Qaladka ugu wayne ee Dastuurku Waa Federalism! Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

 

Dastuurka la sheegayo yaan nalagu qasbin oo turubka ha nalaga baandheeyo”

Soomaaliya waa dal mudo 21 Sano ah aan Dowlad dhexe lahayn ,Dalku waxa uu mudadaas ku jiray burbur dadkuna waxay ahaayeen kuwo la il daran Dowlad la,aan oo dhibaatooyin badani ay hareeyeen Meel kasta Soomaliya haka joogeene .

Burburka Dalka Waxaa loo aaneeyaa Jabhaddihi Qabyaaladaysanaa ee aan Mabaadiida Ku dhisnayn inay Burburiyeen iyaga oo markaas ku andocoonaayay inay la dagaalamayaan Nadaamki Kalitaliska ahaa ee XKHS , Badalkiisana ay samaynayaan Nadaam Talowadaag ah oo la is doorto , Balse taas waxaa meesha ka saaray 1991-ki marki ay meesha ka baxday Dowladdi XKHS uu hogaaminaayay oo ay taladi la wareegeen Jahbaddihi hubaysnaa oo iyagu markaas dhowr ahaa isla markaana aan isla Socon ee Jabhaddiba dhinac dalka ka soo gashay .

Wixi intaas ka dambeeyay waan ka wada dharagsanahay siday wax u dhaceen oo dagaal sokeeye ayuu dalku galay waxaana la isu laayay Koox odayeed ama Qabyaalad oo koox kasti ay dilayso dadka kooxda odayeedka (Qabiil) kale ka tirsan .

Intaas ka dib ma dhicin indheergarad Soomaaliyeed oo isu yimi oo iyagu ka wada hadlay siddi ay xal uga gaari lahaayeen Dhibaatada dalka iyo in waxyaabihi horay u dhacay ku noolaanshahooda meesha laga saaro, dabcan indheergarad marka aan leeyahay waa Shakhsiyaad la yimaada aragdi dib u soo noolayn Qaranimo oo aan iyagu ku fakarayn wax ka hooseeya Qaranimo Soomaaliyeed ,

Waxaa dalka Dibbadiisa lagu qabtay shirar badan oo ay ajandaha iyo waxyaabaha lagu soo dhisaayoba ay wadaan ama ay iyagga ka soo maaxatay dad ajnabi ah ayna ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada, Lama oran karo shirarkaas Indheergarad Soomaaliyeed waa ka maraayeen balse ma ahayn Taladu mid Soomaalidu leedahay ee waxay ahayd mid ajnabi yeerinaayaan ,Indheergaradkaas joogay iyagu ee u arkaayay in aan waxaas la wadaa Soomaali dhaqin waxay ahaayeen kuwo laga bato Tusaale waxaan waydiiyay Siyaasi joogay shirki Carta oo aan inagu u arkaayay Shakhsi Soomaaliyaysan, Maxaad u doorateen 4.5 ? Waxa uu iigu jawaabay waa la inoo dooray inyar oo aan kaga soo horjeednayna waxaa nalagu shaabadeeyay kuwo diidan Dowladnimo, waxaana naga batay kuwo Kursi doon ah ,Shakhsiyaadka hanka Siyaasadeed leh ee iyagu si kasta ku doonaaya inay xil qabtaan waxay ahaayeen kuwo u kala ordaaya Ajnabiga .

Aan u soo noqdo Sababta aan Maqaalkaan u qoray ee an Qaladka ugu wayn ee Dastuurku Waa Federalism waxaan mudooyinkaan maqlaynaa Dastuur ayaa Soomaaliya loo sameeyay oo dhowaan la ansixinayaa , Haddaba waxaa iska soo daba dhacaaya Dhaliilo iyo ka soo horjeesi laga soo horjeesanaayo dastuurkaan Cusub ee la inoo soo qoray ! Haddaba maxay tahay sababta looga soo horjeedo ?

2004 Waxaa Dalka Kenya lagu soo dhisay Dowlad ku Meel gaar ah oo loogu magac daray waa Dawlad ah Nadaamka Federalism-ka , Nadaamkan Federalism-ka ah ayaan ahayn mid dad Soomaaliyeed u garteen inuu yahay Xalka Soomaaliya Balse waa Nadaam ay dabada ka wadaan Dowladaha Reer Galbeedku oo iyagu la dagaalama Nadaamka Centralism-ka oo ay u arkaan inuu yahay Phlosoph-ed Marxism and Lenninsm ah ,oo ah aragti Reer Bari ama wadamadi USSR-gi burburay lagu dhaqi jiray.

Haddaba qaladka ugu wayn ee Dastuurkaanu leeyahay ayaa ah waa mid ku dhisan Nadaamka Federalism-ka oo ah wax aan Soomaaliya xalkeeda ahayn sababta oo ah dadka Soomaaliyeed waxay isku laayeen Qabyaalad … Bulsho kala qaybsan oo isu aragta inay iyagu isu yihiin Codaw qabytoodna qaybtooda kale neceb tahay kuma dhaqmi karaan Nadaamka Federalism-ka ah .

Arintaan iyada ah ayaa waxaa hormuud ka ah Siyaasiyiin iyagu dantooda khaaska ah wata, Balse shacabku ma ahan wax ay wax iska waydiiyaan marka laga tago Siyaasi ku dhaha Soomaaliya waxba iskuma darsan karto oo wixi dhacay waad ogtihiin 1991, innaga danteenuna waa Federalism-ka isaga oo markaas u arka inuu ku meel marsan karo danihiisa Siyaasadeed , Halka kuwo kale oo siyaasiyiin ahi ay u arkaan in Nadaamka Federalism-ka in iyaga lagaga awood badnaanaayo oo kooxda aminsan Federalism-ku ay haystaan Deegaano ay Maamul u sameeyeen , Maamulkaasna ay ku gorgortamayaan una arkaan haddi Nadaamka Federalism-ku socdo inay Markasta Helayaan Jagooyinka Ugu sareeya dalka , Sidaas darteedna aysan ka tanaasulayn , Kuwa ka soo horeedaana ay og yihiin inay ku guuldaraysanayaan helida jagooyinka sarsare . Halista Dastuurka Cusub ee Qabya Qoraalka Somalia 

Haddaba Meesha Kama jirto wax Soomaalinimo ka fakaraaya Federalism Iyo Centralism waxa isku haystaa waa Siyaasiyiin iyagu ka fakaraaya Danahooda iyaga oo ku cabiraaya Koox odayeed (Qabiil) sida Soomaalidu u taqaan.

Waxaan oran karaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed badankoodu waa kuwo ka duula aragti ah sidee xil u qabataa iyaga oo aan iswaydiin maxaad qaban kartaa ? Maxuu Soomaaliya dhibkeedu yahay ? Xalkeeduse waa sidee ? Tusaale waxaad arkaysaa Siyaasiyiin Samaynaaya Maamul Goboleedo Cusub kuwaas oo iyagu magacaabanaaya Gobolo cusub doonitaankooda ayaa ah inay ku yimaadaan kursiga balse ma ahan kuwo dan Soomaaliyeed wada ama dad wax u qabanaaya.

Waxaa sahlaaya in Siyaasigaasu uu dad helo burburka iyo isaga oo adeegsanaaya Qabyaalada waana fududahay si aad qabyaalada u adeegsado adigoo kursi doon ah.

Federalism-ka qofka Soomaaliga ahi waxa uu isla markiiba uga fakarayaa qabyaalad waxa uu leeyahay Koox odayeedkaagu (Qabiilkaagu)waxay leeyihiin 8- Gobol waxaadna helaysaan Sadex State sidaas darteed Faa,iiddo ayaa kuugu jirta … Halka Qof kale oo Soomaali ahi leeyahay waxaad helaysaa oo Koox odayeedkaagu (Qabiilkaagu) helayaan 2-ba Gobol waxayna Noqonayaan Hal state dani kuuguma jirto oo kooxda aad is haysaan ayaa kaa badsanaysa , Waa xaqiiqda Sida Soomaalidu u fakarto hadda, iyaga oo ku xiran ama ka duulaaya waxyaabihi dhacay.

Tusaale haddaan usoo qaato qodob ka mid ah Dastuurkaan ku dhisan Nadaamka Federalism-ka ah , Cutubka 16,aad Qodobka 172aad-Xadididda Wax-ka-beddelka Dastuurka Lama soo jeedin karo wax-ka-beddelid qodobbada dastuurka toddobada sano (7) ee ugu horraysa dhaqangalkiisa, marka laga reebo wax-ka-beddelidda lagama-maarmaanka u ah fududaynta ka-sooqaybgalka buuxa ee Soomaliland iyo Puntland ay uga soo qaybgalayaan nidaamka Federaalka.

Akhristoow makula tahay in qodobkaanu uu yahay mid aan samaynayn Xasaasiyad ? Dabcan way cadahay sida uu qofku isla markiiba u oranaayo maxay tahay sababta Puntland iyo Somaliland siisay awoodaas ay wax kaga badali karaan Dastuur la yiri waxa uu ka dhaxeeyaa dadka Soomaaliyeed .. iyada oo ay jirto xasaasiyada Qabyaaladu oo waxaan ognahay 4.5 ayaa wax lagu qaybsadaa oo iyaduna ah dhibaato taagan oo kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed .

Tusaale Kale Akhristoow makula tahay inay ku qancayaan Federalism-ka Maamulka Somaliland oo isagu ah aragtidi jabhadi SNM ee ku dhisnayd waxaa Dhulki Soomaaliyeed ee Maxmiyadi Boqortooyadi Ingiriiska ee ay midoobeen Soomaalidi Maxmiyadi Talyaaniga lagu dagay awood qaybsigi oo waxaa deegaanadaas la siiyay dadkoodo wax aan u cuntamin xaqiiqo markaas jirtayna ahayd Tusaale waxaad maqashay Dastuur ayaa 1961-di Somalia laga Codeeyay oo afti dadwayne loogu codeeyay Makula tahay codayntaas in aad ka dhex arkayso wax aan Maskaxdu qaadan karin Bal ila eeg oo iswaydii Run ma tahay ? Sideese u dhaceen waxaanu?.

Gobolka Waqooyi Galbeed Waxaa ka codeeyay .59,889 Gobolka Togdheer Waxaa ka codeeyay 43,907 labadaanu waa labadi Gobol ee uu ka koobnaa Somaliland, Gobolka Bari waxaa ka codeeyay 372,144 Gobolkaanu waxa uu ka mid yahay 6-di Gobol ee Soomaalidi Talyaanigu gumaysanaayay … Marka aad isu gayso Goboladi Waqooyi waxa ka codeeyay 103 ,796 Gobolka barina 372,144 Maku talay Caqli gal ?

Waxaan uga jeedaa sidee Nadaamka SNM ugu qancaayaa Xiligaan hal State waa wax aan dhici karin Federalism-kuna waxa kuu cadaynaaya inuu yahay mid aan Soomaaliya dhaqi karin.Halkaan ka akhri Dastuurki 60-ki 
Waxaa laga yaabaa in aad istiraahdo akhristoow Qoraagu SNM Jabhad qabyaaladaysan ayay ahayd maxaa iyada si gaara loogu eegayaa oo looga ilaalinayaa Federalism-ka Dabcan ujeedku ma ahan in aan dhaho kooxdaas waxaas hala siiyo lakiin waa wax jira una baahan xal, Tusaalena aan ugu soo qaadanayno in Federalism-ku uu xasaasi yahay is qabqabsina uu horseedaayo. Codaynta aan Tusaalaha u soo qaatay waxaan uga jeedaa in Siyaasiyiinta xiligaas joogay ay samaynayeen Been abuur oo dad aan jirin Gobolada qaar la leeyahay way ka codeeyeen xiligaas waxaa la yiri 19,000,000 ayaa Jamhuuriyada Soomaaliya ka codaysay sidee 103,796 ugu codeeyeen Goboladi waqooyi Gobolada Koontuftana inta kale uga codaysay ? siyaasiyiinta maanta Federalism-ka wata ayaa ah kuwo dariiqaas qaadaaya ee aan Somalinimo ka fakarayn.

Nadaamka Federalism-ku Ma ahan mid dhaqi kara oo xal u keeni kara Bulsho islaysay oo dagaal Sokeeye ka dhacay , waa in laga ilaaliyo wax kasta oo keenaaya muujinta wax kala lahaansho Bulsho aan u bislayn Dowladnimo 21 sanona dowlad la,aan ahayd lama oran karo Federalism ayaa dhaqi kara aragtidayda ….Nidaamka Federaalka Xal Uma Ahan Dhibaatada Soomaalida 

Waxaa laga yaabaa Siyaasi dantiisa wata oo aan isagu garayn wax Soomaaliya xal u ah kursiguna u muuqdo inuu ku dhaho Dowalado horumaray ayaa ku dhaqma Federalism-ka , Balse waa mid aan iswaydiin adiga Bulshadaadu sidee u fakartaa ? waa in la iswaafajiyaa hab fakarka bulshada iyo nadaamka la qaadanaayo , waa inuu ahaadaa mid aan xasaasi ahay.

Waxaa laga yaabaa in Siyaasi uu ku dhaho Dagaalka Sokeeye waxa uu u dhacay oo Caasumada la isugu laayay waa nadaamka Centralism-ka , Gobolada kale ee dalku ma dhisnayn oo Caasumada kaliya ayaa la dhisay, Dabcan dhibaatooyinkaan oo dhami way dhaceen lakiin Nadaamka Centralism-ku ma keenin , Tusaale in aan Gobolada horumar laga samayn ma ahan Centrelism-ka xumaan uu leeyahay ama wax uu dadka Faro , in Caasumada la isku laayay ma ahan Centralism-ku mid uu keenay ee waa Siyaasad qabyaaladaysan oo aan mabaadii ku dhisnay Qowminimo iyo Qaranimo-na ka maran .

Haddaba Akhristoow waxaad iswaydiisaa Soomaaliya Inqilaabki 21/0ct./1969 ka hor ma Federalism ayay ahayd ? maxay tahay sababta hadda siyaasiyiinta qaybtood u doonayaan Federalism-ka ? Haddaan XKHS ka hor ahayn Nadaam Centralism ah .

Xalka Sidaan u arko ?

Waxaa dhowaan tagaaya Muqdisho Isimo laga soo xulo Koox odayeedyada Soomaaliyeed(Qabiilada Sida Soomaalidu u taqaan ) waxay Soo xulaayaan ergooyin la yiri waxay ansixinayaan Dastuurkaan oo tiradoodu gaarayso 825 laguna qaybsaday 4.5 , Haddaba isimadaas kulankoodu waa Fursad wayn inkastoo aysan iyagu Siyaasiyiin ahayn haddana dabcan waa haboon tahay inay wax iska waydiiyaan Somalia maxaa haleeyay ? Nadaamka aan qaadanayno ee Dowladnimo waa sidee iyaga oo iswaydiinaaya Sida dadka Soomaaliyeed yihiin .

Ergooyinka 825-ta ahi iyaguna waxay haystaan Fursad waa masiirki umadda Soomaaliyeed oo gacantooda ku jira waa inay ahaadaan kuwo aan Saxiixayaasha kooxda lagu sheegay waxay u soo yeeriyaan aan ku dhaqmin sidoo kale ajnabi afkaartooda aan meel marin ee iswaydiiya maxa Soomaali dan u ah? ka dooda dhibaatadi dalka ka dhacday ? Si qota dheer u daraaseeya xiligan Nadaamka ay Soomaaliya qaadan karto ? Ciidamada Shisheeye xiliga ay dalka ka baxayaan ? sidoo kale soo saara go,aamo ah in ciidamada Kenya iyo Ethiopia ee iyagu dalka iska soo galay ee aysan jirin sharciyad ay ku joogaan ay si dagdag ah uga baxaan.

Soo saara Go,aamo loogu yeeraayo Al shabaab inay wadahadal qaataan oo ay miiska yimaadaan xaqna u leeyihiin inay dalka Maamuli karaan Shabaabku balse ay xabada dhigaan afkaartoodana wax ka badalaan sida kuwa saamaynta ku yeelanaaya Caalamka ee ah waxaan waxyeelaynaynaa Dowlado kale, oo Somalia waxay ahaanaysaan Goob looga duulo Caalamka kale .

Waa in wax la iska waydiiyaa Ciidamada shisheeye ee jooga baddaha Soomaaliyeed ee aan la aqoon waxay u joogaan marka laga reebo waxaan la dagaalamaynaa wiilal Burcad badeed ah Balse arintu intaas ka qoto dheer oo wax kale ayaa jira .

Ergooyinkaasu waa inaysan isu arag kuwo Matala koox odayeedyo (Qabiilo) kala duwan ee ay isu arkaan kuwo masiirka umadda Soomaaliyeed Matala , waa in aysan isu arag kuwo la yiraahdo Dastuur in aad ansixisaan ayaa la idiin keenay ee gacanta u taaga ee ay iswaydiiyaan Dastuurkaanu maxuu yahay kana duulaan Qownimo iyo sidi Qaran Soomaaliyeed loo heli lahaa.

Aniggu aragtidayda waxaan oran lahaa Shirwayne Soomaaliyeed halaga dhigo oo wax badan halagu gorfeeyo hana la iswaydiiyo, Road-Map-kaan la sheegaayo ee meesha ka saaray Jiritaanki Baarlamaanki Jiray ee Xukuumada KMG ah kalsoonida siyay ee Shakhsiga u afduubay 550-ki Xildhibaan waxaa ka muuqata in uu wado dano gaara oo shakhsiyaysan … Ergada waa in aan Road-Map-kaas waxa lagu sheegay lagu caburin oo la oran waxa Road-map-ku qabo ayaynu maraynaa .

Si qota dheer waa inay uga Fakaraan Nadaamka Soomaaliya qaadaynaso ma ahan inay Fududaystaan arintaan ah Federalism-ka waa inay ahaadaan kuwo umaddooda ka fakara .

Gabagabo

Waxaan ku soo gabagabaynayaa Soomaaliya maanta meel qatar ah ayay maraysa waa in la helaa aragtI Soomaali leedahay , waa in la ixtiraamaa qaylada ka soo yeeraysa qaybaha ka midka ah dadka Soomaaliyeed sida Xisbiyada Hiil Qaran oo aan anigu u arko Xisbi Soomaalinimo ka turjumaaya dadka Hogaamiyaana ay yihiin kuwo aragti dheer sidaan qabo .

Shacabka Soomaaliyeed waa inay ka feejignaadaan taageera indho la,aanta ah ee ay la kala safanayaan Shakhsiyaad danaystayaal ah oo iyagu aan ka turjumayn dan Soomaaliyeed .

Dadka Soomaaliyeed waa mid mana kala lahaan karaan dhul balse hadda waxaa jirta kala maqnaansho iyo iyada oo aysan muuqan wado lagu gaaraayo midnimo iyo helid Dowladnimo Soomalaiyeed waxaana ugu wayn oo caqabadu tahay shakhsiyaadkan u kala ordaaya ajnabiga oo iyagu ka doonaaya kursigi Soomaaliyeed ajnabi danaha ajnabigana meel marinaaya .

Posted on May 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: