Afgooye aad ama Afweeyne raac ama Afkaaga hayso ”

Waxaa leeys lahaa,waxaa laga gudbay xiligii  Siyaad Bare ee kaligiis talinimada aheeyd  ee Caaqil Faarax Golalleey ku qeexay murti lugu soo koobtay siyaasadii  ” ama Afgooye aad  ama  Afweeyne raac ama  Afkaaga hayso ”  waa xiligii uu Siyaas Bare geeystay dulmigii ugu foosha xumaa abid waa watktigii la laayay 10 kii culumo ee uu maalin  cad dhiigooda ku daadshay xamar,waa xiliga aay bilaabatay in leeys aamusiyo afka leeys-qabto aayna adkaatay wararka xaqiiqda ah iyo wararka siyaasada ee watkhtigaa,runtii xiligaan ayaa ka xun kana dulmi badan marba haddii qaranimada somali lagu qeeybinayo dastuur eey qoreen qubaro cadaan ah oo aanan lagu dhaqeeyn dastuurka balse umadii somali ee lagu dhaqi lahaa looga hanjabaayo qaata waa qasab,waxaa xiga caburinta iyo duudsiga xaqa umada in kacdoon umadeed bilowdo taas oo lagu diidaayo dastuurka qabyo qoraalka.

Waa dhab haddii umada afka laga qabto in aay badaneeyso guux sabbaba in aay curtaan dhaqdhaqaaqyo lagu diidayo siyaasada umada lagu caburiyo, dhaqdhaqaayadas waxaa aay xiligaan isgu jiraan kuwa siyaasadeed iyo mid umadeed, arinta caburinta shacabka waa mid ku dhiiragelineeysa in ciidamada Meliteriga iyo Boliska aay burburaan kuna noqdaan reerahii aay ka yimaadeen ayaga oo ka damqaya duliga dastuurka qabyo qoraalka ah ee ku wajahan qeeybinta qaranka Somali iyo kutumashada sharfta dalka diinta iyo dadka.

Dhagabadan oo ka careysan talaabada ra´sul wasaaraha ayaa si care leh u yiri war ninkani ma raísul wasaaraa mise waa kaaba qabiil, maxaa dhex geliyey soo xulida odayaasha dhaqanka,taasi waxaa aay cadeeyneeysaa in Dhagabadan iyo saraakiisha dalka aayan u dulqaadankarin ku tumashada iyo qeeybinta qaranka Somali, sabbabta oo ah waa xooga kaliya ee loo abuuray xoriyada shacabka iyo kobcinta siyaasada wanaagsan oo lagu dhaqi karo umada aay ka yimaadeen in aay ka badbaadiyaangardarada iyo siyaasada foosha xun ee lagu qasbaayo umada somali ,waa xooga kaliya ee laf-dhabarka u ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalka gudihiisa una xilsaaran ilaalinta nafta iyo hantida muwaadinka iyo ka hortagga iyo dabagalka dembiyada iyo xeersocodsiinta,sida taariikhda aay sheegeeyso burburka Somalia waxaa laf-dhabar u ahaa ciidamada markii aay gadoodeed kuna biireen mucaradka oo ka gadooday  caburintii iyo kaligiis talinimadii Siyaad Bare.

Dastuurka qabyo qoraalka waxaa lagu diidan yahay :

1.Maaha mid ka dhex muuqda qaranimada Somali ( xuduudkeeda bariga iyo bada )

2. Qodobka 1aad – Mabaadi’da Asaasiga1. Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ahQuraanka kariimka ah iyo Sunnada Nabi Muxammed (scw), wuxuuna hormarinayaa maqaasidda shareecada iyo cadaaladda bulshada.Hadaba  xagee cadaalo taal marba haddii umada loo kala qeeybiyay 4,5 ,waxaa wanaagsaneeyd in aay ka dhex muuqato dastuurka qabyo qoraalka in kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku uu ka reebban yahay, isla markaa barnaamijyada lagu cirib tirayo dhaqamada xun-xun ee 100 jireenka ah uu noqdo waajib Qaran la dagaalkeeda balse dastuurka waxuu dhiiro gelinaayaa 4,5  7 sannoayeey socon 4,5 xagee cadaalo tal.??

3. Dastuurka ma sheegayo in dowlada dhandoonto aay oogeeyso  axkaamta Shareecadda  islaamka sidoo kale ka hortega fisqiga iyo anshax- xumada.

4.Somaliland & Puntland  dastuurka aay sameeysteen lama jaanqaadikaro midka dastuurka qabyo qoraalka,sidaa  aawgeed haddii la ansixiyo dastuurka qabyo qoraala ma jiridoono awood xoog leh oo ka dhaqangelisa  Somaliland & Puntland.

Posted on May 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: