Xildhibaan Ciiro oo Sheegay in ay la Socdaan Lacagaha la Sheegayo in la Lunsaday

image

Xildhibaan  Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo ka tisan Mudanayaasha barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Baanka Caalamka oo sheegayay in ay jiraan Lacago la Musuq Maasuqay.

 Xildhibaankan oo ka tirsan Xildhibaanada  Xilkii Guddoomiyanimo ka qaaday Guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa arrintaa si qoddo dheer uga hadlay.

Xildhibaan Ciiro ayaa qiray in ay jiraan wararka ka soo yeeray Bangiga adduunka markii shirku uu ka soconayay Magaalada istanbuul ee Carriga Turkiga.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in Lacagahaas uu sheegayo baanka adduunka in ay jiraan isla markaana Sanadadii 2009kii iyo 2010kii  xiligaas ay sax tahay in Lacagtaas la Lunsaday isla markaana si gaar ah loogu Takri falay.

Daahir Ciiro ayaa Farta ku fiiqay in ay si weyyn ula socdaan in Lacagahaasi ay ku maqan tahay waa siduu hadalka u yiriye Wasiirkii Maaliyadda ee  Xiligaas kaasoo uu sheegey inuu ahaa Guddoomiyaha Iminka ee Barlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Xildhibaan Ciiro ayaa intaa ku daray in Waqtigii uu Wasiirka ka ahaa wasaaradda Maaliyadda Shariif Xasan inuu didday inuu Barlamanka hor yimaado si loola xisaabtamo taasina ay caddeyneyso in Tuhunku Xaggiisa si weyn ugu jiro.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay inaan la isaga hari doonin Lacagtaas  isla markaana maalin maalmaha ka mid ah uu jiri doono Xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo Shariif Xasan.

Dhawaan ayay ahayd war qoraal ah oo uu soo saaray bangiga adduunka uu ku sheegay in Lacago ay bixiyeen dalalka Deeqda bixiya looguna tala galay Dawladda Federaalka Soomaaliya in la lunsaday Lacagtaas oo la sheegay in ay gaareysey Boqol Milyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Sidoo kalena dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya uu soo dhaweeyay warka ka soo yeeray bangiga adduunka isagoona sheegay in ay diyaar u yihiin in Lacagtaas la ogaado halka rasmi ahaan ay ku danbaysey.

Si kastaba  iyadoo ay jiraan Eedeeymahaa ka soo yeeraya Baanka adduunka ayaa haddana  Xukuumaddu waxa ay ka  cabanaysaa  inaysan weli soo gaarin Lacagihii ay ku yabooheen Beesha Caalamka si wax loogu qabto hawlaha Road Mapka

 

Posted on June 6, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: