Warbixin AMA Faalo: Maxaa (dhab ahaan) lagu haystaa Shariif Xasan?

May 5, 2012 – Waa sidan sababta:- Kursiga Madaxweynaha Somalia waxaa isku bed- beddela Daarood iyo Hawiye, marka sareyntiisu la iskuma heysto illeen marba mid baa qabta’e. Jagada Baarlamaanka weligeed waxaa qaban jirey D&M, laakiin Daarood iyo Hawiye midna ma qabto, sidaa daraadeed lama dhihi karo waa jago sare, xitaa haddii ay dastuur ahaan sareyso waa in la wada inkiraa. Jagada Ra’isul Wasaare waxaa had iyo jeer isku bed beddela Daarood iyo Hawiye, sidaa darteed waa in la sareysiiyaa oo laga sareysiiyaa tan Baarlmaanka ee uu shaqsiga DigilMirifle hayo xitaa haddii ay dastuur ahaan qalad tahay.

Xin qabyaaladeedkan iyo isir naceybkan soo jireenka ah ayaan aheyn uun mid ka jira nolol bulshadeedka Soomaliyeed ee caadiga aha balse waa mid xitaa ka dhex muuqda siyaasadda. Maryan Xaaji Cilmi oo ah marwadii u dhaxdey Ismaaciil Cali Abokor ee ka mid ahaa Golohii Sare ee Kacaanka Soomaliya ayaa wareysi ay bixineysey waxaa ka mid ahaa hadalada aan afkeeda kala baxay in kolkii Madaxweyne Cabdi Rashiid Cali Sharmarke la diley buuqa ugu weynaa uu ka dhashey inuu xilka Madaxweynenimo sii hayo Ra’isul Baarlamaankii xiligaasi jirey ee Sheekh Mukhtaar, waayo, inkastoo uu dastuurka waddanka u oggolaanayey ayaa haddana xoogga la sii saarey inuusan sii heyn jagadaasi inta la soo dooranayo madaxweyne kale.

Ciladdiisu ma aheyn karti xumo, dadnimo xumo iyo aamin daro, waxay ciladdiisu uun aheyd ciladda Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur qabsatey, Shariif Xasan uu ka dagaalamayo maanta. Ciladdoodu waa inay u dhasheen Digil iyo Mirifle.

Gunaanadka Qoraalka:

Haddaba Shariif Xasan Sheekh Aadan waa diidey inuu noqdo dhibbane siyaasadeed ama bulshadeed, wuxuu muujiyey karti shaqsiyadeed, mayal adeyg iyo dulqaad hogaamiyenimo.

Micnuhu ma aha inaan leeyahay waa ceeb ka saliim aan waxba qaldin, waa bani’aadam, waxna qalda, waxna saxa. Waxaase hubaal ah haddii uu xun yahay kama xuma inta xukunka soo martey ama haddeer-ba jooga.
Kama xuma Geeddi oo xasuuq geystey, hantidii Somaliyeed dhacay welina u soo taagan inuu Somalia hoggaamiyo, kama xuma C/laahi Yuusuf oo xasuuq geystey, fowdadii ugu horeysey Somaliyana qeyb ka ahaa, kama xuma Shiikh Shariif oo ay wada saxiixeen heshiiska Kampala xumaan iyo fiicnaanba, kama xuma farmaajo oo qalin jebintiisa Master-ka uu Professor Cabdi Ismaaciil Samatar uu ku tilmaamey mid ay ka buuxdey qabyaalad gaamurtey iyo naceyb marka Farmaajo Maanta ayuu ku soo laabtay, oo yiri Anigu qabiillada wax kama sheego, sheeko caruureed, miyeysan kula gudboonayn inaad qormadaa ka cudurdaaratid? Si aad nooga gaddo inaadan qabiilaynta ku qaabin, waxaanse la yaabaa dadku waxay isaga indha tirayaan arimahan oo kale, iima dhadhamin.

La talin:

Somalida waa inay isir naceybka joojiyaan iyagoo soo huwanaya buste waddaninimo iyo qaran jaceyl, waayo wixii aad qarineysaba cid uun baa u jeedda.

Waxaa jirta murti oranaysa “Wang May Osby lyky dary ay in gorithaany” oo micnaheedu yahay CAANO MAC AH OO LA CUSBEEYEY YAAN DHADHAN KU GARAN KARIN.

Hadalka caddaalada iyo daacadda loo yiraahdo iyo kan qabyaaladeysan waa laka gartaa, waa natiijada boqolaal sano oo qabyaaladi jirtey iyo labaatan sanno oo dagaal sokeeye ah.

TV-yada waxaa inay joojiyaan baahinta Aflagaaddada loo geysanayo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Haddii aad ogolaataan in Shariif Xasan loogu yeero Shariif Sakiin oo aan magaciisa aheyn, waxaad ogolaan doontaan oo qasab ah in Sheek Shariif-na loogu yeero Shariif la soo gamey iyo Shariif Af guduud, farmaajo iyo ciddii kale oo timaaddana magacyo aan munaasib aheyn loogu yeero.

Ugu danbeyntiina, Shariif Xasan waa siyaasi Somaliyeed, siyaasadihiisa wax ha looga sheego si miisaaman, sidoo kalena ha la ogolaado dadka fikradihiisa taageeraya in la maqlo ra’yigooda, si sidaa la mid ahna ragga kale ee ay baratamnayaan wax ha looga sheego, waa dimoqraadiyaad xalaal ah. Laakiin, sheekadan hadda noqotey Shariif Xasan baa ii fudude aawey aan caayee haddii aysan joogsan, qabyaaladda iyo wax duminta waa sheyga ugu fudud ee ay Soomaali sameyn karaan. Markaa qof oggolaaneysa xad gudub qayaxan cidina yeeli meyso.

Qoraalkani ma aha mid wax looga sheegayey Ra’isul wasaare farmaajo, ma aha mid wax looga sheegayey Madaxweyne Shiikh Shariif Sheekh Axmed laakiin waa mid aan ku cabirayey cadaalad darada lagula kacayey Shariif Xasan Sheekh Aadan oon aan loo kala harin qalab warbaahin iyo war suuqeed-ba.

Posted on May 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: