Dastuurka Cusub oo Toddobaadkan Loo Bandhigi Doono 50-Ruux oo Aqoonyahano iyo Culimaa’udiin Isugu jira

May 6 2012 –  (Moment Media Group) –  In Toddobaadkan uu socdo shirka odayaasha dhaqanka uu jiri doono kulan kale oo ay yeelanayaan 50 xubnood oo isugu jira aqoonyahano, culimaa’udiin iyo siyaasiyiin madax bannaan oo loo bandhigi doono dastuurka qabyada ah.

Xubnaha 50-ka ah ayaa dawladu rabtaa inay ka talobixiyaan nuqulkla labaad ee dastuurka oo dhowaan loo gudbiyey raysul wasaraha iyo madaxweynaha kaasoo ay dawladu rabto in dadka laga dhaadhiciyo.  Waxaana ilo wareedyada ay sheegayaan in taladan ay ka soo baxday kulamo raysulwasaaraha maalmahan dambe uu la lalaa qeybaha bulshada sida culimada, aqoonyahanada, haweenka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Xubnaha la casumay ayaa waxaa ku jira culimada waaweyn oo qaarkood dibada ka iman doona, waxaana sidoo kale ku jira shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo aan ku jirin wax urur siyaasadeed ah si ay talo uga bixiyaan qodobada dastuurka ku jira ee aadka looga qeyliyey, inkastoo intooda badan laga saaray nuqulka labaad ee dastuurka.

Nuqulka labaad

Nuqulka labaad ee dastuurka oo wariye ka tirsan Shabakada Moment Media Group arkay ayaa waxaa laga saaray illaa saddex qodob oo ku saabsan shuruuda madaxweynaha, soohdimaha dalka iyo jinsiyada kuwaasoo ahaa qodobadii bulshada sida weyn uga hor yimaadeen.

Xubnaha beesha caalamka oo ay ugu horeyso Qaramada Midoobay ayaa ku dhaliilay dawlada KMG ah iyo guddiga diyaarinta dastuurka sababta ay dadka ugu bandhigi la’ yihiin nuqulka labaad ee dastuurka oo ah kan wax ka bedelka lagu sameeyey maadaama buuq uu ka dhashay nuqulkii koowaad oo illaa hadda dadweynuhu haystaan, arintaasi waxay su’aal adag ka dhex abuurtay xafiiska raysul wasaaraha, UN-ka, wasiirka dastuurka iyo guddiga dastuurka, waxaanaugu dambeynla isla gartay in si dhakhso leh dadka loogu gudbiyo nuqulka labaad.

Kulankan loogu yeeray 50 aqoonyahan ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho waxaana lagu soo beegay maalmo yar ka hor xilligi uu furmi doona shirweynaha golaha dastuuriga ee ka kooban 825 xubnood kuwaasoo iyaguna la rajeynayo inay fadhiyaan 15 xisho kadibna ay soo xulaan gole baarlamaan oo ka kooban 275 mudane oo 30% yihiin haween.

Waxaana golaha dastuuriga sidoo kale ay ansixin doonaan dastuurka cusub marka uu soo maro aqoonyahanada iyo culimada loo bandhigi doono dhowaan. Waxaana la rajeynayaa in aqoonyahanada iyo culimada talooyinkooda lagu daro dastuurka ka hor intaan loo gudbin u codeynta golaha dastuuriga oo aakhirka bishaan ka dhacaysa Muqdisho.

Posted on May 6, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: