50% Odayaashii Ergada Iyo 50% Sixiixayashii Road Mapka Oo Ka Maqan Muqdisho.

06 May, 2012  – Waxa shalay ka furmay magaalada shirkii xulitaanka ergooyinka ansixinaya Dastuurka Qabyo-Qoraalka ee Soomaalidu badankeed ay diidan tahay, shirkaas oo loogu talagalay inay goobjoog ka noqdaan 135 oday dhaqameed iyo lixdii xubnood ee loogu magac daray saxiixayaasha Road-Mapka. Laakin tirada dhabta ah ee soo xaadirtay shirkaas ayaa ah 65 oday-dhaqameed oo badankood ay doodi ka taagan tahay qaabka lagu soo xulay iyo 3 xubnood oo ka mid ah 6dii saxiixayaasha. 3da xubnood ee goobjooga aheyd ayaa kala ah Madaxweyne Shariif, Ra’isal Wasaare Gaas iyo Gudoomiye Shariif Xasan, waxaana qaab diidmo ah uga maqan shirkaas saddexdii saxiixe ee kale kuwaasoo kala ah Madaxweynaha Puntland C/raxman Faroole, Madaxwenaha Galmudug Max’ed Axmed Caalin iyo Wakiilka Ahlu Sunna Ina Macalin Nuur. Saddexdan xubnood ayaa ku eedeeyay saddexda kale inay kala gooni noqdeen wadatashiga iyo xulitaanka odayaasha 135-ta ah.

Dhanka kale odayaashii la filayay inay noqdaa 135 ayaa la xaqiijiyay inay shirkii shalay iyo maanta fadhiyeen tiro aan ka badneyn 65 oday, iyagoo badankood ay diideen inay ka qeyb galaan shirkaas, halka qaar kalana ay u suuroobi wayday inay soo gaaraan Muqdisho.

Natiijada shirkan ayaa ku jirto god madow, waxana laga cabsi qabaa in kuraasta odayaasha maqan lagu buuxiyo odayaashii loogu magac daray kun-iyo-kitaab, oo macnaheedu yahay lacagtaan qaado, kursigaan ii buuxi, kitaabkaana ku dhaaro. Odayaasha beelaha Muqdisho ayaa intooda badan kasoo horjeeda shirkaan, waxaase soconaya dadaalo lagu kala furfurayo ragga diidan shirkaan qoor-qabadka ah.

Posted on May 6, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: