Yuusuf Indhacadae Oo Si Kulul Uga Hadlay Qaraxii & Digniintii Mahiiga

image

02 May, 2012 -Shir jaraa’id oo maanta uu magaalada Muqdisho ku qabtay Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), ayaa waxa uu kaga hadlay qodobodhowr ah, oo ay ka mid ahaayeen qaraxii Dhusa mareeb iyo hadal shaley ka soo baxay Midowga Africa, QM iyo IGAD, oo u digay ciddii isku dayda in ay is hor taagto hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya tallaabo adag laga qaadi doono.

Sh. Indhacadde ayaa sheegay ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Dhusa mareeb isgaoo ku eedeeyay iney ka masuul yihiin Dowlada KMG ah, wuxuuna sheegay ineysan shababka oo sheegtay iney ka dambeeyeen ay iska sheegteen balse Dowlada ayaa soo maleegtay ayuu ku gaabsaday, wuxuu sidoo kale ka hadlay in dalka Soomaaliya uu yahay dalka xor ah islamarkaana aan yeeleynin in la juujuubo, oo wixii beesha caalamka looga baahan yahay in ay noqdaan wax ay rabaan ummadda Soomaaliyeed

Wuxuu yiri ” Soomaaliya in aysan yeeli doonin in si qasab ah lagu ansixiyo qabyo qoraalka Dastuurka oo uu tibaaxay inay kasoo horjeedaan inta badan shacabka soomaaliyeed”

” Anniga waxa aan ahay siyaasi caalami ah, sidaa daraadeedna Mahiga siddee ayuu lee yahay cid kasta oo ka hor yimaada dastuurka Soomaaliya waxa la saarata maxkamada dambiyada caalamiga”

” Siyaasadda In aan ka doodo Mahiga, marti ugama noqonaayo, waa nin caalamka u wata dalkan marka waa inuu ogaadaa Soomaaliya in ay tahay dal xur ah” ayuu yiri.
Sidoo kale, Indhacadda waxa uu eedeeyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, oo uu sheegay in shacaba Muqdisho iyo siyaasiyiinta uu ka hor istaagay in ay rabitaankooda ay muujiyaan”
” Yaa soo doortay ra’iisal wasaaraha 2011, ma dhihi karo mala banaanbixi karo, ma yeeleyno arrintaas, xaniinyahaaga fuul, waan banaanbexeynaa, idinkana yeeli meyno, kaalay na xirxir annaga waan banaan baxeynaa annagoo hub isticmaaleynin” ayuu sheegay Indhacdde oo horey wasiiro dowlaha gaashandhiga Soomaaliya iyo qabqable dagaal ahaa.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in haddii la isku dayo in si qasab ah Dastuurka lagu meel mariyo ay abaabulayaan banaanbaxyo ka dhan ah Dowladda KMG ah, Midowga Africa iyo QM.

Wuxuuna yiri ” Beesha caalamka waa in ay ogaataa in shacabka rabitaankiisa uu soconaayo.

Hadalkiisa ayaa immaanaya iyoo shaley war murtiyeed ay wadajir u soo saareyn Ergeyga xoghayaha guud ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga, wakiilka Midowga Afrika ugu xilsaaran Soomaaliya, Boubacar Diarra iyo Kipruto arab Kirwa oo ah ergeyga IGAD ee Soomaaliya ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad iyo kooxo ay ku eedeeyeen inay hor istaagayaan qorshaha ROADMAP-ka ee lagu soo afjarayo xilliga kala guurka ah.

Posted on May 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: