Aqoonyahano sharciga ku xeeldheer oo xalay ka qeybgalay dood ka dhacday Stockholm loogana hadlayey dastuurka qabyo qoraalka.

Dood cilmiyeed looga hadlaayey sharci ahaanshahaada qabyo qoraalka dastuurka iyo qaladaad ku jira oo ay ka qeybgaleen aqoonyahano sharciga ku xeeldheer, Soomaaliyana laga yaqaano ayaa xalay lagu qabtay magaalada Stockholm ee xarunta wadanka Sweden.

Doodaan uu soo qabanqaabiyey ururka baadigoobta wadaniga Soomaaliyeed ayaa aqoonyahanadii lagu casuumay waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdullaahi Cosoble Bare oo hore u soo noqday gudoomiye ku xigeenkii maxkamadda sare ee dalka ahna macalin jaamacadeed, Prof. Cumar Maxamed Cadow oo hore u ahaa profesor jaamacadda Umadda ee magaalada Muqdisho wax ka dhigi jiray isla markaana ah garyaqaan, General Maxamed Xaaji Maxamed oo hore u soo noqday taliiyaha boliiska Soomaaliya isla markaana ah garyaqaan.
Intii ay doodan socotay ayaa waxaa sharaxaad cilmiyeysan ay aqoonyahanadu ka bixiyeen qodobo xasaasi ah oo ku jira dastuurka sida: Arimaha jinsiyadda, federaalka iyo sida sharci ahaan dalku uu ku meel gaar uga bixi karo.

Ugu horeyn kulankan waxaa furay oo aqoonyahanada iyo dadkii kale ee ka soo qeybgalay soo dhoweeyey gudoomiyaha ururka baadigoobka wadaniga Soomaaliyeed Dr. Maxamuud Cali Xasan (Afgooye) oo hore dalka uga soo noqday wasiiru dowlaha arimaha gudaha xiligii dowladii Cabdiqaasim ahna nin aqoonyahan ah oo ku xeeldheer dhinaca dhaqaalaha oo sharaxay sababta kulanka ay u soo qabanqaabiyeen iyo hadafka ururkoodu leeyahay oo uu ku sheegay badbaadada dalka iyo dadka, soo celinta sharciga iyo kala dambeynta iyo wacyi gelinta umadda Soomaaliyeed.
Dr. Cabdullaahi Cosoble Bare oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dastuurka kaliya ee rasmiga ah illaa hada Soomaaliya ay leedahay uu yahay kii lixdankii oo ahaa mid shacabka Soomaaliyeed cod looga qaaday, si aqlabiyad lehna loo ansixiyey, waxaana uu intaa raaciyey in wixii kale ee la keeno ee aanu shacabku u codeyn weligood ay ku meel gaar noqonayaan, waxaana uu shaki ka muujiyey sida dalku ku meel gaar uga baxayo iyadoo uusan jirin dastuur shacabku u codeeyey.

General Maxamed Xaaji ayaa isna sheegay in Soomaaliya dadkeedii iyo dastuurkeedii midna aanu burburin ee ay burburtay hay’addii hirgelineysay oo ahayd xukuumadda sidaa darteedna loo baahan yahay oo kaliya in xukuumad loo dhiso, ee aanan loo baahneyn dastuur in loo dhiso, dastuurkeedii horena uu shaqeynayo hadii loo baahdana wax lagu kordhin karo, isagoo xusay in dastuurkii 60-ki ay ku qorneyd in dowladda dhexe ay awoodda qeybiso balse aanan qodobkaas siduu ahaa loogu dhaqmin, waxa kale oo uu xusay in dowladdii Mbagathi lagu soo dhisay ay taladu ka hoos baxday oo hadii ay toos u qaadan lahay dastuurkii lixdankii aaneey ku meel gaar geli lahayn, isagoo dhinaca kalena ka sheekeeyey dastuurada caalamka ka jira oo uu sheegay in qaarkood la sameeyey labo boqol oo sano kahor intaana wax laga badalaayey.
Prof. Cabdullaahi Cadoow ayaa isna su’aal geliyey sida uu federaal dalka Soomaaliya uga hirgeli karo, waxaana uu ugu horeyn xusay in dalalka federaalka qaata ay yihiin kuwo waxyaabo badan ku kala duwan sida diinta, midabka dhaqanka iyo asalka ama ay yihiin dalal aad u waaweyn oo dowladda maamulkeeda kala gaarsiin weysay. waxa kale oo uu soo hadal qaaday in in federaal ay hirgelin karto dowlad dhexe oo dalka oo dhan gacanta ku heyso taasna aaney haatan jirin, hadii sidaa si ka duwan la isku dayo in loo meelmariyana ay noqon doonto mid dhaliya isqabqabsi iyo khilaaf hor leh.

Prof Cadow ayaa sidoo kale soo hadalqaaday arinta jinsiyadda ee qabyo qoraalka lagu xusay murankana dhalisay, waxaan uu sheegay in dunida jinsiyadda lagu qaato labo hab oo kala ah dhiig iyo dhul oo uu ula jeeday in qofku uu yahay qof waalidkiis ay ka soo jeedaan dalka uu dhalashadiisa qaadanayo ama in qofku uu dhashay dalka uu jinsiyadiisa qaadanayo, “abadaas habna wadamada dunidu midba nooc ayuu qaatay laakiin qabyo qoraalka labadiiba waa lagu qoray oo la isku dhex qasay” ayuu yiri profasoorku oo sheegay in aanu jirin caalamka wadan labada hab isku qaatay.
Aqoonyahanadu waxa ay isku raaceen in dastuurkii 60kii aanu kacaanku baabi’in ee uu laalay oo kaliya, uuna yahay dastuurka sharciga ah ee illaa hada dalka ka jira.
Intii ay doodaas socotay waxaa dadkii ka soo qeyb galay kulankan iyo warbaahinta Dayniile, Allbanaadir iyo telefishinka Royal tv ay su’aalo weydiinayeen aqoonyahanada iyadoo aqoonyahanaduna ay jawaab ka bixinayeen, waxaana dooda u qeybinayey telefishinta Royal Tv.
Waxaana ugu dambeyn kulankan looga mahad celiyey qabanqaabiyayaashi kulankan oo ahaa xubo ku jira ururka Baadigoobka wadaniga Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin: gudoomiyaha ururka Maxamuud Afgooye, Sheekh Daahir Jeyte, Mr. Xamdi Sheekh Axmed, Maxamed Muqtaar, C/qani Caalin, Bashiir Goonyare, Sacad Cumar Geeddi, Cabdi Colaad, Cabdulqaadir dheere.

Posted on May 14, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: