MAXAAD KALA SOCOTAA WAXYAALAHA UU XAMBAARSAN YAHAY DASTUURKA PUNTLAND.

Qodobka 38aad

MUWAADINNIMADA

1.Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland waa muwaaddin Puntland.
2.Muwaaddinka Puntland luminmaayo muwaaddinnimidiisa haddii uu qaato jinsiyad dal kale
.

Meeshaan waxaa kaaga muuqanaya in Puntland muwaadinimadeedu ay ku xiran tahay arin hoose oo aan la cadeyn, lana leeyahay jinsiyadda Puntland. Waxaa kale oo aad meeshan ka arkaysaa in la leeyahay qofkii Jinsiyad Dal kale qaata ma luminayo muwaadinimada Puntland, taas oo micnaheedu tahay in Puntland ay tahay Dal madax banaan.

Qodobka 39aad

WAAJIBAADKA MUWAADINKA

1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah:
(b) Dhawridda diinta Islaamka, dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka iyo kuwa caalamiga ah.
(t) Adkaynta midnimada ummadda iyo ilaalinta jiritaanka qarannimada Puntland.
(j) Codbixinta xilliyada doorashooyinka.
(x) Bixinta canshuuraha ku waajibay.
(kh) Ka qaybgalka difaaca Puntland markii loogu yeero ama ay la soo gudboonaato.
2. Sharciga ayaa qeexaya ciqaabta lagu mutaysanayo gudasho la’aanta waajibaadka ku xusan qodobkan.

Waajibaadka qofka ka mid ah Puntland kama mid ah difaaca Dalka Soomaaliya, waxaana muuqata in ay magaca Soomaaliyeed meel iskaba dhigeen.

Qodobka 50aad
SHIRKADAHA WADAAGGA AH


1. Xukuumaddu waxay samayn kartaa, kana qayb-geli kartaa shirkado wadaag ah oo ay saamilay ka yihiin maalgeliyayaal waddani ah iyo kuwa ajnebi ahba.
2. Madaxda shirkadaha wadaagga ah waxaa isla magacaabaya wasaaradda hawlaheedu la xiriiraan iyo saamileyda gaarka ah.
3. Habka dhismaha, maamulka iyo saami-qaybsiga Sharikadaha Wadaagga ah waxaa qeexaya xeer gaar ah.

Halkaan waxaa ka muuqanaya in kheyraadka dabiiciga ah iyo shirkadaha maalgashanaya iyo sida saamiga loo qeybsanayo in ay Puntland iska leedahay, waxaan inaba lagu xusin Dawladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku leedahay maamulida Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa si ku talagal ah oo ay maamusheen Puntland loo qoray Dasruurka qabyo Qoraalka Soomaaliya oo aan lagu xusin sida Kheyraadka dabiiciga Soomaaliya loo qeybsanayo.

Qodobka 53aad
KHAYRAADKA DABIICIGA AH

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga.
2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.
3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.
4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.
5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.

Waxaa dastuurka Puntland ku cad in Kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland ay kaliya xaq u leeyihiin dadka Puntland.
Ruqsada lagu soo saarayo Kheyraadka dabiiciga ah waxaa iska Leh dawlad goboleedka Puntland, dawladda soomaaliya wax xuquuq ah looma reebin.
Mida kale Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya waxaa maamula xukumada uu Hogaamiyo Cabdiweli o oka soo jeeda Puntland. Maxaa keenaya in Cabdiweli uu raisul wasaare ka ahaado Soomaaliya, Maamulana Dhaqaalaha Dekadaha, airaporada iyo dhamaan go’aanada xukuumada Soomaaliya iyada oo Puntlan ay kheyraadkeeda aysan waxba uga ogoleyn Soomaalida kale.

Qodobka 109aad
BANKIGA DHEXE

1. Bankiga Dhexe waa hay’ad Dawladeed Madaxbannaan, wuxuuna u xilsaaran yahay:
(b) Hirgelinta siyaasadda lacageed ee Xukuumadda.
(t) Daabicidda lacagta.
(j) Bankiga Dhexe waa Khasnadda Dawladda (Government Treasury).
(x) Oggolaanshaha shirkadaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.
(kh) Kormeeridda shirkadaha maaliyadeed ee gaarka ah iyo kuwa guud ee Puntland ka hawlgala.
1. Bankiga Dhexe waxaa hawlihiisa haga Guddi Maamul (Board of Directors) oo ka kooban toddoba (7) xubnood oo kala ah:
(b) Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.
(t) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
(j) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga.
(x) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.
(kh) Saddex xubnood oo ay magacowdo Rugta Ganacsiga; iyo
Xoghaye aan cod lahayn oo noqonaya Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe.
2. Guddiga Maamulka wuxuu hawl gali karaa oo kaliya, marka ay Bankiga u dhameystirmaan gudashada waajibaadka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan.
3. Guddoomiyaha Bankiga Dhexe waxaa xilka u magacaaba, muddo shan (5) sano ah, Xukuumadda, iyada ayaana sababaha sharcigu tilmaamayo oo kaliya ku ruqseyn karta. Golaha Wakiillada ayaa ansaxiya magacaabistiisa iyo ruqseyntiisaba.
4. Qaab-dhismeedka iyo nidaamka uu ku hawl-galo Bankiga Dhaxe, waxaa qeexaya xeer gaar ah oo Golaha Wakiilladu ansixiyo.

Waxaad arkaysaa Bankiga Dhexe ee Puntland in uu yahay Bank dawlad, oo uusan hoos tageynin Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Lacagta uu isagu samaysanayo, dawladda dhexe ee Soomaaliya aanba laga hadlaynin, Puntland ay tahay dawlad madax banana , go’aanadeeda iska leh.
Dadka Puntland ka socda oo Maamulaya dawladda dhexe ee Soomaaliya ay yihiin dad u shaqo tagay dal kale.

Qodobka 140aad
ISWAAFAJINTA DASTUURKA PUNTLAND IYO DASTUURKA JAMHUURIYADDA FEDARAALKA EE SOOMAALIYA

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno sharci iyo Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan dastuurka puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.
Guddiga gaarka ah ee dib u eegidda Dasturka Puntland wuxuu Dastuurka Puntland waafajinayaa kan Federaalka, iyadoo uu mudnaanta leeyahay Dastuurka Federaalka.
2. Guddiga gaarka ah ee dib u eegidda Dastuurka Puntland, wuxuu la tashanayaa Golaha Fulinta, Maxkamadda dastuuriga, Xeer-Ilaaliyaha Guud, mas’uul kasta ama qof kasta oo uu u arko inuu tala ku biirinayo inta lagu guda jiro isku dubbarididda talooyinka wax ka beddelidda Dastuurka Puntland.
3. Guddiga Gaarka ah ee dib u eegista Dastuurka Puntland hindisaha is waafajinta labada dastuur wuxuu u bandhigayaa Golaha Wakiillada, si uu uga doodo uguna oggolaado cod aqlabiyad hal-dheeri ah (1/2+1).
4. Hoggaanka Golaha wakiilladu wuxuu si degdeg ah ugu gudbinayaa Madaxweynaha isbeddellada Dastuurka Puntland lagu sameeyay si uu u saxiixo faafinta rasmiga ahna loogu soo saaro.
5. Waxaa reebban in guddiga gaarka ah loo adeegsado wax ka beddelidda Dastuurka ee ka baxsan iswaafajinta Dastuurka federaalka iyo kan Puntland

Qodobkaan waxuu ku tusayaa ilaa afti dadweyne loo qaado dasruurka Soomaaliya, in aysan Puntland saameyneynin waxyaalaha ku qoran dastuurka Soomaaliya.
Markii afti dadweyne lagu meelmarsiiyo Dastuurka Soomaaliya ka dib ayaa Puntland u saaraysaa Gudi is waafajiya labada Dastuur, inta ka horeysa Puntland wax shaqo ah kuma lahan waxyaalaha ku qoran Dastuurka Soomaaliya.
Inta dastuurka Soomaaliya lagu dhaqangelinayo Puntland siyaasiyiintooda waxaa ay wax ka maamulayaan, go’aaminayaan dhaqaalaha, siyaasadda Koofurta Soomaaliya.
Arintaas oo u muuqata in Koofurta Soomaaliya siyaasiyiintoodii ay gabeen dadkii ay matalayeen, markasta ay koofurta maamulaan dad dhaqaalahooda, iyo Goboladooda u tashtay, ayna ka shaqeeyaan in ay iska horkeenaan dadka Koofurta Soomaaliya.

Haddaba halkaan waxaan idinkugu soo gudbiyay qodobo yar oo ka mid ah waxyaalaha uu xambaarsan yahay dastuurka Puntland.
Dhowaan waxaan idin soo bandhigi doonaa dastuurka Puntland oo dhan oo aan haba yaraatee waxba u hambaynin Dawladda Soomaaliya.

Miyaaney xaq aheyn inta Dastuurka Soomaaliya looga codeynayo in qof kasoo jeedaa Puntland uusan lug ku yeelan maamulida Siyaasadda iyo Dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Posted on May 9, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: