmaasuq buu ku kacay oo dad buu inta lacag ka qaatay xabsiga ka sii daayey, madaxweynihiina uu leeyahay baarlamaankii shalay doortay waa laga maarmaa, R/wasaarihiina uu xusul-duub ugu jiro dastuur ansixintiisu ay ku xiran tahay in baarlamaanka hadda jira ay wax ka bedelaan oo ay madax martay sidii uu Puntland u qancin lahaa, & Guddoomiyihii baarlamaanka oo isku dhiibay dowladda Itoobiya, ujeedadiisuna ay tahay inuu fuliyo danaha Itoobiya oo keliya, dal ay madax u noqdeen ummad sidaa u sii kala jeeda dhibaato kama baxayo ilaa ummmadu ay ka dhiidhiso dulmigaas, iskana qabato saddexdaa daneyste” ayuu yiri Xildhibaan C/fitaax.

Yaa Ah Qaswadayaasha ‘Spoilers’?

02.05.2012 –Labo bilood ka dib shirkii kooxda Xiriirka Soomaaliya ICG ee ka dhacay Jabuuti kaasoo ahaa meeshii lagu soo hindisay diyaarinta liiska dadka loo bixiyey ‘qaswadayaasha’ waxay xukuumadda KMG ah iyo ururada Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo IGAD ku dhawaaqeen inay xayiraad saari doonaan dadka diidan habsami u socodka qorshaha roadmap-ka.

Laakiin liiska qaswadayaasha loo bixiyey oo horey ugu koobnaa dadka diidan Shariif oo u badnaaxildhibaano ayaa hadda u muuqdamid la ballaariyey laguna soo daray dadka diidan dastuurka cusub ee hadda shaqadiisu xukuumadda ku hawlan tahay. Isla tallaabooyinkan ayaa markale lagu soo daray odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin si weyn uga horjeeda siyaasadda labada Shariif.

Waqtiga lagu dhawaaqay digniinta waxay ku beegmeysaa iyadoo labo bilood kaliya ay ka harsan tahay waqtiga KMG ah ee dawladda hadda jirta, isla markaana madaxdasare ee KMG ahna ay sheegeninay iyaguna musharixiin yihiin, sidaasi darteedna waxay noqoneysaa in qaar musharixiinta ka mid ah loo jeediyey digniin halka qaar kalana laga aamusay.

War murtiyeedkii wadajirka ee Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Afrika soo saareen shalay wuxuu digniin gaar ah u jeediyey dadka diidan dastuurka iyo kuwa ka hor imaadsan hannaanka roadmapka wax u qorsheeyey iyadoo la og yahay in roadmapka iyo dastuurka ay ku jiri karaan wax xun iyo wax fiican intaba. Markaas ma waxaa fiican in laga doodo oo khaladka laga saaro wixii fiicana lagu taageero mise hadalba ma furna!.

Haddii dimuqraadiyada, siday qabto la fiiriyo adduunyada waxay isku maqashaa aqlabiyad “majority” marka xildhibaanadii 13-kii Disembar riday Shariif Xasan ee 278  ayaa noqonaya qaswadayaal mise kuwa Shariifka taageersan oo ka hor yimid go’aanta inta badan?

Dastuurka diidmadiisa iyo ogolaanshihiisa ma waxaa iska leh Soomaalida mise waa lagu qasbayaa oo talo kuma leh xitaa haddeysan rabin?

Qaswadayaasha ma waxaa loo yaqaan kuwa diidan dastuurka iyo roadmapka mise dadkii dadka xaqdarada ku laayey ee meel walba joogana way ku jiraan? maxaaxe lagu xukumayaa?

Waa tee cida xaqa u leh inay shaabadeyso qaswadayaasha ma Mahiga iyo Midowga Afrika mise dawlada Soomaaliya? Dastuurka iyo dawladnimaduse yey dan ugu jirtaa?

Posted on May 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: