U gurmo Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan oo Muqdisho ku xanuunsanaya

Isniin, May 07, 2012(MMG): Fanaanniin, aqoonyahanno iyo waxgarad ku nool magaalada Stockholm ee caasimadda Dalka Sweden ayaa gurmad intii karaankooda ah u sameeyay Abwaan Axmed Cabdi Gaashaan oo Muqdisho ku xanuunsanaya, isagoo qaba dhaawac ka soo gaaray qaraxii Tiyaatarka ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhasheen.

Dadkani is-xilsaaray ayaa waxaa hormuud u ah Fannaanka Super Khaalid, Boss Caato iyo Gabdhaha kala ah Xamdi Jaamac, Alma Aadan iyo Muna Cawad, sidoo kalena waxaa kala qeybqaatay fanaaniin ay ka mid yihiin Cusmaan Amita, Daahir Indha-jaceyl, Keysar Cumar iyo kuwo kale.

Fanaaniintan ayaa magaalada Stockholm waxay ku qabteen bandhig faneed ay ugu magac dareen midkiina taagta daran taageera, waxayna dhaqaalihii bandhig faneedkaas ka soo xarooday ay ugu deeqeen Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan.


Al-Fannaan Super Khalid iyo Xamdi Jaamac oo la hadlay Hiiraan Online ayaa u sheegay in ay lacag gaareysa 2,224.80$ waa sida ka muuqata receipt  xawaaladda Dahabshiil ee lacagta laga dilay.

Tallaabada ay qaadeen Fanaaniinta iyo waxgaradka Stockholm oo kale ayay la gudboon tahay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in ay u gurmadaan Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan oo ah Abwaan Soomaaliyeed oo aan meelna uga bixin dalka Soomaaliya wixii dagaallo iyo dhibaato dhacayay.

Abwaanka ayaanan helin daryeel ay heleen in badan oo ka mid ah dadkii qaxaas ku dhaawacmay, kuwaasi oo qaarkood daweyn loogu qaaday dalka dibaddiisa, waxaana la isweydiin karaan su’aasha ah MUXUU GALABSADAYOO LOOGU GURMAN WAAYAY ABWAAN AXMEDEY CABDI GAASHAAN.


Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan waxaa uu sameeyay Ruwaayado Banaadiri ah oo caan baxay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Luul iyo Leyla, 15-kii Shumeey, Kibirkii beerta karfan saaray jaceylka iyo kuwo kale.

Haddaba qofkii doonaya in uu Abwaanka toos ula xiriiro Telefoonkan ayuu kala xiriiri karaa
00252615566031.








Moment Media Group

Posted on May 7, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: