C/wali Gaas Oo Maanta Kala Ceyriyay Indhacade, M. Suudi, Iyo M. F. Jimcaale

03 May, 2012 -Waxaa maanta qorsheysnaa in Hotel Saxafi lagu qabto xaflad qaddo ah oo ay soo diyaariyeen siyaasiyiintii todobaadkan ku shiray isla hotelkaas si ay uga wada hadlaan qaabka dibad-baxyada ay qorsheeyeen inay ku qabtaan Muqdisho. Siyaasiyiintan oo ay ka mid yihiin Jan. Yusuf Indhacade, Xil. Muuse Suudi, Xil. Salaad Cali Jeelle, Nabadoon Max. X. Xaad, iyo Prof. Max’ed Faarax Jimcaale ayaa maanta laga hor istaagay qadadaas oo waliba la kariyay, waxaana halkaas ku qasaaray dhowr neef oo ari ah iyo bariis farabadan.

Barqanimadii marka lagu soo aruuri lahaa hoolka shirirka Saxafi ayaa waxa lagu soo daadiyay hareeraha hotelka ciidamo booliis ah oo ka hor-istaagay dadkii lagu casumay inay galaan hotelk, isla markaana u sheegay maamulka hotelka inay amar ka wataan xafiiska Ra’isal Wasaare C/wali Max. Cali Gaas oo lagu amray inaysan qabsoomin xafladaas.

Waxa kaliya oo gudaha hotelka galay Jan. Yusuf Indhacad oo adeegsaday garaadihiisa ciidan iyo Max’ed Faarax Jimcaale oo horay u daganaa hotelka, laakin way ku filnaan waayeen labadoodu inay qabtaan xafladaas ayna wada cunaan hilibka iyo bariiska halkaas lagu diyaariyay.

Talaabadan ayaa waxa barbar socda qorshe lagu kala furfurayo odayaasha iyo siyaasiyiintii todobaadkan bilowgiisii sheegay inay kasoo horjeedeen dastuurka qabyo-qoraalka ah iyo qaabka loo wado qoshaha kala guurka, waxaana lasoo sheegayaa lacago farabadan oo ay diyaariyeen Ra’isal Wasaare Gaas iyo Ambasado Mahiiga oo lagu kala furfurayo ragga gadoodsan.

Madaxweyne Sh. Shariif oo hooska kala jira siyaasiyiinta gadoodsan ayaan wax hadal ah kasoo bixin beryahan dambe, maadaama loogu hanjabay qofkii ka horyimaada qorshaha Mahiiga in talaabo sharci ah laga qaadi doono. Haddii uu shaqeeyo qaabka kala furfurka lacageed waxa dhici karta in la arko odayaal badan oo todobaadkii hore lahaa dastuurku waa qaldan yahay iyagoo todobaadka soo socda leh dastuurku waa saxsan yahay.

Posted on May 4, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: