Wadaad Iyo Kursiga-Siyaasadda Maxaa Kala Heysta?

image

Dr. C/raxman A. Baadiyoow oo xubin sare ka ah urur-diineedka Al-Islaax ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tagaan qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya. Dr. Baadiyow oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho maanta ayaa sheegay inuu damacsan yahay inuu u ordo xilkaas, isagoo soo bandhigay waxqabadkiisa. “Anigu markaan madaxweyne noqdo waxan soo bandhigayaa hantidayda, waxanan rabaa in sanad walba la igula xisaabtamo hantida aan haysto” ayuu yiri.

Kadib markii uu kursiga madaxtinimada ku guuleystay Sh. Shariif Sh. Axmed oo xubin sare ka ah urur-diimeedka Aala-Shiikh ama Majmac, ayaa waxa bilowday xusul-duub iyo damac ku faafay dhamaan xubnaha urur-diimeedyada Soomaaliya sida ururka Al-Islaax oo damacaasi uu gayaysiiyay inay u kala jabaan saddex qeybood oo qeyb walba uu u taagan yahay musharax gooni ah. Dhowr sanno ka hor ayuu ururka Islaax u kala jabay laba urur oo kala ah Damu-Jadiid (Dhiiga Cusub) iyo Al-Islaax oo isna markii dambe u sii kala jabay laba garab oo ay kala hogaamiyaan Dr. Cali-Dhaare iyo Sh. Max’ed-Garyare. Ururka Al-Islaax ayaa xubin dowliya ka ah urur-diimeedka weyn ee Ikhwaan Muslimiin oo xaruntiisu ay tahay Masar. Waxaa kaloo ururka Al-Islaax u sharaxan maamulihii hore ee Mac-hadka SIMAD Xasan Shiikh Max’ud oo isna la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Waxaa kaloo isna musharaxnimo u tartamaya C/raxman C/shakuur oo horay uga tirsanaan jiray ururka Al-Islaax, laakin hada sheegta inuu ka baxay. Wadaadada urur-diimeedyada Soomaaliya oo usoo kala tartamayay dhexdooda qabashada kursiga madaxtinimada Soomaaliya tan iyo sanidihii todobaatameeyadii ayaa noqday dhibaatada ugu weyn ee ku habsatay Soomaaliya kadib markii ay hubka u qaateen shacabkii Soomaaliyeed ee la rabay inay waxbaraan, natiijadiina ay noqotay in ardadoodii Al-Shabaab ay wadooyinka ku gowracaan dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan. Fursadda iyo nasiibka Sh. Shariif Sh. Axmed uu ku koray kursiga madaxtinimada oo ah hibo uu Ilaahey bixiyo, ayaa ku xambaartay rag fara badan inay kursigaas ku raadiyaan wax walba oo ay awoodaan hub iyo lacag midkii ay helaanba.

Posted on June 6, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: