Mad. Caalin Oo Noqday Siyaasigii Ugu Horeeyay Oo Diiday Shirka Ergooyinka.

05 May, 2012  – Madaxweynaha Galmudug Max’ed Axmed Caalin ayaa noqday siyaasigii ugu horeeyay ee ka biyo diiday shirka shaly ka furmay xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho. Mad. Caalin oo ka mid ah saxiixayaashii Road-Mapka ayaa dhagaha ka fureystay hanjabaadaha Danjire Mahiiga, wuxuna ku gacan seyray codsi maanta iyo shalay uga yimid madaxda dowladda Federalka ah oo ka codsaday inuu kasoo qeyb galo xafladda furitaanka shirkaas.

Madaxweyne Caalin oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa hoygiisa shalay ku booqday gudoomiyaha baarlamaanka isqilaafsan Shariif Xasan Sh. Adan iyo Wasiirka arimaha Gudaha C/samad Macalim Max’ud oo isku dayay inay ku qanciyaan inuu kasoo qeyb galo shirka odayaasha soo xulaya ergooyinka oo shalay ka furmay Muqdisho. Mad. Caalin ayaa ka gaabsaday inuu ajiibo dalabkaas, wuxuna cadeeyay inaan loosoo sheegin waqti munaasib ku ah inuu ugu diyaar garoobo shirkaas.

Sidoo kala Madaxweyne Faroole ayaan kasoo qeyb galin xaflada furitaanka shirkaas, inkastoo la sheegay inay goobjoog ahaayeen xubno ka socda maamulka Puntland oo matalayay Faroole. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xili ay Muqdisho ka jiraan dhaqdhaqaaqyo looga soo horjeedo qaabka loo xulayo ergooyinka iyo ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah oo ay soo diyaariyeen Qareen Itoobiyaan ah iyo xaaskiiga oo u dhalatay wadanka Jamayka.

Posted on May 6, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: