Odayaashii dhaqanka beelaha Puntland oo ka dareeray shirkii ka socday Muqdisho, dibna ugu laabtay magaalada Garoowe

Dayuurad gaar ah ayaa saaka ka qaaday garoonka Aadan cade ee magaalada Muqdisho inta badan odayaashii dhaqanka beelaha Puntland uga qeyb galayey shirkii odayaasha beelaha Soomaaliyeed uga socday magaalada Muqdisho ee lagu soo xulayey ergooyinka ansixinaya dastuurka Somalia ee ay sameysay dowlada KMG ah.

Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamanka Somalia ayaa sheegay in Odaayashaas oo gaarayey in ka badan 20 xubnood ay maanta ka duuleen magaalada Muqdisho, dibna ugu laabteen magaalada Garowe xarunta maamulka Puntland.
“Sababaha ay shirka uga baxeen dibna ugu laabteen Garoowe waxa ka mid ah ka dib markii ay arkeen kacdoonka qeybaha kala duwan ee bulshada ay uga soo horjeedaan dastuurkan cusub, iyo sida dowlada KMG ah aysan ugu dhega nugleyn iney maqasho shacabka codkiisa, waxayna kula taliyeen dowlada inta aysan ka bixin ka ka hor iney wax ka bedesho qodobada laga cabanayo” ayuu yiri Daahir Ciiro.

Warar hoose oo aan ka helnay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Puntland ayaa sheegaya in ka bixitaankooda shirka uu ka dhashay cadaadis uga yimid madaxweyne Faroole oo ka soo horjeestay dhowaan dastuurka cusub kuna tilmaamay mid aan u qalmin in Somalia lagu maamulo, waxaana dadka siyaasada Soomaaliya faaqida ay sheegayaan in arintan ay dhabar jab iyo fashil ku tahay shirkii odayaasha dhaqanka uga socday Muqdisho ee lagu soo xuli lahaa ergooyinka ansixinaya dastuurka.

Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro ayaa sheegay in odayaasha Puntland ay ka hareen afar oday oo uu sheegay iney dano gaar ah ka leeyihiin magaalada, waxaana dhinaca kale wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ay sheegayaan in dayuuradii siday odayaasha Puntland ay halkaas ka degtay si diirana loogu soo dhoweeyey.

Posted on May 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: