Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Madaxweyne Shariif iyo Ra,isul wasaare Gaas

May 6, 2012 – Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhax galay madaxweynaha dowlada KMG Shariif Sheekh Axmed iyo Ra,isul wasaare C/Wali Gaas , kaa oo salka ku haaya xulida baarlamaanka iyo kasbashada odiyaasha beelaha .

Xog ay heshay shabakada Moment Media Group ayaa tibaaxeeysa in khilaafka u dhaxeeya labada masuul uu sii xoogeeysanaayey kadib markii ay soo baxeen warar sheegay in Ra,isul wasaare Gaas u yahay musharax utaagan xilka Madaxweynimada Soomalaiya taa oo madaxweyne Shariif ku noqatay filanwaa isgaoo raja ka qabay in uu noqdo musharaxa kaliya ee madaxda ugu sareeysa dowlada KMG ah ee utagaan xilkaas .

Labada masuul ayaa umuuqda kuwa kuloolamaya xulida baarlamaanka cusub oo masuul walba uu ku doonayo in xubna isaga ku fikir ah uu keensado si uu ugu guuleeysta doorashada xilka madaxweynimada Soomalaiya ee soo socta, waxaana labada masuul ay wadaan kasbashada odiyaasha dhaqanka beelaha si ay ugu qanciyaan magacyada ay wataan ee kamid noqon doona baarlamaanka cusub.
Madaxweyne Shariif ayaa u arka arintaan mid dhabar jab ku ah olilihiisa doorashada , waxaana madaxweynaha uu kacabsi qabaa in xubnaha baarlamaanka cusub ay codka ugu shubaan Gaas oo u muuqda mid kasbanaaya odiyaasha dhaqanka beelaha oo maamlmihi danbe uu kulamo lalahaa.

Hadaba khilaafkaan labada masuul ayaa la ogeen halaka uu ku biya shuban doona , waxaana jira wada hadala hoose oo uu madaxeyne Shariif uu ku doonaya in uu ku qanciyo Ra,isul wasaare Gaas inuu katanaasula musharaxnimadiisa oo Shariif u arka in ay dhabar jab ku tahay olilihiisa musharaxnimo oo cod badan uu ku weeyn doona hadii isa soo sharaxo mid kamid ah mas,uuliyiinta ugu sareeysa dowlada KMG.

Posted on May 6, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: