Gardarrada Gaas oo laga wada gilgishay!

Monday 7 May 2012 – Murti ayaa dhahaysa: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tagi jirin ayaa taga” mid kale waxay leedahay: “Nimaan qaybin jirin hadduu qaybiyo, nimaan qadi jirin ayaa qada” mid kale ayaa oranaysa, dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab xume” tu kale waxay ahayd: “… Muuse waa kaa!”.

Sida magaca qormaduba yahay, waxaan kaga hadli doonnaa mudane C/wali Gaas, oo Ra’isul wasaaraha dawladda KMG ah, anigoo ka dhugan doona dhinacyo dhawr ah, oo u baahan in la dhiraandhiriyo, sababo la xiriira arrimo badan oo is biirsaday iyo aragti weecsan oo la faafiyey awgeed, maxaa yeelay xaqiiqdu waa mid qura mar walba, qof gaar u haystana ma jiro.

Ugu horrayn, ma doonayo inaan wax ka iraahdo sooyaalka aqooneed, maamul iyo sayaasadeed ee Gaas, sababtu waa inaysan jirin meel laga tixraaco oo hufan, qawaar kasta waxaa loo xarriiqay sadarro qurux badan, oo la xiriira taariikh nololeedkiisa, Adiguba dhugo buugga “Halgan iyo Hagardaamo” ee la leeyahay C/laahi Yuusuf ayaa qoray, waaba su’aale: heer uu wax ku qoro ma ku sugnaa? Maxaa taariikhda loo hagranayaa? Bal daaloco naqdiga Boobe Yuusuf Ducaale ee uu baxshay: “Hadimiyo Hantaaq”.

Maalintii Formaajo la qadaanqadiyey, ee xilka si qasab ah looga qaaday, ee intuu dadka ku soo baxay ku yiri: “DAN SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY” ayaa waxaa isla markiiba suuqa la soo galiyey Mudane Gaas, oo la yiri waaba ninka majraha u hayey xukuumadda Formaajo, Alla dadku  maxay ka helaan Borobogaanada, waan u soo laaban doonaa waxa uu galo ama gooyo Gaas.

Shariif markuu xilka u magacaabay Mudane gaas ayuu yiri: “waxaan ku soo xushay Gaas, aqoon iyo karti” karti iyo aqooneey xaal qaata! Hubaal siduu u garab maray wax yaabo badan oo wanaagga Soomaali ku jiro, inuu taana u garab maray, waaba caadadiisa oo mar walba wuxuu tallaabada u qaadaa dhanka qaldan.

Mudane Gaas shaqsi ahaan waa nin af gurracn, aan codkar ahayn, hadalka dadka deeqsiin karin, ku caan ah jaajaalaynta iyo weedho jaban, sidaa waxaan u leeyahay laba middood, oo kala ah: hadal uu jeediyo oo aan jabnayn ma maqal, micnaha inuu qolo qaar raasan yahay ma hane, si qumman uma hadli yaqaan.

Midda kale, waa inuusan afkiisa dhawrin, hadalkiisana qabyaaladi ka marnayn, oo ah laba hannaan oo qof hoggaamiye ah aan ku habboonayn. Waxaaba u sii dheer, afar eray oo Soomaali ah oo aan markii horaba qaab lahayn markuu yiraa, kan shanaad waa eray qalaad, waaba su’aale ma madax qalaad baa?.

Gaas iyo golaha wasiirrada

 Mudane Gaas wuxuu faraha kula jiraa meel waba, wuxuu ka dhammaan la’yahay isku shaandhayn iyo wasiirro badalid, waaba yaabe, hadday u dhimman tahay xukuumaddiisa bilo, haddii shir madlan yahay maalmaha nagu soo food leh, haddii marxalad kala guur lagu jiro, siduu ku hindisay inuu wasiirro cusub magacaabo? Waalli ka weyn ma arag.

Maamlin dhexdaa ah waxaa faraglintiisa lagu sii daayey nin boorso ku watay 2 milyan oo Dollaro o kaash ah, isagoo soo adeegsaday wasiirka arimaha gudaha C/samad macallin Maxamuud.

Mar aan sidaa u sii dheerayn wuxuu ku dhagganaa  maareeyaha Dekadda Muqdisho, sababa la xiriira boobka hantida qaran, doonayana in la booboo biraha dekadda dhexyaal, isagoo soo wakiishay wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Aadan Cabdullaahi Aadan, haddii xaal sidaa yahay muxuu ka magacaabay gudiga la dagaalanka Musuqmaasuga, waa maaweelo aan muuqaal lahayn.

Gaas iyo Gobollada

Siduu xilka u qabtay, marka laga soo tago qabyaaladdiisa qayaxan, shaqada ugu weyn ee uu qabtay waxay ahayd, inuu waxba kama jiraan ka soo qaaday wixii maamullo dhisnaa, qodob uu qiilsanayo ayaa qoran, oo ku jira Dastuur ku sheeggii lagu soo madmadoobeeyey wadanka Kenya, lama taabtaankuse waa Puntland, oo iyadu ah waa maamul buuxa, dibna madax bannaani uba qaadan doonta haddaysan haddaba u haysan.

La yaabku waa markii ra’iisul wasaaruhu booqasho xabashiyeed ku tagay Beledweyn, saacado hadday xabashidu u xogwarrameen, dabcan meeshana ha ka saarin maamulka Dooxada Shabeelle, ayuu Muqdisho ku soo laabtay, waraysi uu BBC-da siiyey ayuu ku dafiray inay wax maamul ah ka jiraan Beledweyn, isla waraysiga ayuu kala hadlay, mar wuxuu leeyahay way na soo dhaweeyeen, marna wuxuu dafirayaa in maamul jiro, isuma kay qaban.

Midda la yaabka ah waxay ahayd, markuu yiri: “si maamul goboleed loo dhisaa waa in la helaa ugu yaraan laba gobol” waa mide Puntland markii la aasaasayey miyey ahayd laba gobol? Illeen marka Bari laga reebo inta kale waa la wada degaaye, kaba dhig, ee Galmudug ma laba gobolbaa? Iyadoo sidaa ah ayeyba ka qaybgashay shir aayaha Soomaali looga arrin sanayey, ma garan “Adigu waxba ma tihid”, oo haddaa qiimaynta maamullada ma Gaas ayaa loo xilsaaray?.

Taas siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, gaar ahaan waxaa ka hadlay mudanayaal ka soo jeeda Hiiraan, oo yiri faraha kala bax arrimaha gobolka, waaba su’aale, Gaas gurracnaantiisa meeshii maamul ka jiro, markuu sii adkayn lahaa, sii habayn lahaa, sii hormarin lahaa, ayuu isagiiba inkiray jiritaankiisa, malaha waa dumiye, iima bixin ujeedka hadalkiisa, wuxuuse ahaa midaan siyaasi ku hadlin, ninkii saacado ka hor ku marti sooray, inaad seef madaxa uga sartaa kaama mudna.

Intaa kuma ekaysan, ee wuxuu soo diray laba wasiir iyo shan xildhibaan, waxaa ugu tunweynaa  wasiirka qorshaynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga  C/laahi joodax Barre, si ay muumul ugu sameeyaan gobolka, isagoo iska dhagatiray hadalladii xildhibaannadu u soo jeediyeen, aan mar kale ku celiyo, war ninku ma waalan yahay mise waa fayow yahay? Hadduu yiri maamul goboleed waxaa dhisan kara laba gobol iyo ka badan, muxuu u soo diray kuwan aan xushmadda iyo xilka waxba ka aqoon.

Waxaan uga jeedaa, horaa loo yiri: “Lagaa baray oo lagaa badi” feerka iyo buujimada waxaa noo qaabilsabanaa baarlamaanka, maanta waxaa ku soo darsoomay wasiirradii, berrina filo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wax haray ma jiraan, xukun iyo xeer midna lama dhawrayo, ethics akhlaakh iyo anshax midna lama dhuganayo, magac, muunad iyo sharaf midna lama tixgalinayo, waa ha yaacdo iyo maadigaa yiri.

Hadda waxaa la doonayaa in gobolka Hiiraan laba gobol laga dhigo, ujeedka kala qaybtintaa gobolka waxaa dabada ka riixaya mudane Gaas, ee rabitaanka dadka deegaan kuma iman kumana socdo, midda ka sii daran ayaaba ah, dadka deegaan Amxaar iyo Alshabaab maxay u kala dooriyaan? Wabigii magaalada wuxuu isu badalay XABAAL! Sidii mayd loogu tuurayey.

Gaas iyo Dastuurka

Waxaa gabogabo ah marxalad kala guur ah, ku meel gaar ayaa la doonayaa in la moodo, xaggee loo moodayaa? Maxaa lagu moodayaa? Sidee loo moodayaa? Yaase moodaya? Waa weydiimo aadan is weydiin karin! Haddaad is weydiisana cid aadan weydiin karin! Haddaad weydiisana aad “isbaarayste” [Isbaaro dhigte] ku suntanmaysid, awalse “Qaswade” ayey ahayd, cunaqabatyn ayaa lagu saarayaa haddaan lagugu salaamin waa lagugu sagootin! Aragtidan gurracan mudane Gaas ayaa suttiga u haya, dabcan Faroolana gadaal ayuu ka soohayaa, oo xaajadu waxay maraysaa, meshuu Abwaan Hadraawi ka yiri:

Dadku yuu ku eedayn

Ha dhexgelin ammuuraha

Isha xidho afkana dhawr

Arag maqal warka ood

Arag maqal warkana ood

Weydiimahan kuwo la mid ah ayaa jira, kase horreeya, aanse la doonayn in la isweydiiyo, ma ahan weydiimo culus, balse cindigaba lama galin, cidna iskuma mashquulin ma jawabtoodaa fudud? Ma dadkaan doonaynba inay su’aal isku daaliyaan? Mise waaba dood aan loo joigin? Miday tahayba, maxaa laga guurayaa? Maxaa lagu gabranaa? Waxaase kaba sii daran haddiiba dib la dammoonayn.

Mudane Gaas awooddiisa dhan wuxuu isugu geeyey sidii loo meelmarin laaha dastuurkan qabyo qoraalka ah, kaliya ma ahan, wuxuuba ku daray laba arrin oo mid walba midda kale ka sii liidato, maya ka xun tahay, waa midda koowaad, aflagaaddo oo u jeedinayo ciddii durta dastuurka, isagoo ku sunataya inuu yahay qof sibaaro u dhiganaya dastuurka, malaha eragan ayaa ah eraga maanta laga wada baqo, waaba su’aale miyeyba jirtaa qof aan sibaaro u ool, waqti xaadirkan?.

Midda kale, ee iyana muddaba la waday shalayna meel walba ku qorneed aaya ah, in qaswadayaasha waa sida hadalka loo dhigee, lala tiigsan doono Maxkamad, oo waaba su’aale maxaa loo magacaabi waayey? Waa haddii ay jiraan wax rasmi ah, waabase yaabe, kuwii dadka laayey ayaa Nabaddoonno loogu yeeraaye, maxaa cagajuglayni taraysaa? Wallee shisheeye inuusan qofna qof u sandullayn karine, maa wax la iskula haro, Soomaali ayaa isu dambaynaysee.

Mudane Gaas isagoo u jawaabay dadka dastuurka duraya, ayuu adeegsaday eraga “Isbaaro” waxa ku qasbay lama garan, aan ka ahayn in eragani yahay eray bixinta ku badan carrabka siyaasi isku sheegga, waliba kuwooda doonayo inay dadka bajiyaan ama cabsi galiyaan, waaba haddii eray dadku ka cabsanaayane.

Mudane Gaas isagoo VOA-da waraysi siinaya ayuu yiri: “Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha uu qoraayo!” mid aan mudane Gaas dhoho, dadka duraya dastuurka qabyo qoraalka ah 100% way garanayaan waxa ay u durayaan, sababta ay u durayaan, qodobka ay durayaan, sidaa ay u durayaan, ujeedka ay u durayaan, ee armuu mudane Gaas isagu garanayn waxa uu ku hadlayo? Waa iga weydiin kaliya, qof walba siduu doono ayuu qaadan karaa.

Waxaase hadalka mudane Gaas jawaab ka baxshay madaxa dhaqanka beelaha Muqdisho Nabaddoon Maxamed Xasan “Xaad” oo waliba shaki galiyey xilka uu Soomaali u hayo, isaguu ku suntay inuu Faroole matalo, ee uusan Soomaali matalin, loogana baahan yahay inuu raalli galin ka baxsho aflagaaddadaa uu gaystay, waa sida Nabaddoon Xaad yiriye.

Waxaa ku soo biiray dadka u dulqaadan waayey qaabxumada mudane Gaas, oo ka gilgishay gardarradiisa qaawan Abaanduulaha ciidan xoogga dalka Gen.  Cabdikarim Yusuf “Dhagabadan” ka dib markii Gen. Dhagabadan ka warhelay soddon askar ah oo loo qaadayo tababar, oo uusan isagu waxba ka ogayn, loona qaadi rabay wadanka Jabuuti, lana yiri waxaa ogaa mudane Gaas.

Gen. Dhagabadan ayaa is hortaagay ciidankaa la qaadi rabay, kuna amray in la geeyo xarunta dambi baarista, si su’aalo loo weydiiyo, waaba iga su’aale, mudane ciidan si gaar u tababaranaya, qas ka weyn miyey jira? Waliba waddo sharci darro ah u maraya.

Gen. Dhagabadan meesha ay isku qabteen Gaas taa kaliya ma ahan, ee waxay isku maandhaafeen qaabka loo soo xulayo odayada beesha uu ka soo jeedo Gen. Dhagabdan, oo mudane Gaas soo faragaliyey, bal aqriste qas ka qweyn miyaad haysaa, in mudane Gaas uu faraha la galo, beel uusan u dhalan, qaabka loo xulayo odayadooda? Haddana waxay doonayaan inay naga dhaadhiciyaan waxaa jira qaswadayaal.

Hadduu garan waayey mudane Gaas inuusan galin meel aan dirsan, iskuna qaadin meel aan u qummanayn, ayaa waxaa si toos ah ugu jawaabay Gen. Dhagabadan oo yiri: “Ma waxaad tahay kaabo Qabiil Soomaliyed? Mise Ra’isal wasaare Soomaaliyeed?” siina raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!” oraahdaa mid ka agdhawna waxaa horay u yiri Nabaddoon Xaad, isu gayn waxay muujin, inuusan shaqadii loo igmaday ku maqnayn.

Ugu dambayn, Dhagoolkii wuxuu yiri: “Inaan gardaranahay waxaan ku ogaaday dadka dhan ayaa faraha igu soo wada fiiqay!” hadda Gaas hadduu garasho leeyahay wallee in farta lagu wada fiiqay, mase dhacaysaa inuu ka joogsado inuu noqdo Jookar meel walba gala? Taa waxaa ku baxay Mudane Shariif Sakiin, oo Tareenka siyaasadda uga degay, ee adna yeysan kugu imaane, wax isukal har.

Gunaanadka qormada aan ku soo gaabsho tuducyo ka mid ah gabayga Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” gabayga magaciisa waxaa la yiraa: “Gudgude” waana sidan:

Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye 
Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye 
Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale’e 
Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye
Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin?.

Posted on May 7, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: